HAL QALBI IYO HAL QOF.ππ©Έ❤️
HAL QALBI IYO HAL QOF.ππ©Έ❤️
Maalin ka duwan todobada maalmood, ee todobaadka ayaad noloshayda kusoo biirtay. Maalin aan jeclaan lahaa in ay aniga khaas ii noqoto, oo aan la ila waadagin. Sida aan ku helay xog sabti ayaan dunidan kowsaday, adna isla sabti ayaad noloshayda kusoo biirtay. Sidaa darteed sabtidu waa maalintayda.
Xidhiidh aan ku badhaadhaay ayaa dhexdeena ka unkamay. Waxa aan kaa bartay waxbadan oo aanan la'aanta barteen. Wanaag, ixtiraam, iyo jacayl intaba agtaada ayaa ay yalaan.
Farxaddaydu adiga ayay gacantaada ku jirtaa. Murug marka aan dareemo dhinacaaga ayaan imaad, si aan u nafiso. Farxad marka aan helana agtaada kama nagaankaro.
Daqiiqad walba oo aan kula qaadata waa ay iiga duwantahay nolol maalmeedkayga intiisa kale.
Aniga ayaa la iguu kaa talo galay. May waa la iskugu keen talo galay. Macquul ma'aha in aan kala maarano inagu. Si khaas ayaan kuugu hambalyaynayaa. Waad mutaysatay in aan kuu hambalyeeyo, maadama oo aad kasoo baxday wajibaadkii jacayl ee dhexdeena yaalay.
Dadka intooda badan waxa ay i waydiiyaan waxa aan sidan kuugu jeclaaday, lakiin ma oga in aad u qalanto jacayl kan ka badan. Hadii ay jirto sidan si kabadan oo qof loo jeclaado, waan kuu jeclaan lahaa. Waad u qalantaa in lagu jeclaado. Mararka qaar waxa aan u maleeyaa in aad qayb iga mid ah tahay. Waabadtahay, oo waxa aad tahay qayb iga mid ah oo iga maqnayd. Waan ku helay lakiin wali kuma hantiyin. Umalayn maayo in Alle qof kale calafkiisa kaa dhigi doono. Waan kugu ducaystaa.
Ma tihid qofkii kowaad ee uu xidhiidhna dhexmaro, lakiin waxa aad tahay qofkii qudha ee aan u jeclaaday sidan xadka baxa ah. Waxa aad tahay qofka kaliya ee i dareensiiyay in ay noloshu tahay jacayl, jacaylkuna yahay nolol. Xiisahaagu maaha mid qalbigagayga ka suula. Waan kuu xiisay adiga oo ila jooga, wanaan ku xiisaa adiga oo iga maqan.
Hadal kasta oo aad i tidhaa micno khaas ah ayuu ii sameeyaa, Xataa haddii uu yahay mid aan macno lahayn, aniga ayaa u sameeya micnaha ugu fiican. Qof aan adiga ahayn la hadalkiisu wax muhiim uma arko. May iimaba aha muhiim. Waa sababta aan u yeeshay halhayska "Hal qof iyo hal qalbi" Nafsadayda, iyo niyadayda oo dhan kaligaa ayaan kugu marti-qaaday. Waan ku siiyay. Ilama aha adiga qof ku bartay in uu u baahan karo ruuxkale. Dadku marka ay isku cusub yihiin waxa ay muujiyaan intooda wanaagsan, lakiin adigu wajigaaga dhabta ah ayaad igula dhaqantay. In aan barto dabeecaddaada rasmiga ah, waxa ay ii fudaydisay in aan helo qofkan rabay, isla markaana aan ku jeclaado.
Daqiiqado ayaan ku dhisaa nolol aad adigu gadhwadeen ka tahay, hadana waan dumiyaa marka aan agtayda kaa waayo. Dawaaf ayaan ku tagaa badwaynta jacaylka, biyaha ku jira ayaan soo kabbadaa, isla ilbidhiqsigaa ayaan kasoo laabtaa. Markale adiga ayaa uso dalxiis taga qalbigayga. Bustaannada caashaq ee aad qalbigaygan ka beeratay ayaad hadba dhinac u taxtaxaashtaa. Midhaha curdinka ah ee dhawaan inoo bixi doona ayaad xannaanaysaa. Roob aan u di'in hortaa ayaad ku waraabisaa.
Guri aan innagu leenahay, oo aan joogno ayaan sawirtaa. Ubadka aan dhalnay ayaa aynu ciyaarsiinaa. Marba midkeen ayaa la caweeyaa, innaguna waan wada cawaynaa. Daruur caashaq ayaa dushayda ku hoorta. Durba doogga ayaa is qabta. Beertaan imika beeray, ayaa isla imika baxda. Midhaha aan kasoo guray ayaan wadajir u wadaagnaa.
Maalin ayay inoo rumoobi doontaa riyadeennu. Maalin ayaan noqon doonnaa lammaane ay ku daydaan dadka ii jecel oo idil. Maalinka ayaa ay farxi doonaan dhammaan dadka inala jira oo dhan. Waan ku jeclahay.
waxaad qotontaa wadnaha
Qudhaad ila qaybsataa
Halkayga qof ee isagu
Halkii qalbi qaatayow
Adaan kali kugu qancaa
Murugtaa adigaa qufula
Farxadaada qaybteeda
Badan ayaad ii qaybisaa
Dharaaraha qaabka daran
Qalylkiyo murugta badan
Kashaad qosal siisay baa
Qudhayda ag joog ku tiri
Qabkiyo kibirkii badanaa
Quluubtii bari adkayd
Qofkii iga maydhayee
Qalbiga hantayee dagee
Xubiga qudhqudhsiiyayow
Qarniyo ila joog macaan
Quruxda nolshenan wacan
Qaybaha kale ee ka maqan
Qalayf murugiyo xanuun
Ha quusan dhabar adayg
Anaa kugu qancsanoo
Dhibaatada kugu qawadin
Haduu qaadir yeelo oo
Qoraal waynana imaan
Qudhaada ag joogi abid
Halkayga qofee isagu
Qulubtii wada dagow
Qudhiyo ruuxdayda iyo
Hankaa kugu qanacsane
Qosol oo ii farxsanow
Qalbiga ruuxisiyow
Qolkaad kasha sesatee
Adigu qaas yelataa
Qayrkaa kaa qaadi karin
Farxada qormadeediyow
Murugta marka uu qasdiyow
Midkii quwadeed lahow
Ha qasin jawiyada qurxoon
Haduu qalqalooc yimaad
Qabqabsi cadho iyo ismaag
Qofkaan iga quusanee
Qadhaadh samir ii dhamow
Nolasha quruxdeed lahow
W/Q: Fuad M. Muhumed
Halkaa guji.
https://www.blogger.com/blog/posts/8031088701880422559
Mahadsanid walaalo
ReplyDelete