Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system
Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)
Casharka 3aad
Waa maxay dheecaan (hormone)? Dheecaanka (hormone) waxaa soo daaya ama sameeya qanjirada jirka qaarkood waxay ku darsamaan wareegga dhiigga, qaarka kalena waxay iskood ugu faafaan jirka ayagoo kaashanaya qanjirada kale ee jirka waxay ka howl galaan meel ka dheer meesha laga soo daayo. Dheecaannada jirka waxay ka sameysan yihiin borotiin, fitamiin D iyo dufan, waxaa jira dheecaanno ka sameysan borotiinno iyo dheecaanno ka sameysan dufanta nooca loo yaqaano cholesterol qofka bani’aadanka aad iyo aad ayay muhiim ugu tagay dufanta iyo borotiinka laakin dufanta badan uu keydsado jirka waxay leedahay dhibaato sababtoo ah waxay xireysaa xidida dhiigga haddii ay xirmaan xididada dhiigga waxaa imaan karta cuduro halis ah sida dufanta oo ku badadta dhiigga.
Waa maxaay shaqooyinka uu jirka u qabto dheecaanka? • Dheecaannada jirka waxay ka qeyb qaataan isku dheelitirka dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka waxana ka qeyb qaata dheecaanka loo yaqaano Aldesterone wuxuu jirka kusoo celiyaa biyaha iyo macdanta jirka sida sodium. • Dheecaannada jirka sidoo kale waxay ka qeyb qaataan kortitaanka jirka waxaana ka qeyb qaata dheecaanka loo yaqaano Growth hormones waxaana laga soo daayaa qanjirka loo yaqaano pitutiry glands waxaa kaloo jira dheecaanno badan oo ka qeyb qaata koritaanka jirka. • Sidoo kale dheecaannada jirka waxay ka qeyb qaataan isku dheeli tirka sokorta jirka ama in la ilaaliyo heerka sokorta ee bani’aadamka waxaana ka qeby qaata labo dheecaan oo laga soo daayo xubinta ku taallaa caloosha hoosteeda ee loo yaqanaa pancreas. • Dheecaannada jirka waxay ka qeyb qaataan taranka ama in ay dhacdo bacrimin, dumarka waxaa loo sameynaa ugxaanta sidoo kale ragga waxaa loo sameynaa shahwada waxaa shaqadaas qabanaayo dheecaan. •
Waxay ka qeyb qaataan isku dheeli tirka heer kulka ka jirka. • Sidoo kale dheecaannada jirka waxay shaqooyin muhiim ah u qabtaan jirka bani’aadamka sida baahida, dharagta, hurdada, farxada, murugta iyo waxyaabo aad u badan uu jirka u qabto waxaano dhan waxaa ka qeyb qaata dheecaan. Waxaan soo sheegnay in dheecaannada jirka marka lagu soo daayo dhiigga in ay ka howl galaan halka laga soo daayay meel ka dheer sababtoo ah dheecaan kasta wuxuu leeyahay unug gaar ah uu ku dhaggo meelaha ay ku dhaggaan dheecaanada marka lagu soo daro weareega dhiigga waxaa loo yaqaannaa receptors. Waa maxay lakulme (receptors)? Receptors: waa koox unugyo ah oo shaqadoodu tahay in ay ogaadaan isbeddelka ku soo siyaada jirka oo isla markiiba fariimo mawjad ah ka bixiya markay arkaan isbadel ku yimmaada jirka waxaana ka falceliya habdhiska dareen wadka ee jirka bani’aadamka unug walba oo ku yaala receptor-ka wuxuu leeyahay labo dareen wade oo ka falceliya marka jirka la taabto tusaale ahaan haddii uu qofka dareemo ur yar gaar ahaan waxa laga dareema sanka ama in wax yar la dha-dhamiyo fariintaas il biriqsigiiba waxaa la gaarsiinaa maskaxda waxaana loogu soo falceliyaa si dag dag ah sidaasi darteed dheecaannada laga soo daayo jirka waxay leeyihiin receptors u gaar ah. Dheecaannada waxay leeyihiin receptors ay ku dhaggaan taasoo ka caawinaysa markii dheecaaniska lagu soo daro habdhiska wareegga dhiigga in ay si toos ah ugu dhaggaan unugyada gaarka ah sababtoo ah qanjirada ku yaala jirka bani’aadamka waxay soo daayaan dheecaanno kala duwan sida dheecaanka koritaanka jirka, dheecaanka qaabilsan hurdada, dheecaanka qaabilsan taranka ragga iyo dumarka iyo dheecaanno badan oo jirka ka qabta shaqooyin badan. Sidaasi darteed lakulmaha (receptor-ka) waxay ka samaysan yihiin borotiin, dufan iyo fitamiin D iyo A, receptors-ka dheecaanka wuxuu ku yaalaa labo meelood oo kala ah receptor-ka ka sameysan borotiinka waxaa laga hellaa qeybta sare ee unuga laakin receptor-ka ka sameysan dufanta waxaa laga hellaa unuga dhexdiisa.
La soco qeybta 4aad
Buugga: Habdhiska iyo shaqada jirka.
W/T: Indha_caad
Comments
Post a Comment