Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system) Casharka 11aad.
Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)
Casharka 11aad.
Qanjirka ku yaala qoorta (Thyriod glands) Thyroid glands waa qanjir weyn oo ku yaala qoorta labadeeda gees waa qanjiro sameeya soona saara dheecaanno aad muhiim ugu ah jirka bani’aadamka sida dheecaannada kala ah T3,T4 iyo thyrocalcitonin qanjirkaan wuxuu ka samaysan yahay labo cad, labadaas cad waxaa isku xira cad kale oo loo yaqaano isthmus. Qanjirkaan wuxuu leeyahay waxa loo yaqaanno follicule, follicule-ka waa kiish ama dalool yar yar oo u eg sida qanjirka oo kale kaasoo laga helo xuubabka unnugyada jirka gaar ahaan unuga ugxaanta dumarka ee ilmaha ku abuurmaan. Follicule walba waxaa ku wareegsan ama ku dahaaran unugyada cadaha daboolaha ee loo yaqaanno (cupoidal Epithelial cells). Follicul-ka dhexdiisa waxaa ku jira waxyaabihii laga samayn lahaa dheecaannada waxaana loo yaqaannaa lumen of the follicule, qanjiraddaan waxay sameeyaan soona saaraan dheecaannada kala ah thyroxine (T4) ,Triiodothyroxine (T3) thyrocalcitonin iyo . Saddexdaan dheecaan waxay jirka ka qabtaan shaqooyin farabadan oo aad muhiim uga ah jirka bani’aadamka waxay ka qeyb qaataan howsha jijibinta iyo dhisida jirka oo la isku dhaho metabolism waxay kaloo ka qeyb qaataan koritaanka jirka. Qaabkee ayuu jirku u sameeya dheecaankaan? Marka hore dheecaankaan waxaa laga helaa cuntada sababtoo ah qofka waxyaabaha uu cunaayo waxaa kamid ah macdan kala duwan oo ay kamid tahay iodine-ta iyo borotiino gaar ahaan waxaa laga helaa hilibka. Borotiinkaan ayaa marka la jajabiyo laga soo saaraa waxa ugu yar ee uu ka samaysan yahay borotiinka waxaana loo yaqaannaa Amino acid. Amino acid-ka yadaas waxaa kamid ah Thyrosine.
Qanjirkaan oo loo yaqaanno thyroid gland wuxuu dhiigga ka qaadanayaa macdanta loo yaqaanno Iodide (I) iyo amino acid-ka loo yaqaanno Thyrosine. Marka ay Iodide-ta gasho unugyada qanjirka waxaa jira dheecaan ku samaynaayo (iodide-ta) howl kiimiko ah oo loo yaqaan oxidation macnaha in hawo la siiyo (oxygen) si uu u noqdo Iodine dheecaankaas waxaa loo yaqaannaa thyroid peroxidase. Iodine-ta ayaa lagu shubayaa gudaha follicule-ka sidoo kale unugyada qanjirka waxay samaynayaan in bu’da (nucleus)-ka ku dhex jira unuga qanjirka gaar ahaan DNA-giisa waxaaa la ammraa in uu sameeyo mRNA howshaas waxaa loo yaqanaa Transcription. Messenger RNA ayaa isagana banaanka nucleus-ka u soo baxaayo wuxuuna macluumaadka uu DNA-ga ka soo qaaday siinayaa Ribosomeka cytoplasma-ha ku dhexjira howshaas waxaa loo yaqaannaa Translation oo sidaas ayaa la isugu xirxirayaa Amino acid-ka Tyrosine-ka ah iyo Amino acid-yo kale oo silsilad camal ayey is kugu dhaggayaan wuxuuna sidaas ku noqonayaa Thyroglobulin. Thyroglobulin-ta ayaa lagu shubayaa follicule-ka dhexdiisa sidaas darteed iodine-ta iyo thyroglobulin-ta waxay ku wada jiraan gudaha follicule-ka kaddib waxaa imaanaayo dheecaanka loo yaqaanno thyroid peroxidase wuxuuna samaynayaa in uu isku xiro iodine-ka iyo thyrosine-ka. Haddii hal iodine uu ku dhago hal thyrosine magaciisa wuxuu noqonayaa monoiodthyronine laakin haddii thyrosine-ka uu ku dhago labo iodine magaciisu wuxuu noqonayaa Diiodothyronine macnaha silsiladii ayuu midna hal iodine ku dhajinayaa thyrosine-ka (monoiodothyrosine) thyrosine-ka ku xigana wuxuu ku dhajinayaa labo iodine (Diiodothyrosinine) sidaas ayaa waxaa ku samaysmaayo thyrosine-yo ku dhaggan saddax iodine waxaana loo yaqaannaa triiodothyrosinine oo lagu soo gaabiyo T3.
Qeyb kalena wuxuu ugu dhajinayaa sida tan soo socota thyrosine-ka wuxuu ku dhajinaa labo iodine kaddib thyrosine-kii ku dhagnaa ayuu wuxuu ku sii dhajinayaa labo iodine kale sidaas ayaa waxaa ku samaysmaayo tetraiodothyroxine (T4) ama sida kale loo yaqaan thyroxine silsiladaas ka samaysan T1,T2,T3,T4 waxaa lagu soo celinaa unugyada qanjirada oo gudaha unuga ayaa lagu jarjarayaa oo waxaa loo qeybinayaa T3 iyo T4 kadib waxaa lagu soo darayaa wareegga dhiigga waa labada dheecaan oo thyroid-ka ah iyo T1 iyo T2. T1 iyo T2 waxaa laga jarayaa iodine-ta waxaana howshaas qabanaayo dheecaanka loo yaqaanno thyroid Deioinase habkaan waxaa loo yaqaannaa Deiodination. Iodine-ta laga jaray waxaa lagu celinayaa gudaha follicul-ka si mar kale loo isticmaalo sababtoo ah waxaa jira bukaanno ku dhasha ama dhaxal ahaan u hela in aysan dheecaankaas jirkooda laheyn sidaas darteed bukaannadaas waxaa mar walba ku yar iodine-ta macnaha labadaan dheecaan oo kala ah T3 iyo T4 marwalba waa ku yar yihiin dhiigga taas waxay sababaysaa in ay soo bararaan qanjirka loo yaqaanno thyroid glands marka ay soo bararaan qanjiradaan waxaa loo yaqaannaa Goitre. Xusuus: Iodine:waa curiye macdan ah waxaana inta badan laga helaa cuntada la cunno sida khudaarta iyo hilibka cad sida kalluunka wuxuuna ka qeyb qaataa koritaanka jirka iyo caafimaad qabaka jirka dadka waa weyn qiyaas ahaan waxaa jirkooda ku jira 30mg oo macdantaan ah wuxuuna ka yimmaadaa qanjirka ku yaala dhuunta haddii uu jirka ku yaraado waxaa ka dhasha cudurka quumanka.
La soco...
Buugga: Habdhiska iyo Shaqada jirka.
W/T:Indha_caad
Comments
Post a Comment