NABSIGAYGU KUMA HELO
NABSIGAYGU KUMA HELO
Ma ahayn in aad i aqbasho adiga oo leh xiriir kale ama rabo ruux kale, ma ahayn in aad i madadaaliso ama aad lummiso waqtigayga adiga oo og wannaagayga iyo sida uu wadnahaygu kuu tabayo.
Ma ogtahay xaaladda aan galay iyo xanuunka aan dareemay xilliyadii adkaa ee aan dartaa u xakaarayay.?
Maalinna ma is waydiisay waxa aan mudan karo marka aan ogaado xaqiiqada kugu xeeran.?
Maxaaba qasbayay in aad been ii sheegto, mooji malaha xal baad u arkaysay, dhib maleh oo horaa loo yiri "Nin laga dhimman jiray geeri waa yaqaan." Haaye maxaa iga quseeya maahmaada, waa dhab oo aniga iyo dhaawaca waa aan is naqaan, haaye ma dhaxalbaad u heshay?, maye ee dhibta laguma waaroo dhaxal looma yeesho waa laga dhammaadaa, malaha mar uun waan ka bosan boogaha damqanaya.
Ma jirin xilli ay iiga xannuun badnayd, mana jirin xaalad ay iiga adkayd in aan marqura ogaado wax aanan filanayn. Ma aqaan ma anigaa nasiib xun mise jacaylkaa natiijo xun.? Ma rabo in aan ku laabto ama aan ka sheekeeyo dhacdadii dhiillada lahayd, se waxa aan rabaa in aan qiro qiimaha qalbiga wax jecel iyo qiraalka waxa loo galay oo uga qaayo badan qaniinyada lama-filaanka ah. Waxa aan doonayaa in aan cabirro darreenka qof si fudud lagu yiri xiriirkeennii waa dhammaaday, iyada oo xaalado badan keligeed wajahaysay, haddana oggolaatay in si niyada u fasaxdo ruuxaa sabab la'aanta isaga tagay.
Maalmaha adduunka iyagaa iska macno badane natiijada ereyadiisi ugu dambeeyay waxa aan dhigaal uga dhigay dhambaalkaase ila dhuuxa oo dhadhansada qalbigan ku dhaartay in uusan isaga wax dhaawacin se la loo dhaawaco si fudud.
Kuma qaldanayn in aan ku jeclaaday, adigaana garab igu siiyay in aan kuu soo dhawaado. Se isma lahayn naf ku lammaanan naf kale ayaa niyad kuu haysa, ama nolosha aan sawirayay baa ruux kale laga dooran karaa. Kuma farxin natiijada xiriirkaygii aan u xusullo duugay, se waxa aan ku farxay go'aanka naftayda qaadatay maadaama ay qiimaysay wixii khayrka ahaa.
Intii hore gocosha iyo gogol dhig ha ii ahaato, balse
waxa aan kaa raalli galinayaa intii aan naftaada ku furay, tashwiishka oo aan xidhiidhkaaga ku ahaa lid aan is ogeyn. Waxa aan kaa raalli galinayaa habsocodkii qaldanaa, ee aan siinin hubsiimada halka aan tilaabta dhigayo, aniga oo teyda bis eeganaya.
Waxa aan kaa raalli galinayaa qasbashada awoodda iyo boobka aheyd, oo aan kula hardamayay qalbigaagii baxnaannada kale ishaaranayay. Waxa aan kaa raalli galinayaa waxkasta oo xageyga kaaga yimid, misana u badnaa qalad bilaa ogaal ah.
Sidaa daraadeed; waxa aan kaa codsanayaa in aad cafis nafsiyan ah ii fidiso, kana soo qaaddo wixii dhacay qaddar. Waxa aan kaa codsanayaa in aad saamaxdo cilladkasta oo kaaga timid xageyga, taas oo qalqal galisay hiigsigaagii rejada qurxoonaa.
Waxa aan kaa codsanayaa in aad iga cafiso marxaladihii aad u martay darteey, adiga oo u fahmay in aanan wax ogaal ah ka heysanin kadiskii aan ku maqlay sheekadan i saamaysay.
Ha iga filan in aan gooyo wannaaggii shalay aan isku barannay ee ahaa tixgalinta walaalnimo.
In aan nusqaamiyo habsocodkii saaxiibtinimo iyo wax wada wadaaggii qurxoonaa.
In aan muujiyo caro, kalsooni xumo, rejo beel, cuqdad, dacwo, tabasho iyo eed aan kaa harin.
WAXAA ILA GUDBOON;
In aan kaa qaado culeeska kuuna fasaxo si xornimo leh, aniga oo si dhab ah kuu jecel.
In aan kula doorto hanka iyo himmilada hiigsigaaga farxadeed ee ku dheehan cidda aad dooneyso.
In aan noqdo walaal saaxiib iyo waalid dhibkaaga dareema, oo aanan kula soo doonnan wax caqabad ah.
In aan qaato go'aan ku saleysan badbaadada cidda aan jeclahay oo ah adiga, cidda aad jeceshahay oo ah gabadha aad iga dooratay iyo nafteyda oo ah dulmantii idiin dhexaysay ama idinku dhex wareertay.
In aan ku qanco kuna raalli noqdo qaabkii aad ii soo jidaysay, ee lahaa doorashada xorta ah.
Waxa aan kugula dardaarmi lahaa qodobadan;
Qofna ha u ballan qaadin wax aadan awooddeeda laheyn.
Qofna ha siinin wax aadan u daa'imi/joogteyn doonin.
Qofna haku raalli gellin wax aadan adigu raalli ka aheyn.
Qofna ha u abuurin rejo iyo ififaalo nololleed oo aadan u soo jeedin waxqabadkeeda.
Qofna haku beerin dareen aan adigaba ku hayn oo ha u oggolaan in uu hankiisa kugu xiro isaga oo aan hubsan waxa aad u haddiyeysay.
Waa aad ku mahadsan tahay tan ugu qaalisan ee ah huridda waqtigaaga, adiga oo muujiyay xushmad tii u sarreysa, ee aan abid ku arko cid si gaara looga dalbaday xidhiidh jaceyl, isaga oo haya waddo u qaas aheyd.
Waxkasta oo wannaag ah horreyso iyo dambeysaba, kaa oo aad u sameysay nafteyda adiga oo tixgalin muuqda ii siiyay ku biiridda noloshaada maalmo qurux iyo xasuustooda lahaa.
Waxkasta oo hammi iyo horjoogsi lahaa taas oo xaqiijineysay, illaalinta qalbigan kula rabay midowga xaggaaga ah.
Waxkasta oo macaan, macno, milgo iyo hab maamuus lahaa.
Ma qiyaasi karo sida aan kuugu mahadceliyo iyo waxa aan mahadcelin kuu siiyo.
Ma gudi karo abaalkaaga mana noqon karo midda kaa abaal dhacda, heerka aan marayee ah wannaaggii faraha badnaa ee aad qalbigeyga ku barbaarisay.
Waxa aan si xushmadeysan kaaga mahadcelinayaa waxwalba oo dhankayga iyo dheef la moodda u samaysay.
Waxa aan Alle kaaga rajeynayaa in uu isaga kuu gudo kaana abaal mariyo, Waxa aad ii gashay oo dhan.
CAFIS
Waxa aan kuu xaqiijinayaa in aan ku cafiyay kuuna masaxay qalbigeyga si cad oo aan ka laabasho laheyn, oo aan kalsooni xumo laheyn, oo aan diiqad iyo niyad jab laheyn, kuna mataannan xurmo iyo ixtiraam aan kuu gaar yeellay.
Waxa aan kuugu bishaareynayaa in aan kuu hayo wannaaggii shallay mid ka badan kana qurux badan.
Waxa aan kugu bogaadinayaa inaa tahay guuleystaha hantay qalbi si dhaba ugu haya dareemo midiba gaar yahay.
Waxa aan kugu dul furayaa oo aan kuu qirayaa inaa tahay qanciyaha noloshaan qeybta weyn ka geestay.
Waxa aan kaa saamaxay oo aan ka tiray qalbigeyga tashwiishkasta iyo hummaag kasta oo ay ii sawireen nafteyda iyo sheydaanka.
DUCO
Alle haku siiyo waxwalba oo niyaadada iyo hormarkaaga ah.
Alle hakuu sahlo hankasta iyo horusodkasta oo aad ka damacsan tahay noloshaada quruxdeeda.
Alle hakaa illaaliyo cadaawaha iyo hagardaameynta dhagar qabayaasha innala nool.
Alle hakaa yeelo mid ku noolaada diintiisa, dhaqankiisa, waddanniyad iyo hannaan qurux badan kuna dhinta xaq iyo u hiillin islaamnimo.
Alle hakaa yeelo mid laga nabad gala isagana nabad gala, oo leh astaamo naxariista insaanku buux dhaafiyeen.
Alle hakaa yeelo mid qalbi wannaagsan oo marwalba wax wannaagsan laga fisho kuna dhaqmo.
Alle hakaa yeelo mid jaceylka ku faafiya naftiisa iyo nafkasta oo xaq u leh, kuna noolaada mustaqbal ifaya.
Alle hakuu saqiro kuuna sahlo cidda u qalanta qurxinta noloshaada, kana hesho dad iyo deeq.
Alle haku waafajiyo ruuxa noloshaada dhammaystiri lahaa ee aad ka heli laheyd jaceyl waara bogsiimo hufan iyo qanaaco kugu filan.
Isku soo wada duub waxaa tahay Qalbi-dahabkii aan kheyrka la jeclaa aniguna waxa aan ahay Xurmadii aad farxadda iyo niyad dhiska u doortay.
Sidaa daraadeed ma jirto meel aan kaaga abaal dhaco ku illoow wixii hore wannaageenna kuna bishaareyso qalbi furnaanteyda, kal xaarnida kalgaceylku hareeyay.
Tani waa doorashada xalka guud ee aan ku idleeyay xiriirkaygii halka dhinac ahaa.
Ma rejaynaayo in aan ka niyad jabo jacaylka, ma filaayo in aan naco xiriirka, ma doonaayo in aan dambiile ka dhigo jacaylka mana rabo in aan ku xadgudbo qof aan shallay xabiibi lahaa.
Waxbaan ka bartay, waxaana ogaaday xalka xanuunka iyo xirfadda looga badbaxo xariirka sida fudud ku baaba'o. Ma ahi caasi inta ay wax rabta ammaanta, marka ay waysana caaydo, ee waxa aan rabaa kaliya in qiro wanaagga iyo qaladka isdaba yaal si loogo waano qaato. Waxa aan hubaa in aan heli doono beddelkiisa iyo birmad nolosha ii baxa, waana bogaadinayaa ruuxkasta oo i baray sida loo badbaxo.
MAALMIHII WACNAA WAY SOO SOCDAAN.🤲🤲🤲
JACAYLKU DAMBIILE MA AHA❣❣❣
WQ: Farxiyo Muxudiin Yuusuf Lama-filaan
Taariikhda: 07/11/2020
Amminta: Habeen Sabti ah
Abbaara: 02:00 Habeennimo
lamafilaan11@gmail.com
Magaalada: Buuhoodle
Xasuustii 2017 October.
Comments
Post a Comment