Dayacii abaalka.
Dayacii abaalka.
Weligay maan akhrinin wax ka run badan oraahda uu yiri (Noha Faaruuq) ee ah: “Haddii qof qalbigaaga dammaanad qaado, wuxuu kuu dammaanad qaadayaa cafiska, haddii uu dammaanad qaado cafintaada.. si naxariis la’aan ah ayuu Ku wax yeelen doonaa”
Waayaha adduun ayaa i horkeenna tabashooyin badan. Cudurka ugu halisisan waa marka aad weydo nafis nafeed. Nolosha ayaa noqoto mid madow la soo yuururta marka dadku noqdaan bahalo laga dido. Ballan qaadyo been huwan ayay kugu anqarinayaan inta ay kulla joogaan. Wax waliba ay kari karaan dhibaato ah waxay ku xardhayaan laabtaada. Waxay ku odhanayaan waqtiyada aad dhibaatooyinka ku jirto hiil baanu kuu nahay. Qof waliba waxa uu kaa eeganayaa dantiisa dhankasta.
Weedhan uu qoray faylasuufkii Nietzsche wuxuu u qalmaa in lagu daydo : "Waan necbahay kuwa iga xada kelinnimadayda, iyaga oo aan ii soo bandhigin Saaxibtinimo run ah.
Qof waliba waxa uu doonayaa in aad u sheegto wax waliba gudahaada dhex dabaalanaya si ay kaaga tagaan. Laabtooda marka ay arrini cusleyso waxay doonayaan ilaa dhammaadka in aad la sii jirto. Daqiiqada ugu adag goorta aad la daaladhaceyso waxay kuu sheegayaan cuddurdaar aan jiheyn lahayn. Waxay doonayaan in aan si dhab ah u jeclaano, aan ka fekerno waqtiyadooda ugu baaseysan, waxay doonayaan in aan u naxariisano,waxay doonayaan in aan u dagaalano si ay nabad galyo u helaan, waxay doonayaan in aan gaar ka dhigano, waxay doonayaan in aan u noqono saaxiib mar la'arag ah nolosha u buuxsha meelaha ka banaan, iyagoo intaas ka badan doonaya haddana waa ay inna dhaawacayaan.
Waxay kuu soo ordayaan marka uu culeyska buux dhaafsho gondohooda, si aad ulla qeybsato,laabtaada ugu nafisaan,maalinka aad dhiban tahay ay kaa noqdaan kuwa aan ku aqoon.
Waxaan xusuustaa Inaan akhriyay oraah uu qoray Dostoevsky oo leh: "Waxaan rabaa in uu jiro ugu yaraan hal qof, oo wax walba aan kala hadli karo isaga sida in aan naftayda la hadlayo." Taas macnaheedu waa xoojinta wada noolaanshaha idinka dhexeeya, iyo xooggaaga isfahamka, hufnaanta iyo sida cad cad, isaga oo si faahfaahsan iyo sheekooyin u muujiyay waxaad ka qarinayso' dadka kale, guud ahaan ma haysaa qofkan?
Xaalad waliba waxay doonayaan in aan fahanno balse ma doonayaan in ay inna fahmaan daqiiqad xitaa. Si qoto dheer ayaad qalbigaada ugu deeqeysaa si aadan fileyn ayaa loo kala waaxeynayaa. Marka aad ka tagto si aad uga fogaato dhibaatooyinkooda waxay kugu andacoonayaan in aad ahayd mid been u sheega, haddii aad runta iyo kolkoolin aad ku meegaartana qalbiga ayay olol kaaga dhex aloosayaan. Waqtiyada aynnu sida adag u mashquulsanahay ayaan raadinaa fursad aan kula hadalno aynnu xaalkooda ka warreysano, haddana kama helno qaddarin. Waqtiyada aad waxwalba dartooda uga soo dhaqaaqdo si aad waqti ulla qaadato, waxay iska dhigayaan kuwa mashquulsan iyagoo aan ahayn.
Waxaad ka ilaalineysaa dhibaatooyinka si ay u noqdaan kuwa nabad hela,waxay gudahaaga ku abuurayaan xanuuno kala jaad ah dhankastana kaa gamaariya.Ma garanayno halka ay kuwa xunxun ku dhuumanayaan, qof walbana si qumman buu u hadlayaa wuuna iska dhigayaa. Wannaag aan la aqoon ayaa dusha lagu hagooganayaa iyadoo aan ficil la jirin,beddelka wanaagga waxa ku jira murugooyin ku ciirciiraya. Si gobbannimo leh ayaad u jeclaaneysaa, ilaa xad ayaad dhowraneysaa, sawaariiq guhaadaya ayay af galis kaaga dhigayaan. Nolosha dhankasta waxay iska dhigayaan nolosha macallinkooda, haddana waxay kuu dhigayaan casharo lubkaada gariirsha.
Marka ay doonayaan inay inna dilaan waxay gumeysanayaan qalbigeenna si daacad uga fekerno wax qabadkeenna ma u muuqan doonno dhalliilooyin ay inoo sameeyey ayay nagu jaa'ifeeyaan.Qofna ma ogaanayo murugadaada, ama xanuunkaaga, laakiin qof kastaa wuu ogaadaa khaladaadkaaga. Xaalad waliba ku xanuujisa horseed ayay u ahaanayaan ilaa aad isku aragto mid waddo qaldan kulaalayay. Dhimashadu waxay noqotaan dariiq lagu nagu nasto, nolosha muragada leh waxay kaa dhigeysaa mid cabsida la nool. Go'aan kasta aynnu qaadano waxa uu noqonayaa mid dhaawaca qalbigeenna. Sababta taasina waa in aynnu weynay daryeelkii aynnu lahayn. Kuwa aynnu siisanaa waxwalba qurux badan waxay u rogaan dhimbilooyin dhamac ah. Waxa ay doonayaan in aynnu ogaano waxa ay ka fekerayaan oo dhibaatooyin ah iyagoo aanay afka kala qaadin, marka aynnu baahanno cid sidaa inoo fahanta waxa noqonayaan kuwa inna dhabar jeediya, marka aynnu wax jeclaano waxa aannu noqonaa kuwa daciif marka la inna qiyaameeya waxa aynnu noqonaa kuwa wabbiyo murugooyin dhex socda. Qalbigeenna ayaa u deyrinaya kumaan waxyaabood si aan ugu gaar noqono waxa ay inoogu beddelayaan dhaqaaq aan ka fiirsi lahayn, haddii aynnu weydiino tabasho ama dhibaato aynnu u geysanay ma caddeyn karayaan.
Mashquulkooda waxa ka badan yahay daryeelkeenna, daryeelka aynnu u sameynaa waxa ka badan yahay mashquulkeenna. Sideedaba qofka marka si xeeldheer kalsooni kuu siiyo waxay la macnaha tahay dhaawaca iga ilaali, sidaan kuu doortay ii ahow. Ma ahan in aan ku habno hagardaamooyin kala jaad ah si qofkaa uu nolosha karho. Xidhiidhka/wehelka dadka ka wadda dhexeeyaa macna malaha haddii aynnu ka jirin ficil qurxiya xidhiidhka. Umma baahnin la jir kaliya waxa aynnu baahanahay qalbiyo aan inaga rejo dhigin. Ma jirto waddo aan ku dareensiino dhibaatooyinkeenna ilaa ay noqdaa kuwa aynnu nahay waayo waddo kale ma jirto aynnu wax ku fahansiinno.Weligood nama jeclayn, waxay u baahdeen dad u dhow si ay uga gudbaan maalmahoodi' adkaa ee ay ku jireen, shaqadana waaynu gudanay.
U jeedo sidee ah ayaad ka dheegatay.?
W/Q:Liibaan Indhacaad Liibaan Indhcaad
Mahadsanid saaxiib macaan
ReplyDelete