Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system) Casharka 8aad

 Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)


Casharka 8aad


Secondary follicule granulose cells-yadiisa ayaa dhexdiisa ka buuxsamaysa biyo oo biyahaas waxay riixayaan qaar ka mid granulose cells-yada iyo ukunta oo magaciisa wuxuuna noqonayaa graffian follicule. Xuubka gudaha ee ilmogaleenka waxaa lagu magacaabaa endometrium,estrogen-ka xuubkaas ayuu amar ku siinayaa in uu kordho oo uu sameeyo xuub cusub oo xiddido dhiig ah waxaa kale ee uu samaynayaa dhuunta ilmogaleenka mucus-kiisa adkaa oo buurnaa in uu dabciyo uun jilciyo si spermaha ay ugu sahlanaato in uu gudaha ilmogaleenka ku soo galo badashadaas uu badanaayo xuubka hoose ee ilmogaleenka waxaa lagu magacaabaa proliferation. 


Estrogen-ka marka uu dhiigga ku batto ayuu wuxuu amar ku siinayaa hypothalamus-ka in uu yareeyo soo deeynta (FSH), arrintaas waxaa loo yaqaannaa negative feedback (jawaabab dib u celin ah) maxaa yeelay soo daynta estrogen-ka waxaa u sabab ah FSH-ka, estrogen-kii ayaa dib u joojinaya FSH-ka. Waxaan horay u soo dhahnay bilwalba 10 ilaa 20 primordial follicule ayaa isu baddelaayo primary follicule oo isku dayaya in ay ukunta qaan gaar ah noqdaan, laakin koritaankooda waxaa u sabab ah FSH, marka FSH-ka uu dhiigga ku yaraado waxaa wadda qaadanaya inta yar ee FSHka la soo daynaya hal ukun oo kamid ah oo si fiican u koraysa meesha inta kale waynayaan FSH oo ay sidaas koritaankooda ku joogsanaysaa oo sidaas ayey ku burburayaan iyaga oo xitaa aanan dhammaystirin howshooda badashada unugga qaybteeda kowaad (first meiotic division) badashada unug-yada taranka qeybteeda kowaad. Marka ay marayso maalinta 14-aad haddii gabdha caadadeeda ay tahay 28-dii maalinba hal mar macnaha dhexbartanka caadada macnaha inta aysan ukunta soo bixin (ovulation) FSH-kii oo yaraaday darteed waxaa uu hypophysis-ka soo daynayaa dheecaan kale oo lagu magacaabo luteininzing hormone. Dheecaankaan ayaa dhiigga galaya oo aadaya graffian follicule-ka wuxuuna dabcinayaa unugyada ku heeraarsan Theca cells-ka darbigiisa wuxuuna ballaarinaa xiddida dhiigga ee galaya halkaas sidaasi ayaa biyihii ku jiray gudaha secondary follicul-ka ku badanaa. Qeyb ka mid ah Theca cells ayaa aad u jilcaayo qeybtaas jilicday ee grafian follicule-ka waxaa loo yaqaannaa stigma oo halkaas ayay ukuntii banaanka uga soo baxaysa, waxaana ukunta la soo baxaayo qaar ka mid ah granulose cells oo magacooda uu noqonaayo Corona 

Radiata oo sidaas ayay ukuntii kusoo galaysaa tubada ilmogaleenka (fallopian tube). 


Graffian follicule-ka ay ukunta ka soo baxday magaciisa wuxuu noqonayaa jirka jaalaha (corpus luteum). Saacado yar ka hor inta aysan ukunta ka soo bixin graffian follicule-ka waxaa dhammaystirmaayo howsha badashada unugga taranka jirkaas jaalaha haddii ay ukuntii helsho sperm-aha ma burburaayo oo wuxuu noqonaa qanjir wuxuuna soo daynaa dheecaan loo yaqaan progesterone. Sidaasi darteed ayaa ka soo bilow gabdha maalinta kowaad ee ay caddada bilaabato macnaha dhiigga ku dhaco ilaa iyo maalinta ay ukunta diyaar ka noqoto dhexdhexaad maalinta 14-aad waa haddii gabadha 28- dii maalinba ay caadada ku dhacdo waxaa lagu magacaabaa marxaladaas proliferative phase Macnaha ka soo bilow marka uu hypothalamus-ka soo daayo dheecaanka loo yaqaano gonadotropin releasing hormone (GTRH) kaas oo amraya hypophysis-ka in uu soo daayo FSH, FSH-kane uu primary follicule-ka u beddelo secondary follicule sidaasi darteed secondary follicule-ka wuxuu soo saara estrogen, estrogen-kana wuxuu ku amraa xuubka hoose ee ilmogaleenka in uu badato oo uu sameeyo xuub cusub oo ka samaysan dhiig, sidaas ayuu secondary follicule-kii ku noqonaa graffian follicule marxaladaan waxaa loo yaqaannaa proliferative phase marxalada badashada unugga. Kadib ayaa waxaa bilaabanaya marxallada ku xigta oo haddii spermaha uu galay gudaha ukunta macnaha ay dhacdo bacriminta jirka jaalaha ama corpus luteum-ka wuxuu soo daynaa dheecaanka progesterone-ka wuxuuna shaqaynayaa10 ilaa iyo 12 maalmood ha dhacdo bacrimin ama yaysan dhicin. 


Qeybta 9aad 


Buugga: Habdhiska iyo Shaqada jirka.


W/T:Indha_caad

Comments

  1. Mahadsanid Saxiib wadnaga soodaahday mar hore ayey aheed in aadsameysato

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad