Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)
Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)
Casharka 10aad
Growth hormone-ka wuxuu dhisaa lafaha in uu wayneeyo uuna dheereeyo sababtoo ah lafaha waxay ka samaysan yihiin saddex shey Epiphysis, Diaphysis iyo Metaphysis. Qeybta metaphysis-ka waa qeybta korta oo ka samaysan chondrocyte, dheecaanka koritaan wuxuu chondrocyte u beddelayaa chondroblast mid tarmaayo sidaas ayay lafta ku waynaanaysaa kuna ballaaranaysaa, laakin haddii uu dheecaanka ka tira bato lafaha qofka wuxuu u dheeraanayaa si aanan dabiici ahayn cudurkaas waxaa lagu magacaabaa Acromegaly. Dheecaanka koritaanka wuxuu yaraynayaa in la isticmaalo sokorta maxaa yeelay wuxuu u diidayaa in sokorta laga qaato dhiigga oo la galiyo murqaha iyo unugyada cadiinta sidaas ayuu sokorta dhiigga ugu badanaa laakin gannaca wuxuu isku dayayaa in uu xalliyo arrinkaas wuxuu soo daynaa dheecaan insulin si dhiigga looga qaado sokorta laakin kuma filna oo sokortii lagama dhuuqi karo cadiimanka iyo murqaha sidaasi daraadeed ayaa dadka qaba cudurka Acromegaly ku dhacdaa cudurka sokorta. Haddii aan soo koobno cadiinta ayuu gubayaa murqahana ayaa xadkooda dhaafaya sababtoo ah murqaha waxay u baahan yihiin borotiino iyo dheecaanka koritaanka mar walba oo uu cunuga sii waynaado soo dayntooda way sii badanaysaa ilaa qofka uu ka qaangaaro oo marka ugu badan ay tahay oo la soo daynaayo, maxaa yeelay qofka marka uu qaangaar yahay murqahiisa waa badan yihiin marka loo fiiriyo cadiintiisa marwalba uu qofka sii waynaado waa sii yaraanayaan. Dad waxaa jira ku nool inta u dhaxeysa wadanka Gongo iyo Uganda oo dadkooda ay aad u wada gaa gaaban yihiin dadkaas dhaxal ahaan cilada ay qabaan waa in uusan beerkooda samaynin ama wax aad u yar uu samaynaayo maadada somatomedine, laakin dheecaanka koritaanka si caadi ah ayaa loo soo daynaa dadka noocaas ah waxaa lagu magacaabaa African pigmies.
Laakin waxaa jira dad kale oo caalamka meelo kala duwan ku kaga nool aad ayayna u gaaban yihiin dadkaas marka aad ka baarto dheecaanka koritaanka iyo kan somatodine-kaba way yar yihiin oo aad ayay u yar yihiin maxaa yeelay hypophysis-ka ayaaba laga soo daynaynin dheecaanka koritaanka dadkaas dhaxal ahaan ayay dheecaannadaas ugu yar yihiin sababtoo ah way ku dhashaan dadkaas waxaa loo yaqaannaa hypophysis-ka Dwarfism. Waxaa kale oo jira dad kale oo caalamka ku kala nool haddane somatomedine oo kali ah ay ku yar tahay oo aan kamid ahayn dadkaan African-ka ah dadkaas waxaa loo yaqaannaa levi lorain Dwarfism. Prolactin hormone: Prolactin (PRL) waa dheecaan ka samaysan borotiin adag wuxuuna ka howlgalaa xubnaha taranka ee haweenka sida ovary-ka sidoo kale waxay shaqadiisu tahay sameeynta caanaha jirka ilmaha marka ay dhashaan kaddib haddii uu jirka ku bato waxaa kor u kaca caanaha jirka lagu arko oo noqda kuwa xad-dhaaf usoo baxa, sidoo kale dheecaankaan wuxuu saameyn ku leeyahay in lasoo daayo estrogen iyo progesterone. Dheecaankaan loo yaqaan prolactin-ka mararka qaar kor ayuu u kacaa macnaha wuxuu noqdaa mid siyaado ku ah jirka laakin markaas waxaa u fiirineynaa hadba xaallada taakan markaas. Tusaale ahaan dheecaanka prolactin-ka wuxuu siyaado noqdaa marka ay haweenayda ay uur qaado macnaha inta ay uurka leedahay iyo marka ay dhasho kaddib labadaas marba dheecaanka prolactin-ka wuxuu ku siyaadaa dhiigga sidaasi darteed hooyada marka ay dhasho waxaa naasaheeda kasoo buuxsamaayo caano.
Waxaa jirta xaallad kale uu ku badan karo dheecaanka prolactin-ka waa marka uu jiro cudurka, dheecaanka prolactin-ka marka uu dhiigga u bato waxaa loo yaqaaannaa hyperprolactinemia waxaana sababa inta badan in uu kansar ku dhaco qanjirka soo daayo dheecaankaan ee loo yaqaan pituitary gland,waxaa kaloo jira daawooyin qaar oo ka qeyb qaata in uu siyaado dheecaankaan waxaana kamid ah daawooyinkaas daawadda loo isticmaalo waalida psychiatric drugs sida daawadda risperidone iyo haloperiodol waxayna sababi karaan labadaan daawo in uuu siyaado dheecaanka prolactin-ka waxaa kaloo jira daawo kale u siyaadin karta prolactin-ka sida daawadda metaclopramide. Sidoo kale in uu prolactin-ka ku siyaado dhiigga wuxuu keeni karaa madhaleysnimo ama in ay haweenayda ku adkaato in ay uur qaado sababtoo ah dheecaankaan wuxuu ka qeyb qaataa in la soo daayo labo dheecaan oo kala ah estrogen iyo progesterone labadaan dheecaan waxay shaqadoodu tahay in ay joojiyaan hoormaanka loo yaqaan FSHka si aan loo saarin ukun cusub sababtoo ah FSH-ka wuxuu shaqadiisu yahay in uu ka qeyb qaato howsha bacrimnta gaar ahaan xubnaha taranka ee haweenka iyo ragga.
Human placental lactogen: Waa dheecaan kamid ah dheecaannada koritaanka ee jirka waxaana soo daayaa placenta-aha ama mandheerta placenta-aha waa meesha uu cunuga ka hello cunto iyo hawo si uu cunuga ugu koro, dheecaankaan waxaa la soo daayaa isbuuca labaad ee hooyada marka ay uurka leedahay wuxuuna dhiigga ku sii jiraa isbuuca saddexaad ilaa iyo isbuuca lixaad si tartiib tartiib ah ayuu dhiigga ugu siyaadaa waa inta ay haweenayda uurka leedahay. Inta ay haweenayda uurka leedahay dheecaankaan waxyaabaha uu u qabanayo waxaa kamid ah in uu isku dheelitiro metabolism-ka ka dhexdhaco jirka dhexdiisa si uu cunuga u helo tamar sidoo kale dheecaankaan wuxuu ka qeyb qaataa in sokorta dhex-taalo dhiigga laga soo qaado si loo geeyo unugyada jirka si markaas uu cunugga uga helo nafaqo.
Qeybta 11aad
Buugga: Habdhiska iyo Shaqada jirka.
W/T:Indha_caad
Comments
Post a Comment