Unug (cell)
Casharka 1aad.
Unnuga waa waxa ugu yar asaaska nolosha kaaso masuul ka ah dhammaan hab-nololeedka. Unugga waa mid leh qaab. waxa uu qabtaa shaqo bayooloji ahaan dhammaan noolaha. sidaa daraadeed waxaa loo aqoonsanyahay inuu yahay aasaaska nooloha. Unug waliba waxa uu ka kooban yahay dareere loo yaqaan saaytosool (cytosol) waxa dahaara xuub (membrane). Sidoo kale waxa ku jira saaytobalaasmaha, dhowr (biomolecules) sida borotiino,nuklig-asiiydh iyo dufan (lipid).
Barashada unnugyada laga bilaabo qaabdhismeedkooda, asaasiga ah ilaa shaqada mid kasta oo unug ah waxaa looyaqaanaa (unug barasho). Roberta hook waxa uu ahaa unug baradkii ugu horeeyaya daah-feyda unnuga sannadka marka uu ahaa 1665. Dhammaan noolayaasha waxa ay ka kooban yihiin unnugyo. Waxa laga yabaa inay ka kooban yiihiin hal-unnug( unicellular) ama kuwa badan (multicellular).
Maaykobalaasma(mycoplasma) waxey ka mid tahay unugyada ugu yar marki laga hadlayo cilmiga unuga. Unugyadu waa kuwa isku dhissan, waxay siiyaan jirka qaab-dhismeedka , waxayna u beddelaan nafaqooyin kuwaasoo laga soo nuugo cuntooyinka tamarta leh.
Astaamaha unnuga.
1. Unnuyadu waxay jidhka siiyaan qaabdhismeedka.
2. Gudaha unuga waxaa ku jira unug-yarayaal gaar ah oo kala duwan oo mid waliba ay ku hareereysan yihiin xuubab gaar ah.
3. Bu’da ( nucleas-ta ) waxa ku jira xogta hidda-sidaha ee lagama maarmaanka u ah taranka iyo koritaanka unugyada.
4. Unug kasta waxa uu leeyahay hal bu’u iyo xuub ku wareegsan taasoo ku dhex jirta saytobalaasmaha.
5. Mitochondria waxay leedahay laba-xuub (double membrane) oo kala madax banaan oo uu u dhaxeeyo dheecaan. waxay masuul ka tahay dhaqdhaqaaqa tamareed ee unuga taasoo muhiim u ah sii jiritaanka unnuga.
6. lysosomes waxay shiidaan wal-xaha aanu unugu u baahneyn sida bakteeriyada.
7. Endoplasmic reticulum waxay door muhiim ah ka qaadataa isku daba-ridka gudaha unnuga iyadoo soo saaraysa borotiiniska uu unugu u baahanyahay iyo shaqooyin kale oo unuga muhiim u ah.
Qaabka unugga.
Qaab-dhismeedka unugga waxa uu ka kooban yahay qeybo gaar ah kuwaasoo qabta hawlo gaar ah, muhiim u ah habka jiritaanka nolosha. Qeybahaasi waxa ka mid ah darbiga unugga, dahaarka unugga, cytoplasma, nucleus-ta ama (bu'da) iyo xubnaha yarayaasha unugga (cell organelles).
SHAQADA UNUGGA
Waxay ina siiyaan qaab-dhismeedka jirka, waxay qaataan nafaqooyin, kuwaasoo laga keenay cuntada, una beddelaan tamar, waxay qabtaan shaqooyin gaar ah. Sidoo kale unugyada waxa ku dhex jira, dhaxal-sidayaasha, oo ay ka sameeyaan nuqullo iyaga oo kale ah ama unug kale (copy).
Qore: Indha_caad
Comments
Post a Comment