FAHAMKA HEERKA OXYGEN_ka.

 FAHAMKA HEERKA OXYGEN_ka.


 

Cabirada kale ee PR(PULSE RATE WAXA LAGA RABAA NORMALKA 60—150BPM), Halka  kale ee PI%(Perfusion index normalkuna uu yahay 0.02% to 20%) labadaba waxa ay la xidhiidhaan qaraaca wadnaha.

Cabirka heerka hawada oxygen ee aynnu qaadanno, iyadoo la cabbirayo inta hawo ee ay xambaarsanyihiin unnugyada cascas ee dhiiggeenna, maadaama unnugyada cascas ay kudul yaalaan unbugyada loo yaqaan hemoglobin.


Jidhku waxa uu aad ugu baahan yahay xaddi oxygen ah haddii uu waayo si hufan uma shaqaynayo.

Dhab ahaantii heerka oxygen haddii hoosayso,jidhku waxa uu muujin doonaa calaamado khatar badan , xattaa qofku uu miirdoorsoomo.

Heerka oxygen marka ay dhiigga ay ku yaraato waxa loo yaqaan hypoxemia.

Heerka oxygen marka ay hoosayso waxa laga arki karaa maqaarka , maqaarka oo isku beddela buluug(blue).Xaaladaas waxa loo yaqaan cynosis, waxa sifiican uga muuqdaan ciddiyaha iyo baabocooyinka.


Carruurta yar-yar waxa laga arkaa dhamman jidhkooda .


DADKEE AYAA AY OXYGEN HOOSAYSAA?

Xanuunada ku dhaca dhammaan jidhkeenna sida wadnaha, kelyaha iyo xubnayaasha waaweyn waxa laga filanayaa qofkaas in heerka maadada oxygen in ay hoosayn karto,maadaama xaalad caafimaad darro ay timid,dadka gu badan ee ay ku dhacdo maadada oxygen waxa kamid ah dadka qaba xanuunadan:-


1: Xanuunada ku dhaca hawo-mareenka.


2:Xanuunada ku dhaca wadnaha.


3: Xanuunada ku dhaca kelyaha.


4: Xanuunka macaanka.


5:Dhiig la’aanta.


6:Faaligga.


Ilmaha yar ee caloosha ku jira ,haddii ay hooyadu ku raagto foosha.


CALAAMADAHA LAGU GARTO IN OXYGEN-TU HOOSAYSO.


Neef qabatow.


Degenaanshiyo la’aan.


Madax-xanuun.


Baabocooyinka, dibnaha iyo ciddiyaha oo buluug noqda. Hawo-qaadasho badan oo degdeg badan.


Maan-dhaaf.


Laab-xanuun.


Qabow jidhka ah.


SIDEE LOO CABIRAA HEERKA OXYGENTA?


Cabirka heerka oxygenta- waxa loo cabiraa hababkale duwan ,waxa ugu caansan meel walbana laga heli karaa mishiinka loo yaqaan pulse-oximeter .


Heerka caadiga ah ee ogsijiinta badanaa waa 95% ama ka badan. Dadka qaarkiis oo qaba cudurrada sambabada ee joogtada ah ama apnea (hurdada) waxay yeelan karaan heerar caadi ah qiyaastii 90%.


HADDII OXYGEN-TU HOOSAYSO QALABKEE AYAA LA ISTICMAALAA.


Haddii heerka oxygen ay hoosayso iyada loo eegayo heererka cabirka waxa la isticmaalayaa qalabkan:-

a) 80—90% oxygen concentrator.

Oxygen concentrator waxa ay qofka siisa 0–10litter oo hawada oxygen ah , xadhigga ku xidhan ee sanka qofka loo galinayo waxa loo yaqaan nasal cannulla.


b) wixii ka hooseeyaa 80% oxygen waxa la isticmaalaa cylinder oxygen.

cylinder oxygen waxa ay qofka siisaa xaddi hawo oo oxygen ah 0–12litter.


Haddi qofku uu qaadan kari waayo oxygen waxa bata qashinka carbon-ka kaddib qofka waxa lagu xidhaa mishiin loo yaqaan ventilator.


Badanaa dhaqtarka ayaa go'aamiya haddii ay xaaladda ka sii cuslaato intaa.


W/T:Indha_caad


https://www.blogger.com/blog/posts/8031088701880422559?hl=en-GB&tab=jj

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad