Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)
Casharka
4aad.
Receptor-ka laga helo qeybta sare ee unuga waxaa kamid ah dheecaanka loo yaqaano insulin. Dheecaanka insulin-ka marka lagu soo daro wareegga dhiigga wuxuu si toos ah u tagayaa receptor-ka ku yaala qeybta sare ee unuga kaddib waxaa ammar lagu siinayaa insulin-ka si uu dhiigga uga qaado sokorta. Receptor-ka laga helo unnuga dhexdiisa waxaa kamid ah dheecaanka laga soo daayo xiniiyaha ragga ee loo yaqaanno testosterone, testosterone-ka marka lagu soo daro qulqulka wareegga dhiigga wuxuu si toos ah u tagayaa unnuga dhexdiisa kaddib waxaa lagu amaraa in uu shaqadiisa bilaawo si uu uga qeyb qaato hormarinta xubanaha taranka iyo bacriminta.Hypothalamus-ka waa xubin aad muhiim uga ah jirka bani’aadamka xubintaan waxay ku taallaa maskaxda qaybta ku taalla horaadka madaxa meesha indhaha ka koreyso, waa qayb aad muhiim u ah waxaana ku yaala xubno badan oo shaqooyin waaweyn jirka u qabta sida meesha laga xakumo heer kulka jirka, baahida, haraadka, cunidda, isku dheelitirka biyaha iyo dareenka kacsigga, sidoo kale hypothalamus-ka wuxuu isku xiraa labo habdhis oo kala ah habdhiska dareen wadka jirka bani;aadanka iyo habdhiska qanjirada u soo daaya dheecaannada.
Hypothalamus-ka wuxuu aad u caawiyaa qanjirka loo yaqaanno pituitary gland sababtoo ah waa qanjir laga soo daayo dheecaanno badan tusaale hypothalamus-ka waxaa fariin uga imaanaayo habdhiska dareen wadka ee jirka bani,aadanka kadib hypothalamus-ka wuxuu soo deynaa dheecaanno fariin wadayaal ah waxaana loo yaqaannaa neurohormones waxay shaqadoodu tahay in ay amraan qanjirka pituitary gland in la soo daayo dheecaan waa markii uu jirka u baahan yahay ama in la joojiyo dheecaan shaqadiisu dhammaatay. Dheecaannada uu soo daayo hypothalamus-ka waxaa kamid ah: •
Thyrotropin releasing hormone: waxaa laga soo daayaa hypothalamus-ka markii lagu soo daro wareegga dhiigga dheecaankaan wuxuu si toos ah u tagayaa qanjirka loo yaqaanno pituitary gland kaddib qanjirkaan waxaa la amraa in uu soo daayo dheecaanka loo yaqaanno thyroid stimulating hormone. • Growth hormone-releasing hormone:waa hoormmon laga soo daayo maskaxda qeybta hypothalamus-ka waxay shaqadiisu tahay in uu amar siiyo qanjirka pituitary gland si loo soo daayo dheecaanka ka qeyb qaataa koritaanka jirka ee loo yaqaanno growth hormone. • Growth hormone releasing inhibiting:waa dheecaan laga soo daayo hypothalamus-ka wuxuu shaqadiisu yahay in uu joojiyo in la soo daayo dheecaanka qaabilsan koritaanka jirka. • Corticotrophin releasing hormone: dheecaankaan wuxuu fariin u dira qeybta hore ee qanjirka pituitary gland kadib waxaa fariin loo sii diraa qanjirka kale ee ku yaala kelida korkeeda waxaana loo yaqaanna adrenal glands qanjirkaan wuxuu soo deynaa dheecaan loo yaqaanno corticosteroid hormone waxayna qeyb qaataan isku dheeli-tirka nafaqada jirka sida barruurta, cadiinta, borotiinnada iyo biyaha jirka soo gala. • Gonadotropin releasing hormone:waa dheecaan lagu sameeyo maskaxda qeybta loo yaqaanno hypothalamus-ka kaddib waxaa si toos ah loogu soo daraa hab dhsika wareegga dhiigga ee jirka kaddib wuxuu tagayaa qanjiro u gooni ah oo u qaabilsan isku dheelitirkooda iyo kala saarkooda waxayna aad u caawiyaan xubnaha taranka ee ragga iyo dumarka. • Prolactin releasing hormone:waa dheecaan laga soo daayo qanjirka ku yaala maskaxda qeybta hypothalamus-ka kaddib wuxuu amar siinaya qanjirka kale ee loo yaqaanno pituitary gland si loo sii daayo dheecaankaan waxayna shaqadiisu tahay in uu sameeyo caanaha jirka ilmaha marka ay dhashaan haddii uu jirka ku bato waxaa kor u kaca caanaha jirka lagu arko uu noqda kuwo xad dhaaf u soo baxa, kaddib waxaa la soo deynaa dheecaan kale oo loo yaqaanno prolactin inhibiting hormone waxayna shaqadiisu tahay inuu amro qanjirka laga soo daayo dheecaanka caanaha si loo joojiyo in la soo daayo caano. Waxaan ka soo hadalnay dheecaannada uu soo daayo hypothalamus-ka iyo shaqooyinka uu jirka u qabto guud ahaan waxaan mid mid uga hadli doonnaa qanjirada soo daayo dheecaannada jirka iyo sida ay u shaqeeyaan.
Qanjirka ku yaala maskaxda (pituitary gland) Waa qanjir ku yaala maskaxda meesha basada ku aaddan oo masuul ka ah dhammaan dheecaannada jirka iyo isku dheelitirkooda, qanjirkaan waa qanjir aad muhiim uga ah guud ahaan jirka oo dhan sababtoo ah wuxuu soo daayaa qanjirkaan ilaa iyo sagaal dheecaan. Qanjirkaan wuxuu si toos ah uga xiran yahay hypothalamus-ka sababtoo ah hypothalamus-ka waxaa ka yimmaado fariimo, fariimaha ka yimaado hypothalamus-ka waxay si toos ah u tagaan qanjirka loo yaqaanno pituitary gland si uu uga jawaabab celiyo fariinta uga timid hypothalamus-ka shaqadaan waxaa inta badan ka qeyb qaata habdhiska loo yaqaanno neuro-endocrine system. Neuro-endocrine system waa habdhis isku jir ah oo koontoroola shaqooyinka ka dhex socda gudaha jirka taasoo ah dareen wadayaasha fariinta kala geeya iyo dheecaannada jirka ku dhex qulqula sababtoo ah habdhiska dareen wadka waxay si wadajir ah ula shaqeeyaan labo qanjir oo ku kala yaala maskaxda iyo kelida korkeeda. Qanjirkaan waxaa loo yaqaannaa ama lagu magacaawaa hypophysis waxaana loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah qeyb hore iyo qeyb dambe waxaana loo yaqaannaa anterior iyo posterior lobe. Qeybta hore waxaa laga soo daayaa ilaa iyo toddoba dheecaan halka qeybta gadaalle lagu keydiyo lagana soo daayo oo kaliya labo dheecaan. Qeybta hore ee loo yaqaanno anterior pituitary gland wuxuu soo daayaa ilaa iyo toddoba dheecaan oo kala duwan mid walba wuxuu qabtaa shaqo gaar ah dheecaannadaas uu soo daayo qanjirkaan waxaa kamid ah. • Adrenocorticotropic hormone (ACTH)waa dheecaan ka samaysan borotiin adag wuxuuna ka howlgalaa qanjirka ku yaala kelida korkeeda ee lagu magacaawo adrenal glands si loo soo daayo dheecaanno kale sida glucocorticoid, mineralocorticoids, iyo sex corticoids. •
Qeybta 5aad.
Buugga: Habdhiska iyo Shaqada jirka.
W/T:Indha_caad
Comments
Post a Comment