ISTICMAALKA CURIYAHA "MERCURY":*

 *ISTICMAALKA CURIYAHA "MERCURY":*


Maqaalkaan kooban waxa aan kusoo gudbin doonnaa:

• Mercury waxa uu yahay,

• Khataraha caafimaad ee uu sababo,

• Calaamadaha sumowga Meerkuriga, 

• Soomaalida iyo Isticmaalka Mercury,

• Iyo sida loogu hortagi karo halistiisa.


Haddaba, Mercury (Meerkuri) waa nooc ka mid ah biraha sunta ah ee qaabab kala duwan ugu yimaada deegaanka dhexdiisa. 


Cuntooyinka aan sida maalinlaha ah u cunno qaas ahaan cuntooyinka dabiiciga ah ee badda, ayaa waxaa ku jira qaddar yar oo Meerkuri ah, taasi oo aan saamayn xoogga ku yeelanayn caafimaadkeenna. Laakiin iska badinta cuntooyinkaas ee Meerkuriga ku jira ayaa waxa ay sababaan in Meerkurigii uu jidhkeenna ku noqdo sun, taasi oo loo yaqaan sumowga Meerkurigga (Mercury Poisoning). 

Dadka qaar - oo ay ku jiraan haweenka uurka leh, carruurta iyo dhallaanka - ayaa si gaar ah ugu nugul sunta meerkuriga. Dadka kalena waa ay saamaysaa iyada oo si ba'an u saamaysa neerfaha (NERVES).


*HALISAHA AY SUNTANI SABABTO:*


"Ku-soo-gaadhista meerkurigu waxay yeelan kartaa cawaaqib xumo caafimaad. Khatartu kuma koobna oo keliya dadka isticmaala alaabada meerkuri ku jiro, ee sidoo kale qoysaskooda ayay saameenaysaa", ayuu yidhi Arthur Simone, MD, oo ah lataliye sare oo caafimaad, kana tirsan FDA.


Khataraha ay sababto waxaa kamid ah:

1. Xanaaq (irritability).

2. Xishood (Shyness).

3. Qarqaryo ama garriir (tremors).

4. Isbeddelada aragga ama maqalka (changes in vision or hearing).

5. Dhibaatooyinka hadalka ama maqalka (hearing and speech difficulties).

6. Dhibaatooyinka xusuusta (memory problems).

7. Niyad jab (Depression).

8. Kabuubyo iyo ruxitaan gacmaha, cagaha ama agagaarka afka (numbness and tingling in hands, feet or around mouth).

9. Murqaha oo daciifa (muscle weakness)

10. Lumid ay lumaan neerfaha gacmaha iyo wejiga (nerve loss in hands and face).

11. Dhibaatooyin socod (Trouble walking).


*HALISTA AY CARRUURTA KU LEEDAHAY:*

1. Dhibaatooyinka koritaanka maskaxda.

2. Garasho la'aan.

3. Xirfadaha dhaqdhaqaaqa wanaagsan.

4. Dhibaatooyinka barashada, fahamka iyo ku hadalka luqadda.

Badanaa, sunta meerkurigu waxay soo baxdaa waqti ka dib. Balse haddii si lama filaan ah uu u soo ifbaxo mid ka mid ah astaamahan, waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa sunta daran. Isla markiiba wac dhakhtarkaaga haddii aad iskaga shakisay sumowga Meerkuriga.


*CALAAMADAHA MUUJINAYA SUMOWGA MEERKURIGA:*


Waxaa jirra calaamado ruuxa Mercury ku sumoobay kasoo muuqanaya, waxaana kamid ah:

1. Neefta oo adkaata (difficulty breathing).

2. Matag iyo labbalabo (Nausea and vomiting).

3. U adkeysi la'aan xilliyada kuleelaha.

4. Dhidid iyo ur qadhmuun.


*SOOMAALIDA IYO ISTICMAALKA MERCURY:*


Soomaali qaarkii (Duqowga, Dhallinyarada iyo Gabdhaha) waxay aad u isticmaalaan kareemada kahortagga gabowga, baabi'inta finanka, iyo iftiinka maqaarka (Make Up), Saabuunada jeermiska dila, iyo Lotionska ay ku jirraan Mercury.


Haddaba, waa ay wacantahay Isticmaalkooda, se waxa ay halis aad u daran tahay marka uu ku jirro Mercury. 

Si aad u kala ogaato kareemka aad isticmaalayso in uu Mercury ku jirro iyo inkale waxaad sameenaysaa qodobadaan hoose:

1. Warqadda yar ee kareemka ama saabuunta ku dul dheggan akhri.

2. Warqaddaas haddii ay ku qorantahay ereyo ay kamid yihiin:  “mercurous chloride,” “calomel”, “mercuric,” “mercurio,” amaba “mercury”, waxaa xaqiiqo in ay Mercury ku jirto amaba ay iyadu lafteeda tahay!


Haddaba waa in aad joojisaa Isticmaalka kareemka aad ereyadaas ku aragtay. Haddii aad ka arki weydo wax sumad ah ama faahfaahin oo ay ku qorantahay, iyaduna waxaa kula gudboon in aadan Isticmaalin daawo ama alaabo aan haybtooda la aqoon. Si taa lamid ahina, ha isticmaalin daawo ama cunno ay faahfaahintooda luqad aan Ingriis ahayn ku qoranyihiin.


*SIDA NAFTAADA IYO BULSHADA LOOGA BADBAADIN KARO:*


Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka, ayaa soo jeediyay in laga fogaado guud ahaan daawooyinka/alaabaha ay ku jirraan Mercury, iyo in laga foggeeyo deeggaanka, si bulshada loogu ilaaliyo halisteeda, loona dhowrno badqabkooda caafimaad iyo fayadhowrka deeggaanka. Waxay soo jeediyeen dhowr qodob oo looga hortagayo halista curiyahaan, waxaana kamid ah:

1. Si fiican u dhaq gacmahaaga iyo qaybaha kale, e jidhkaaga ee taabtay alaabooyinka ku jira meerkurida.

2. Haddii ay si lama-filaan ahi kuu taabato; La xiriir xirfadlahaaga caafimaad (dhaqtar), ama rugta daryeelka caafimaadka si aad talo uga hesho.

3. Kahor intaadan tuurin badeecad ay ku jiri karto Meerkuri, ku xir bac balaastig ah ama weel aan dheecaan ka hoorayn.

4. Kadibna ku hubso hay'adaha qaabishan arrimaha qashinka, ama wakaalahada caafimaad u dhiib.


Guntii iyo gabogabadii, waa in dawladda ay soo faragelisaa halisaha kusoo badanaya dhallinteenna Soomaaliyeed, ayna ka hortagtaa waxwaliba oo qalqal gelinaya caafimaadkooda guud iyo mid gaar ahaaneedba. Dhallintuna -Wiil iyo Gabadh- waa in ay ka feejignaadaan waxweliba oo xaalad caafimaad u horseedi kara, waana in ay qaataan wacyligelinta iyo talooyinka joogtada ah ee kaga imaanaya xirfadlayaasha Caafimaad.


*Tixraac:*

1. https://www.fda.gov/consumers/consumer-updates/mercury-poisoning-linked-skin-products

2. https://www.healthline.com/health/mercury-poisoning


Fikraddii: Dr. Liibaan Cabdi Macallin (Indhacaat).

Qalinkii: Dr. Saciid Ibraahim Cabdullaahi (Daacad).

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad