Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system) Casharka 7aad
Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)
Casharka 7aad
Hypothalamo-Hypophysis-Gonadal –Axis: Qeybtaan waa qeybta maamulaysa caadada dumarka bilwalba marka uu jirkeeda isu diyaariyo in uu cunug cusub ilmogaleenkeeda galo haddii uu gali waayo way burburaysaa sidaasi darteed waxaa ka imaanaayo dhiig waxana loo yaqaanaa arrintaan menstrual cycle (caadada dumar-ka). Si howshaas is diyaarinta ay u bilaabato ammarka guud wuxuu ka imaanayaa hypothalamus-ka qeybtiisa nucleus arcuate-ka wuxuuna soo daynaa dheecaanka Gonadotropin releasing hormone, dheecaankaas aadaya qeybta hore ee hypophysis-ka kaas oo asigane sii daynaya dheecaannada Gonadotrpic hormone, dheecaannada Gonadotrpic waa labo dheecaan waxayna kala yihiin follicle stimulating hormone iyo luteinizing hormone.
Gabdha inta aysan dhalanin ayay ugxaanteeda diyaar yahay oo inta ay ilmogaleenka hooyadeed ku jirtay waxay leedahay qiyaas ahaan 7 milyan oo ukun (waa awoodda Alle). Gabdha ukunmankeeda howsha beddeshada ee loo yaqaan first meiotic division waxayba bilaawaysaa inta ay caloosha hooyadeed ku jirto laakin ma dhammaystirayso beddeshada unugyada taranka qeybteeda kowaad ee waxay ku hakinaysaa marxalada loo yaqaan prophase. Marka ay gabdha dhalato dhexdhexaad waxaa u soo haraysa labo milyan oo ukunman laakin marka ay qaangaarto waxaa usoo haraayo 400 oo ukun. Ukumankaas waxaa ku hareraysan ama ku wareegsan unnugyo fidsan oo loo yaqaan (Epithelial flat cells), unugyadaan ku wareegsan waxay shaqadoodu tahay in ay quudiyaan ama ay raashiin siiyaan ukunta, ukumankaas ay ku heerarsan yihiin Epithelial flat cells waxaa loo yaqaannaa Primordial follicules oo ah unugyada taranka ee aasaasiga ah.
Primordial follicules-yada 15 ilaa iyo 20 ka mid ah ayaa bilwalba koraayo oo unugyadii ku heeraarsanaa ukunta ee fidsanaa waynaanayaan oo waxay noqonayaan unug afargeesood ah (cupoidal cells) sidaas ayuu magaciisa ku noqonayaa primary follicules macnaha primordial follicule wuxuu isku beddelaa primary follicule. Dheecaanka loo yaqaan follicule stimulating hormone (FSH) ayaa primary follicule u beddelaya secondary follicule oo unugyadii ku heeraarsanaa oo halka saf ama ahaa marka uu ahaa primary follicule waxay noqonayaan dhowr saf ama dhowr wareeg, unugyadaas ku wareegsan ukunta waxaa loo yaqaannaa Granulosa cell.
Inta u dhexeya ukunta iyo Granulosa cell waxa ka samaysmayo maado loo yaqaan glycoprotein waa maado ka kooban sokor iyo borotiin, wareeggaas u dhexeeya ukunta iyo Granulosa cell waxaa lagu magacaabaa Zona pelucida, shaqada ay qabanayso Zona pelucida waa marka ay bacriminta dhacdo oo hal sperm uu ukunta dhex galo wuxuuna u diidayaa in ay sperm kale soo galaan gudaha ukunta shaqada kale ee ay qabato zona pelucida waa in aysan u oggolaanaynin gudaha ukunta wax aan ka ahayn spermaha bani’aadamka. Granulose cells-yada ayaa waxaa ku sii wareegsan unugyada cadaha isku xiraha ah ee (connective tissue). Unugyadaas ayaa laba saf noqonayo oo safka hoose waxaa lagu magacaabaa Theca cell intern iyo safka banaanka oo lagu magacaabo Theca cells extern. Theca cells waxay samaynayaan dheecaanka ragga oo loo yaqaan Androgen oo waxay u gudbinayaan maadadaas granulose cells-ka ayaa maadadaas ka samaysanaya Estrogene.
Qeybta 8aad
Buugga: Habdhiska iyo Shaqada jirka.
W/T:Indha_caad
Comments
Post a Comment