Dhiig Yaraanta. Dhiig yaraantu waa xaalad caafimaad oo unugyada cascas ee dhiiggu ay ka yaraadaan intii caadiga ahayd. Unugyada cascas ee dhiigga oo la odhan karo waa shidaalkii jidhka qofku ku shaqaynayey, waxa ay innoo qabtaan shaqooyin noolaanshaha qofka daruuri u ah. Waxa ay qaadaan oo ay jidhka u qaybiyaan ogsajiinta si cuntada tamar looga dhaliyo, waxa kale oo ay jidhka ka saaraan wasakhda cuntada ka hadhay sida kaarboon dayogsaaydka. Haddaba yaraanta ka timaadda unugyadan cascas ee dhiiggu waxa ay hoos u dhigtaa ogsajiintii xubnaha kala duwan ee jidhka la gayn lahaa, taa soo aad u khatar badan haddii unugyada qaarkood ogsajiintoodu hoos u dhacdo, xataa muddo kooban. Dhiig yaraanta oo keeni karta dhimasho degdeg ah marka unugyada cascas aad hoos ugu dhacaan, waxa ay ku iman kartaa saddex nooc. Dhiigbax Dhiig baxu waa marka uu qofka lumiyo xaddi badan oo dhiig ah oo waxyeello u geysan karta. Dhiigbaxu waxa uu noqon karaa mid degdeg ah sida nabar ama qoon qofka soo...
Posts
Showing posts from August, 2022