Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system)


Casharka 5aad


Thyroid-stimulating hormone (TSH)waa dheecaan ka samaysan sokor iyo borotiin wuxuuna ka howlgalaa qanjirka loo yaqanno thyroid glands si loo soo daayo labo dheecaan oo kala ah T3 iyo T4. • Follicle stimulating hormone (FSH)waa dheecaan ka samaysan sokor iyo borotiin wuxuuna ka howlgalaa xubnaha taranka ragga iyo dumarka sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa koritaanka jirka. • Luteinizing hormone (LH)waa dheecaan ka samaysan sokor iyo borotiin wuxuuna ka howlgalaa ama ay shaqadiisu tahay xubnaha taranka ragga iyo dumarka. • Growth hormone (GH)waa dheecaan ka samaysan borotiin adag wuxuuna ka howlgalaa beerka iyo xubnaha lagu keydiyo dufanta jirka sida adipose tissue-ka sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa koritaanka jirka iyo burburinta dufanta iyo sokorta lagu keydiyo jirka. • Prolactin (PRL)waa dheecaan ka samaysan borotiin adag wuxuuna ka howlgalaa xubnaha taranka ee haweenka sida ugxaanta dumar (ovary) sidoo kale waxay shaqadiisu tahay sameeynta caanaha jirka ilmaha marka ay dhashaan kaddib haddii uu jirka ku siyaado waxaa kor u kaca caanaha jirka lagu arko oo noqda kuwa xad-dhaaf usoo baxa, sidoo kale dheecaankaan wuxuu saameyn ku leeyahay in lasoo daayo estrogen iyo progesterone. • 


Melanocyte stimulating hormone (MSH)waa dheecaan masuul ka ah midabeynta jirka wuxuuna jirka ka dhiggaa midab madow iyo mugdi xigeen ah oo lagu arko maqaarka jirka oo idil laakin sida uu u shaqeeyo iyo wuxuu u taro lama oga. Qeybta dambe ee lagu magacaabo posterior pituitary gland waxaa lagu keydiyaa lagana soo daayaa labo dheecaan oo kala duwan waxayna qabtaan shaqooyin kala duwan labada dheecaan waxaa kamid ah. • Oxytocinwaa dheecaan laga soo daayo unnuga lagu magacaawo (paraventricular nucleus) wuxuuna ku yaala xubinta loo yaqaanno hypothalamus-ka waxayna shaqadiisu tahay in uu soo de-dejiyo foosha iyo in lasoo saaro caanaha naasaha dumarka, isla markaana murqaha ilmogaleenka ku dhiirrigeliya in ay dabcaan jirkane ka ilaaliyaan in uu dhiig baxo inta uu shaqada foosha ku jiro, inta badan asigoo daawo ah ayaa la isticmaalla dheecaankaan. •


 Antidiuretic hormone (ADH) waa dheecaan laga soo daayo unnuga loo yaqaanno (supra-optic nucleus) wuxuuna ku yaala xubinta lagu magacaawo hypothalamus-ka wuxuuna ka  howlgalaa kelida shaqadiisu waxay tahay in uu kelida ku dhiirrigeliyo inay keydsadaan biyaha jirka soo gala. Waxaan si guud uga hadli doonnaa sida uu hypothalamus-ka u maamulo hypophysis-ka qeybtiisa hore (anterior hypophysis).


Qeybta 6aad


Buugga: Habdhiska iyo Shaqada jirka.


W/T:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad