Ilaahey u mahad_naq.

 Ilaahey u mahad_naq.


فَاذْكُرُونِي أَذْكُرْكُمْ وَاشْكُرُوا لِي وَلَا تَكْفُرُونِ{ (البقرة: 152).

“Ee I xusa, waan idin xusi doonaaye, oo ii mahad naqa oo ha iga abaal dhicina” (Al-Baqarah: 152)


Eebbe waa naxariis badane, waa dambi dhaaf badane, waana kaalmeeye  Haddii aan adeecno Allah markaa isagu nama niyad jabinayo.  Isagu had iyo jeer diyaar buu u yahay inuu na maqlo oo nagu caawiyo barakadiisa.  


Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Alle.  In loo mahadceliyaa waa uu muteystay, waa jirsiiyaha nolosha aadamaha oo dhan, wax walbo dhulka dhex ahaaday. In awooddiisa la qiro waa uu muteystay. Si walbo aynnu u noolnahay ilaahey in loo mahad_naqo waa innagu waajib.  Haddii ay dhibaato kugu dhacdo ilaahey u mahadceli, haddii aad barwaaqo kuu sugnaato ilaahey ku shukri, sifa walba oo wanaagsan ilaahey ayaa muteystay, Alle waa mid ka nasahay xummaan oo dhan. Haddii aad guul gaadho, waxa kugu waajib in aad mahadnaq la timaado. Marka aad cidhiidhi dareento, waa nimco Xagge Alle kaaga timi mahad_naq. Alle waa mid gargaare ah waa mid naxariis badan. Marka ay abaarta jirto waa midka innoo gargaaro, marka barwaaqo jirto waa midka keena. Alle waa midka wax nooleeyaa, waxna dilla inta waxa uu muddan yahay in loogu mahad_naqo.


لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ وَهُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ


Macnaha aayada waxaa waaye:


“Majiro wax isaga la mid ah waana maqalbadane arag badan.”


"Waxaan Alle ka baryayaa inuu na siiyo sabar xilliyada halganka, uu na cafiyo markaan dembi galeyno, oo noo ogolaado inaan mahadnaqno markuu barakadiisa inna siiyo." Ku mahadnaq waxa aad haysato, waxaadan haysan, tijaabooyinka aad la kulanto, iyo kuwa uu si qarsoodiga ah kaaga ilaaliyo. Waxa tusaale cibro qaadasho kugu filan sida uu Alle kuu abuuray, cirka iyo dhulka u fidiyay,  miyeysan ahayn in aad rabbigaa ku mahdiso.  In wadnahaagu garaacmo( heart beat)  waxa suuragaliyay waa Alle. Awood umma lihid in aad jidhkaada dhan gaadhsiiso dhiig balse intaba waxay ku dhacaan awoodda Alle.  Ma garan kartaa inta aad rabbigaa u jirto/ u dhowdahay?  ALLE WEYNE in aan si dhab ah u caabudno u barano qof waliba ayey ku waajib tahay. In aad 

ALLE barato iimaanka ayaa ku siyaada, qu'raanka ku dhadhamma, nolosha ayaa qurxoonaato farxadda ayaa korodha, guusha ayaa fududaadato. 


إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ

(2) وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ ءايَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُون

(3) الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ


(4) أُولَٰئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَّهُمْ دَرَجَاتٌ عِندَ رَبِّهِمْ وَمَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ


{2,3,4} {سورة الأنفال}


Macnaha aayada waxaa waaye:


“Muminiinta waa uun kuwa markii Alle la xuso ay cabsato quluubtooda, marki lagu dul akhriyo aayaatkiisana waxey u kordhisaa iimaan, rabigoodna tala saartaan, ahna kuwa oogo salaadda waxaan ku irsaaqnana wax kabixiyo, kuwaas waaye kuwa muuminiinta xaqa ah.” {Surat: al-Anfaal, 2}


Haddii aad xagga Alle socdaasho Ilaahey waxa kuu iman doonnaa isagoo rucleynayo, cideynu ka agdhawaano isagaa ugu mudan Alle jalaaluhu. Ilaahey wehesho sinaba kuuma cidleynayo, markasto aad u dhaawato, waa mar waliba isagana kuu soo dhawaanayo. Kolba shey inta aad garaneysid ayaad cabsataa, Alle weyne barro si aad ugu dhawaato.  Ilaahey waa kuwa naxariista ka ugu naxariis badan ugu deeqsinoma badan, ugu gargaar badan.


 Mahadnaqa ugu horeeya waa nimcooyinka in loo iilo wixii Alle raali galinaya. Nimcada arraga Alle haku caasin. Nimcada maqalka Alle haku caasin. Nimcada awoodda Alle haku caasin. Nimcada dhallinyarnimada Alle haku caasin. Nimcada maalka Alle haku caasin. Nimco waliba aad heyso xagga kheyrka u adeegso. Wuxuuna ku siiyay wax kasta oo aad codsatay, haddaad tiriso nimcooyinka Eebbe, weligaa ma awoodid inaad koobtid.?  - [Quraanka, 14:34] 


 Imtixaan kasta waa nimco Eebbe kugu manaysto, nimco walbana waa imtixaan Eebbe xagii ahaatay. ”Noloshu way adagtahay, adduunkana dhibaatooyin ayaa ka buuxa, laakiin qorraxdu wali way soo muuqataa, barakooyinka Eebbe ayaa ku jira meel kasta oo nolosheenna ka mid ah.  Tiri nimcooyinka Alle oo mahadnaq. ”‘’Allow waxan kugu weydiisanayaa in ay mahadda adiga kuu sugnaatay Ilaah kale oo xaq lagu caabudana uusan jirin adiga mooyaane, galadeysiga badnaay, abuuray samooyinka iyo dhulka, weynaay oo sharafta lahaay noolaay oo u istaagsanaay umuraha khalqiga.’’

Nabigu  wuxuu yiri oo xadiis Qudsi ah: “Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonkeyga hadba sida uu iga fisho baan ahay. Anigu waa la jiraa markuu I xuso, hadduu igu xuso naftiisa, aniguna sidoo kale waxaa ku xusaa nafteyda, hadduu igu xusana jameeco dhexdeeda, waxaan ku xusaa jameeco ka khayr badan dhexdeed” (Al-Bukhaari 6970, Muslim 2675)


أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اذْكُرُوا اللهَ ذِكْراً كَثِيراً • وَسَبِّحُوهُ بُكْرَةً وَأَصِيلاً{ (الأحزاب: 41-42)

“Mu’miniintow! Xusa Allaah xusitaan badan, oo xurmad weyneeya oo nazaha aroor iyo galabba” (Al-Axzaab: 41-42), 



W/Q:Liibaan Indhacaat Liibaan Indhcaat




Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad