Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system) Casharka 2aad

 Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)


Casharka 2aad


Candhuufta: Candhuufta waa nooc kamid ah dheecaannada ku jira jirka kuwooda ugu muhiimsan sababtoo ah dhoor shaqo oo muhiim ah ayey u qabtaan jirka bani’aadamka, dheecaankaan guud ahaan wuxu ka kooban yahay 98% biyo halka inta kale ee soo hartay uu ka kooban yahay waxyaabo isugu jira sida electrolytes, glycoprotein, enzymes (amylase) iyo waxyaabo ka hortaga jeermiska cuntada soo raaca. Soo saarida candhuufta waxa ka qayb qaata qanjirka loo yaqaano salivary glands oo ku yaala afka, saddex nooc ayaa jirta mid ku yaala daanka korkiisa oo loo yaqaano submandibular, iyo mid ku yaala carabka hoostiisa oo loo yaaqaano sublingual gland iyo mid ku yaala dhuunta hoosteeda oo loo yaqaano parotid glands, waxay ka jawaab celiyaan marka wax la cunaayo, la dha-dhaminaayo ama wax la urinaayo. 


 Parotid glands:waa labo qanjir oo ku kala yaala horaadka labada dheg oo laga arki karo gadaasha dambe marka afka lakala qaado, waxay masuul ka yihiin in ay samayaan candhuufta afka kasoo baxda. Sublingual glands:waa labo qanjir oo ku yaala qaarka hoose ee afka, geesaha carabka qanjiradaan waa kuwa ugu yar yar ee candhuufta keena mid walba wuxuu heystaa 20 tubbo oo badankooda u furan xagga afka si toos ah. Submandibular glands:waa labo qanjir oo sameeya candhuufta oo ku yaala daanka hoostiisa. Amylaseoo laga soo daayo qanjir ku yaala afka oo loo yaqaano salivary gland waxa kaloo laga soo daayaa xubinta ganaca (pancreas), Amylase-ka waa dheecaan laga helo candhuufta iyo xubinta kale ee ganaca waana falgal  dejiye ah wuxuuna caawiyaa dheefshiidka dareeraha adag iyo burburinta sokorta. Shaqada ay qabato candhuufta afka ee loo yaqaano (saliva) waxay ka qayb qaadataa burburinta cuntada marka ay afka soo gasho waxayna ka dhigeysaa mid ka gudbi karta dhuunta iyo sidoo kale waxay door ku leedahay nadaafada afka iyadoo ay soo dayneyso waxyaabo ka hortaga jeermiska afka ku dhasha sidoo kale waxay door muhiim ah ku leedahay dha-dhanka cuntada . Marka ay yaraato candhuufta ka timaada afka ama ay ku filnaanweyso candhuufta afka, qofkaas waxa lagu arkaa afka oo qaleel noqda xaalladaan waxa loo yaqaana (xerostomia). 


Hadda waxaan si kooban uga soo hadalnay (Exocrine glands) iyo qanjiradda uu ka kooban yahay laakin hadda waxaan xoogga saari doonnaa qanjirada soo daaya dheecaannada iyo shaqooyinka ay u qabtaan jirka bani’aadamka. Endocrine glands:waa qanjiro sameeya dheecaanno (hormone) waxayna si toos ah ugu soo darsoomaan wareegga dhiigga ayagoo aan meel u soo marin sababtoo ah qanjiradaan ma lahan wax tubbooyin ah ee soo qaada dheecaannada (hormone) waxaa si toos ah loogu soo daraa qulqulka wareegga dhiigga. Endocrine glands: wuxuu ka kooban yahay qanjiro badan kaasoo ku yaala meelo kala duwan oo kamid ah jirka bani’aadamka waxayna soo daayaan dheecaanno (hormone). Qanjirada uu ka kooban yahay endocrine glands waxaa kamid ah sida qanjirka ku yaala kelida korkeeda waxaana loo yaqaana adrenal glands, qanjiradda ku yaala dhuunta thyroid glands iyo parathyroid glands, qanjirka ku yaala maskaxda hoosteeda pituitary gland waxaa kale oo kamid ah pineal glands. 


Waxaa jira xubno kale oo soo daaya dheecaanno sida xubinta ku taalla xiniinyaha ragga testes, xubinta ku taalla unnuga abuura ugxaanta dumarka (ovaries) xubinta ku taalla caloosha hoosteeda (pancreas) iyo xubinta ku taalla qoorta iyo wadnaha inta u dhexeysa waxaana loo yaqaanaa thymus sidoo kale waxaa jira xubin kale oo aad muhiim u ah waxayna ku taalla maskaxda waxaana loo yaqaano  hypothalamus. Dhammaantood waxaan uga hadli doonnaa mid mid si gaar ah ayaan u sharxi doonnaa mid walba waxa uu qabto iyo meesha laga soo daayo cuduradda ku dhaca iyo sida loo baaro. 


Buugga: Habdhiska iyo Shaqada jirka. (ANATOMY AND PHYSIOLOGY. )


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad