Habdhiska qanjirada jirka (endocrine) system)
Casharka 1aad.
Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)
Habdhiska qanjirada ee jirka bani’aadamka waa habdhis muhiim u ah guud ahaan jirka bani’aadamka. Marka laga hadlaayo qanjirada jirka waxay u kala baxaan labo nooc oo kala ah exocrine glands iyo endocrine glands. Exocrine glands:waa qanjiro soo daaya dheecaano waxayna leeyihiin tubbooyin soo qaada dheecaannadaas sababtoo ah dheecaannada ay soo daayaan si toos ah looguma soo daro dhiigga ee waxaa soo qaada tubbooyin loogu talagalay laakiin endocrine glands waxay soo daayaan dheecaano waxaana si toos ah loogu soo daraa dhiigga sababtoo ah qanjiradaan malahan wax tubbooyin ah ee soo qaada.
Sidoo kale waxaa jira qanjiro badan oo uu ka kooban yahay exocrine glands waxaana kamid ah sweat glands, salivary glands,mammary glands, ceruminious glands, lacrimal glands, sebaceous glands iyo mucus glands. Qanjirada soo daaya dheecaannada waxaa kamid ah qanjirka loo yaqaano salivary glands wuxuuna ku yaalaa afka wuxuuna soo daayaa dheecaanka loo yaqaano Amylase oo ka qeyb qaata burburinta cunnada waxaa kale oo laga soo daayaa dheecaankaan ganaca waa xubin yar oo ku taala caloosha hoosteeda waxaana loo yaqaaana pancreas. Sweat glands. Waa qanjirada u xilsaaran jir qabowjinta kuwaas oo ku taxan maqaarka hoostiisa waxay si gaar ah ugu badan yihiin kilkisha, calcaasha gacanta, lugaha, foolka wejiga badanaa waxay soo daayaan dhididka jirka kasoo baxa waxaana soo qaada tubbooyin loogu talagalay in ay soo qaadaan. Mammary glands:waa qanjiro kamid ah exocrine glands waxay shaqadooda tahay in ay soo saaraan caano wuxuuna gaar u yahay dumarka qanjirkaan wuxuu ku yaalaa naasaha wuxuuna ku badan yahay dumarka. Lacrimal glands:waa qanjir kamid ah exocrine glands wuxuu ku yaalaa qeybta sare ee wareegga isha wuxuuna shaqadiisu yahay in uu soo saaro ilinta ama biyaha ka yimaada isha. Ceruminous glands:waa nooc kamid ah qanjirada ku yaala qeybta sare ee dhegta wuxuuna ka qeyb qaataa in la soo daayo ama la sameeyo waxa loo yaqaano dhukeyga (earwax) oo ah wasaqda ku sameysanta dhegta. Mucus glands:waa qanjir ka tirsan exocrine glands wuxuuna soo daayaa dheecaan muhiim u ah jirka bani’aadamka. Waxaan si kooban uga hadli doonnaa labada qanjir ee soo daaya dhididka iyo candhuufta. Dhididka: Dhididka waa dareere biyo ah oo kasoo qulqula qanjirada u xilsaaran dhidid soo saarka jirka dhididka wuxuu badanaaba ka dhashaa wasaq iska saarka jirka gaar ahaan hawo aan midab lahayn iyo cusbo isku tagta waxaa kale uu koontoroolaa heerkulka jirka. Dhididka ka soo hoos baxa maqaarka jirka waxay awood u leeyihiin in ay habdhiska jirka qabowjiyaan sidaa daraadeed haddii heer kulka jirka uu kor u kaco waxaa siyaada dhididka ka soo baxa jirka waxa kale oo dhididka ka soo baxa jirka kor u qaada xaalladaha sida xanuunka lalabada, iyo walwalka, cabsida, waxa hoos u dhiga qabowga, shubanka, iyo nooc kamid ah daawooyinka xanuun baabi'iyaha qaarkood. Waxa jira qanjiro ka qayb qaata soo saarida dhididka waxa loo yaqaana sweat glands, waa qanjirada u xilsaaran jir qabowjinta kuwaas oo ku tixan maqaarka hoostiisa waxay si gaar ah ugu badan yihiin kilkisha, calcaasha gacanta, lugaha, foolka wejiga badanaa waxay soo daayaan dhididka jirka kasoo baxa. Bani’aadanka waxay leeyihiin wax ka badan afar malyan oo qanjirada dhididka soo saara ah kuwaas oo ku baahsan dhammaan xubnaha jirka.
Seddax malyan kamid ah qanjiradaas waxaa loo yaqaanaa eccrine sweat glands, eccrine sweat glands waxay soo daayaan biyo nadiif ah oo aan wax ur ah aan laheyn waxayna ka qayb qaataan isku dheelitirka heer kulka jirka iyo in ay qabowjiyaan jirka, eccrine sweat glands waxay aad ugu badan yihiin meelaha sida calcaasha gacanta, lugaha, foolka wejiga, iyo daamanka. Waxa kale oo jira qanjirka kale oo loo yaqaano Apocrine sweat glands qanjirkaan wuxuu ku yaalaa meela qaas ah sida kilkilsha iyo qeybaha hoose ee xubnaha taranka waxay soo daayaan dhidid adag oo aan ur laheyn laakin dhididkaan aan urka laheyn waxa beddelaya jeermis, jeermiskaas wuxuu ka dhigaa mid ur xooggan leh. Qofka haddii uusan jirkiisa soo saarin dhidid ama uu hoos u dhaco dhididkiisa xaaladaas waxa loo yaqaanaa hypohidrosis ama anhidrosis waxaa inta badan keeni kara cilad lagu dhashay ama in ay jiraan waxyaabo lagu celiyo dhididka sida in loo isticmaalo daawooyin sida anti-hidrosis iyo daawooyinka xanuun joojiyaha qaarkood. Dhibaatada ugu badan ee sababta waa nerve damage in ay neerfaha dhibaato soo gaarto taasoo sabab u ah in ay qanjirada dhididka soo saara shaqadooda ay hoos u dhacdo waxa kaloo keeni kara cudurrada ku dhaca maqaarka marka uu si xun u gubto taasoo ka dhalata in ay qanjirada dhididka soo saara ay baaba’aan ama ay shaqadooda hoos u dhacaan, waxa kaloo keeni kara cudurrada dhaxalka ee lagu dhashto. Haddii qofka lagu arko dhidid badan ama uu jirkiisa soo saaro dhidid badan xaalladaan waxa loo yaqaanaa hyperhidrosisi, waxyaabaha keeni karo waxa kamid ah walwalka, cudurrada ku dhaca sambabada sida tiibishada TB, dumarka marka uu dhiigga caadada ka joogsado waa lagu arkaa xaalladaan sidoo kale waxa keeni kara kansarka iyo xaallado kale laakin inta ugu badan waa intaas.
Buugga: Habdhiska iyo Shaqada.
W/T:Indha_caad
Comments
Post a Comment