Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system) Casharka 9aad
Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)
Casharka 9aad
Dheecaanka uu soo daynayo jirka jaalaha ee lagu magacaabo progesterone wuxuu badinayaa xidida dhiigga ee ka samaysmay endometrium wuxuuna samaynayaa qanjiro. Endometrium-ka wuxuu ka samaysan yahay saddex xuub, hal xuub oo kamid ah waa xuub joogto ah labada xuub kale waa labo xuub oo aanan joogto ahayn oo waxaa bilaabaya samaynteeda Estrogen-ka laakin waxaa dhammaystiraya oo sii haynaya progesterone-ka. Seddexdaas xuub waxay kala yihiin: 1. Xuubka joogtada ah oo aanan burburaynin waxaa lagu magacaabaa Basal layer. 2. Xuubka ku xigga waa xuub aanan joogto ahayn oo qanjir ah waxaana lagu magacaabaa Glandular layer. 3. Xuubka ku xigga waa xuub aanan joogto ahayn waxaana magaciisa la dhahaa Stratum compactum labada xuub ee glandular layer iyo xuubka stratum compactum waxaa lagu magacaabaa functional layers oo waxay ka samaysan yihiin marxallada kowaad ee caadada dumarka. Ukunta iyo shahwadamarka ay kulmaan oo ay bacriminta dhacdo waxay noqonayaan hal unug oo loo yaqaan ziogt. Zigot-ka ayaa sii badanaya oo wuxuu ku badanayaa habka mitosis-ka isaga oo u sii socda dhinaca ilmogaleenka. Marka uu gudaha ilmogaleenka uu galo oo uu ku beermo darbiga endometrium-ka dhexdhexaad waa maalinta 8-aad kaddib bacriminta wuxuu soo daynayaa maado lagu magacaabo Human Corionic Gonadotropin oo lagu soo gaabiyay hCG.
Maadada hCG waxay galaysaa dhiigga oo waxay amar ku siinaysaa jirka jaalaha (corpus luteum).In uusan burburin oo uu sii waddo soo daynta progesterone-ka. Jirka jaalaha ayaa asigane waynaanaya oo progesterone-ka badan intii hore soo daynaya sidaasi darteed Estrogen-ka iyo progesterone-ka ayaa si wadajir ah u joojinaya FSH-ka si aanan ukun cusub loo soo saarin maxaa yeelay ilmogaleenka waxaa ku samaysmaayo cunug cusub. Haddii ay dhiciwayso in ukuntii hesho sperm ama shahwada ama aysan dhicin bacrimin, ukuntii way dhimanaysaa oo way burburaysaa oo waxaa liqaayo unugyada difaaca jirka kuwooda loo yaqaan macrophage. Jirkii jaalaha (corpus luteum) ahaana 12 maalmood kadib wuxuu dareemayaa in aysan dhicin bacrimin, maxaa yeelay uma imaanin maadada hCG oo sidaas ayuu ku burburayaa oo progesterone-kii la soo saarayay ayaa meeshiisa ku joogsanaayo. Sidoo kale labada xuub waxa ku dhacaysa dhiig la,aan sidaas ayay ku burburayaan oo sidaas ayuu dhiigga kaga imaanaya dumarka oo waxaa markale la soo daynayaa FSH si uu u soo bilaabo howshii oo dhan sidaa daraadeed ayay gabdha bilwalba dhiig uga imaanayaa ilaa inta ay uur ka qaadayso. Waxaan si guud uga soo hadalnay sida ay dheecaannada u maamulaan dhiigga caadada gaar ahaan labada dheecaan ee kala ah FSH iyo LH, laakiin hadda waxaan si guud uga hadli doonnaa sida ay u shaqeeyaan dheecaannada qaabilsan koritaanka jirka. Dheecaanka koritaanka (Growth hormone) Dheecaanka koritaanka waa koox hormoonno ah oo ka kooban ilaa iyo saddex dheecaan oo kala ah growth hormone, prolactin, iyo human placenta lactogen. Si dheecaanandaan koritaanka loo soo daayo waxaa amarka guud wuxuu ka imaannaa hypothalamus-ka sababtoo ah hypothalamus-ka wuxuu soo daynaa labo dheecaan oo kala ah growth releasing hormone factor waa dheecaanka masuulka ka ah soo daynta dheecaanka koritaanka waxaa loo soo gaabiyaa GHRF iyo growth hormone inhibiting factors waa dheecaanka qaabilsan joojinta dheecaanka koritaanka waxaana loo soo gaabiyaa GRIF sidoo kale loo yaqaan somatostain. Labadaan dheecaan waa iska soo horjeedaan sababtoo ah midna wuxuu aad u shaqeeya habeenkii waa dheecaanka loo soo gaabiyo GHRF midna wuxuu aad u shaqeeya maalintii waana dheecaanka GRIF.
Marka uu rabo in uu jirka sameeyo koritaan wuxuu soo daynayaa dheecaanka loo yaqaan GHRF dheecaankaan ayaa aaday hypothalamuska oo wuxuu ku amraa hyopyhsis-ka in uu soo daayo dheecaanka koritaanka jirka (growth hormone). Hypophysis-ka ayaa growth hormone-ka ku sii daynaya dhiigga oo qaar ka mid ah waxay ka sii aadayaan beerka si uu beerka u sii daayo dheecaanka loo yaqaan somatomedine howsha uu qabanaayana waa isla howsha dheecaanka koritaanka qaar kalena waxay si toos ah u aadayaan recebtor-ka waxa loola jeeda la kulme. La kulamayaasha sida caadiga ah waxay leeyihiin labo qeybood oo kala ah qeyb waxay u baxsantahay banaanka unugga waa qeybta la kulmaysa dheecaanka iyo qeyb gudaha u fulinaysa howsha loo baahan yahay ama la kulmaysa maado kale oo gudaha unugga ku jirta si howsha la rabo loo fuliyo. ➢ Habka uu dheecaanka koritaanka jirka u koriyo: Qofka marka uu cuno raashiin ama cunto waa la jajabinayaa ilaa laga soo saaro waxa ugu yar ee uu ka samaysan yahay waxa uu cunay ha ahaado borotiin ama dufan ama sokor howshaas jajibiska waxa lagu magacaabaa catabolism, laakiin wixii la jijibayay ee mindhiciirada laga dhuuqay haddane galay dhiigga haddane ka sii aaday unugga oo dhexgalay waa laysku keenayaa oo waxaa laga samaynayaa waxyaabaha uu markaas jirka u baahan yahay sida dheecaanno iyo dheecaano arrintaan dhisida waxaa lagu magacaabaa anabolism labadaan arrin ee dhisida iyo jajibinta waxaa laysku dhahaa metabolism. Unugyada cadiinta (adipocyte-ka) wuxuu ka samaysan yahay Triglyceride oo ah glycerol iyo three fatty acid oo isku xiran marka uu growth hormone la kulmo wuxuu gudaha adipocyte-ka howl galinayaa enzymes lagu magacaabaa growth hormone sensitive lipase.
Dheecaankaan wuxuu glycerol-ka ka jarayaa seddexda fatty acid-ka seddexda free fatty acid-ka waxay galayaan dhiigga waxayna uga sii gudbayaan beerka, beerka ayaa ka sii dhigaya Acetyle-co-A sidaasi darteed Acetyle-co-A ayaa jirka wuxuu u isticmaallaa tayo ahaan (energy) sidaas ayaa unugyada cadiinta lagu burburinaa, laakiin dheecaanka koritaanka haddii uu dhiigga ku bato oo uu si xoog leh u jijibinaayo unugyada cadiinta oo beerka ay ku bataan free fatty acid-ka beerka wuxuu noqonnaa mid cadiin leh waxaa la dhahaa (steatosis). Laakin marka loo fiiriyo borotiinka wuxuu ka qeyb qaadanaa howsha dhisida ah (anabolism) sababtoo wuxuu samaynaa dheecaanno iyo dheecaanno cusub oo ka qeyb qaadannaayo difaaca iyo dhisida jirka.
Qeybta 10aad
Buugga: Habdhiska iyo Shaqada jirka.
W/T:Indha_caad
Comments
Post a Comment