Soo koobida buugga UBUXII MURAGADA.

 Soo koobida buugga UBUXII MURAGADA.


Qoraayada buugga saynab xaaji axmed “ugbaad “ 


Daabacaddii 1aad 

Matbacada hiil press 


Buugaan ubaxii murugada waa buug sheeko faneed aad loo farshaxameeyay oo loo qaabeeyay si qurux baddan qaabka loo qoray iyo sida loogu farayareystay.


Sheekada 1aad. Buugga Sheekooyin baddan baa ku xardhan sheekada ugu horayso waxay xambarsan tahay  oo aad ka fahmaysaa in walaasha ay u baahan tahay garab istaag iyo jeclaansho haddii ay la dhasheen wiilaal waxay mudan tahay in la tuso inay iyaga u tahay boqorad ee aan la hiifeyn, waalidkana ma'aha in uu uwadkiisa kala jeclaado . Yacni in lagu yasin gabadhaha gabadhnimada oo lagu odhan adiga wiilka ayaa kaa wanaagsan oo waxtar leh , waxay ku tusinaysaa sheekadda oo aad ka fahmaysaa in gabdhaha la dayacay oo aysan boos ku lahayn aynna gabadha ka qiimo badan tahay wiilka.  Waxaa kale oo ay ku xaradhay  in la dayacin marka la guursado gabadha oo la daryeelo wakhti walba,wakhtiyada ay ugu adagtahay xilliga uurka una baahan tahay garab istaaga iyo daryeel.


Sheekada 2aad waxay ku tusinaysaa in uusan guurka ahayn wax qiyaali ah uusan ahayn  tan guurso tana ka tag una baahan yahay ka fiirsasho qoto dheer micnaha guurka ma'ahan in lagu meel gaaro oo inta danta looga baxayo oo kalliya ma'ahan, waxa uu buugga ku tusinayaa in guurka aanu ahayn wax laga shalaayo ee uu yahay raxmad waxa ugu badan ee aad ka dheehan karto waxay tahay in ay ragga ay dhagriyaan dumarka aynna guurka ugu baxaan markay ku balamaan guur haddii xitaa ay guursadaan aysan siisin noloshii loo baahnaa . 


Sheekada 3aad: waxay ku tusinaysaa ninkaaga waajibka uu kugu leeyahay oo ah inaad garabkiisa ahaato wakhti walba oo aadan ku buuqin xilliyada shaqaada uu kasoo rawaxo oo uu ubaahan yahay deganaasha . Waxaa ku xardhan buugga marwo ninkeeda xanuunsanaa habeen intuu shaqada kusoo daalay ayuu xanuun la iildarnaa markuu soo toosay ayuu ka dalbaday inay kaniini xanuun baabi,iye u keento inta  guriga ka waysay ayay banaanka ugu doontay ninkeeda markii ay u keentay ayay waxay u timid asaga oo hurda markaas bay sugtay ilaa uu kasoo tooso oo uu hurdadda ka bogto, markii uu soo toosay ayuu aamini waayay inay xalay oo idil usoo jeeday kalliya kaniinkaa dartiisa si ay u siiso. Sheekaadas waxay ka hadlaysay aynna ku tusinaysaa in waajib tahay in la ixtiraamo ninka uuna kugu leeyahay waajib xoogan. 


Sheekada 4aad. Nabar qarsoon waxay ku tusinaysaa in masaakiinta ay u baahan yihiin garab xaalada ka taagan kaamamka markii masaakiinta la balamiyo haddan looga baxo balanta buugga wuxuu aad kuu tusinayaa inay masaakiinta haba ugu sii darnaatee hooyo masaakiin waddata ilmo yar haddana cuuryaan ah aysan jirin meel ay wax ugu keento aynna u taagan tahay qoraxdaas aadka u kulul si ay udaboosho baahiyaha cunugeedda yar ee ka baahan aysan awoodin waxay siiso,  hooyaddu waxay u baahan tahay xaq.  Buugga waxa uu ku tusinayaa inay tahay gabadh ninkeeddi hore dayacay aynna udhabar adeegtay in ay wiilkeedaas korsato xaalad waliba ay gashana ay ugu dulqaadato, waxaad ka fahmaysaa dhibaatadda ay kaamka kala kulmaan iyo sidda mar waliba looga baxo ballanta marka la isku balamiyo dadka masaakiinta . 


Sheekada 5aad; ismoog waxay kaga hadlaysaa qoyska inuu u baahan yahay wadda jir ilmahana ay ubaahan yihiin in la isla koriyo hooyadda iyo aabbahana laga rabbo inay gacmaha is qabsadaan si ay ugu koriyaan carruurtoodda si qurux badan , waxaad ka aqrisanaysaa iyadana in aan lagu qasbin carruurta wax aysan rabbin tusaale ahaan in gabadha aan loo guurin nin aysan ku qanacsaneyn oo ay hadhow nolosheeda ku dhammaysato shalaay iyo rafaad. 

Waxa wanaagsan in qofka uu raaco meesha uu ku qanacsanhy aynna ku jirto farxaddiisa . Qoraayada buugga waxay ku hogatuseysaa  inay sodohda ay tahay waxa ugu wanaagsan loogana baahan yahay inay wanaag badnaato haddii sodohdda xumaatana aysan jiri karin isla sii joogis waxay kaloo ku sheegtay in ilmaha u baahan yihiin waxa ka caawiya imtixaanka xitaa haddaysan haysan wax ka caawiya ugu yaraan inay helaan qof la socda xaaladooda, ku dhiirriya   maalm qurux badan aan  hadiyado idin  siin lahaa ayaa soo socda  dadaalka ha sii laba jibaara taas ayaad ka fahmaysaa, dedaalka kartida carruurta.


Sheekada 6aad: buugga wuxuu aad u tusaaleeyay sida uu calafka yahay mar walba jacaylka iyo xiriirka uu ka wayn yahay calaf haddii ay dhacdo qof aad jacayl dhaba aad u hayso ay kaa tagto ama kaa tago ha u caroon , ha hilmaamin xasuusii quruxdda badnaa ee idin soo dhex maray wax waliba sidii ugu hayso qalbiga jacaylka aad u qabtaa yuusan nusqaan galin waayo shalay waxaad u jacaylayd Alle dartii maanta taas ayaa jirta uun, daahir ugu dhig jacaylka aad u hayso qofkaa yacni yuusan noqon mid kugu fikirsiiya xumaan iyo wax yaabo qaldan ayadoo aad waysay ama aad wayday asaga kaliya u rejey nolol wanaagsan. Iyadoo ay adag tahay haddan naftaada bar wanaagga intaa la'eg ee quruxda badan. 


Sheekadda 7aad:  waxay aad ku tusinaysaa in haddii uu jiro qof aad u hayso dareen jacayl aad u sheegato oo aadan kala baqan laga yaabaa qofkaa aad ka cabsanayso isagana inuu niyada ka leeyahay muu asaga kula hadlo, waxaad ka garanaysaa qofka markaad rabto inaad usoo bandhigto dareenkaaga isku raaca meel jawigeedda degan yahay aysan jirin wax idin buuqiya kaddibna aad kawada hashaan waxaayaba qalbiyadiina ay doonayaan 


Sheekada 8aad: qoraagga bugga sheekadani waxay aad ugu hashaday oo ku tusinaysaa  haddii uu jiro qof aad dareen dhaba aad u hayso usheego dareenkaadda oo hakala baqan laga yaabaa inuu sugaayo inaad hal usheegto oo aad ugu hormarto. 


Sheekadda 9aad: gaashaan qaaday habaabay sheekaddaan waxaad ka fahmaysaa waxa hadda uu dalkeenna taagan yahay oo aah haddii uu qofka wax soo bartay uu jaamcad soo dhameeyo aysan jirin wax shaqo ee lagu xujeenayo waa kuma cidda aad ka dhalatay yacni shahaaddaada waxaa ka weyn cidda aad ka dhalatay, adigoo muddo intaa la'eg wax soo baranayaay ay kugu tashanaayaan waalid iyo walaalo ay is leeyihiin haddii uu wiilkiina wax idin barto waad badhaadheysaan ayaa ardayga lagu riddaa rejo beel waalidkiina kaba sii daran. 

Waa waxa ugu baddan ee hadda taagan waxay ku leeyihiin maxaad taqaanaa ma'aha yaa ku yaqaan oo adiga cidaada ah mar waliba sidaas bay kugu fududeenayaan kii sidda daacada wax usoo bartay waxa ka awood weyn ka aan wax soo baran ee qabiilkiisa meesha sare ah intaas buu ku tusinaysaa.


Sheekadda 10aad: xasuus dulucdda sheekadaan waxaad ka garan kartaa haddii uu jiro qof ku dhaawacay waxaa imaan doonno mid ku dhaya kii kaa tagay adigoo u baahan maalin , wuxuu soo laabban doonnaa, kii ku qiyaameeyay wuu imaan doonnaa mar waliba adiga uun ahaw qof samir baddan . 


Sheekadda 11aad: magan. Nololsha qoyska mar waliba waxay ubaahan tahay in la is fahmo kalgacayl ,farxad, awlaadiina aad ku tarbiyaysaan jacayl, kalgacal iyo nolol qurux baddan aad abaabisaan sheekadan waxay aad ugu hadlaysaa qoyska haddii adiga iyo ninkaaga is qilaaftaan haku buuqina carruurta hortoodda oo carruurtiina haku faanaan hooyo iyo Aabbe weligood isma dagaalin, waxaad ka fahmaysa haddii uu ninkaadda rabooddo inuu guursaddo xaas labaad taas micnaheedda ma'ah inuu adiga ku nacay kaliya waxa ugeystay haddii uu ku madax adeeggo inuu guursaddo xaas kale iska daa Ha guursaddee adiga uun booskaadda iyo waajibka ku saaran kasoo bax. 

Waan ogahay inaad u qabto dareen xoogan maka maarantid balse hadday dani timaaddo u ogoolow, jacaylkii uu shalay kuu hayay uun buu kuu heyn doonnaa ee adiga uu unoqo boqorad qurux baddan ee kasoo bax waajibka ku saaran , sheekadda waxaad ka fahmaysaa guur labaad uu ninkaaga galay dartiis noloshaadda ha u bur burin ee ha ugu taggin carruurtaadda ayaga ayaa wakhtigaas u baaahn in la koriyo ee ayaka ka dhigo indho nuursi ee xaqaa laguugu leeyahay uun guddo.


W/Q:Drs Haboon Abdullaahi Mohamed

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad