Xuubka unugga (cell membrane)
Casharka 2AAD.
Xuubka unugga (cell membrane)
Waa xuub khafiif ah kaasoo wax ka gudbi karaa, kuna wareegsan saayto-balaasmaha ( cytoplasma) unugga. Shaqadiisa waa inuu difaaco, inuu soo galiyo unugga waxyaabaha u baahan yahay unna oggolaado waxyaalo cayiman halka waxyaaba qaar laga saaro. Waxay aasaas u tahay isku xidhka, saayto-iskilitaalka (cytoskeletal) noolaha qaar darbiga unugga, waxay ka qeyb qaataan qaabka ama shakliga uu lee yahay unugga. Xuubka unugga sidoo kale uu ka caawiyaa siduu u joogteyn lahaa qaabkiisa.
Dahaarka unugga waxa uu ka kooban yahay borotiin, dufan, iyadoo ay ku xiran tahay halka uu dahaadho doorka uu jirka ku leeyahay, dufanka waxa ka sameysan yahay 20 ilaa 80% unugga, inta soo harteyna waa borotiinno. Halka dufanka, ay qeyb ka qaataan dabacsanaanta xuubka, borotiinada waxa ay isku jaangooyaan ilaalinta cimilada kiimikeed e’ unugga waxay ka caawiyaan isku sidkaya jareeraha (molecules ) iyagoo ka gudbaya xuubka.
Fosfolibidhiska
Xuubka waxa uu qeyb ahaan ka kooban yahay unugyo loo yaqaano fosfolibidhis, kuwaasoo isku habeeya labo-lakab qeyb biyaha jecel (hydrophlilic) oo leh in soo jirta banaanka . Qeyb neceb biyaha, (hydrophobic) seynta kula jirta gudaha. Isdhexgalka biyaha waxa uu oggolaanayaa inuu sameysmo, xuubka balaasmaha (plasma membrane).
Borotiin (proteins).
Waxay u dhexeeyaan dufanta uu ka sameysan yahay xuubka, borotiinada lagu safriyo dahaadhka, waxay u oggolaadaan jareeraha (moecules) kuwa aan gali Karin unugyada haddii kale in ay dhex maraan kaanaalo (channales) leh albaabo. Habkani waxa uu maamulaa unugga qulqulka jareeraha (molecules) kuwa ka baxa iyo inta soo gasha. Borotiinnada ku jira xuubka (membrane) waxay door ka ciyaaraan shaqooyin badan sida in calaamadeynta unugga, aqoonsiga unugga iyo wax-qabadka insaamyada (enzymes).
Carbohydrates
Carbohydrates waxa kaloo laga helaa xuubka balasma mimbareenka gaar ahaan karbohaytyada ugu badan xuubka ku jira waa qeyb ka mid ah glycoproteins, kuwaas la sameeyo marka karbohaytdareyda ku dhegaan borotiinka. Glygoprotineins waxa ay door muhim ka ciyaaraan isdhexgalka u dhexeeya unugyada, oo ay ku jiraan ku dhagista unugga (cell adhesion) habka ay iskugu xirmaan unugyada midba midka kale.
Shaqada xuubka ( function cell membrane).
Shaqada ugu muhiimsan dahaarka unugga waa inuu ka warqabaa waxa unugga gudihiisa soo galaya iyo waxa ka baxaya (molecules ) unugga (cell). Si doorasho leh ayey uga ugu gudbi karaan waxa u baahan yahay unugga, wax kasta looga baahdo unugga gudihiisa waa kuwa la soo xulay ama la soo doortay, isla sidaa oo kale waxa laga saarayo waaa wax laga warqabo, soo galinta iyo bixinta waa mid doorasho ku saleysan. Jareera (molecules ) ayaa ka gudba xuubka si fudud, jareeraha biyaha ku jira, waxa lagu qaadaa borotiinada si ay ugu gudbaan si fudud. Kuwa yar oo jareera ah (molecules) ama aayonis (ions) ayaa si firfircoon laagu qaadaa si taxaddar leh, tusaale waxay baahan yihiin, marin ay maraan sida( Na+/Ka+ pump). Gaadiidka firfircooni (ACTIVE TRANSPORT) waxa u baahayan tamar uu isticmaalo (ATP). Kuwa waxa ay ku gudbaan si caadi umma baahna wax tarmar ah waxa lagu magacaa (passive transport). Qaarna waxa ay baahanyihiin in ay ku gudbaa tamar si loo gudbiyo waa in la helaa tamar awoodeed lagu xamaalo waxa lagu magacaa (active transport).
Xuubka balasmaha waxa uu ku wareegsan yahay dhammaan unugyada waxa uuna jidh ahaan kala soocaa cytoplasm-ka, kaas oo ah shayga ka kooban unugga, iyo dareeraha unugyada ka baxsan unugyada. Tanni waxay ka ilaalinaysaa dhammaan qaybaha unugga deegaanka dibadda waxayna u oggolaanaysaa hawlo gaar ah inay ka dhacaan gudaha iyo dibadda unugga.
Xuubka balaasmaha ayaa siiya taageero qaabdhismeed unugga. Waxa ay isku xidhaa cytoskeleton, kaas oo ah shabakad fiilooyinka borotiinka ah ee ku jira unugga gudihiisa kaas oo ku haya dhammaan qaybaha unugyada. Tanni waxay siinaysaa unugga shakli. Noolaha qaarkood sida dhirta iyo fungi waxa ay leeyihiin derbi unug marka lagu daro xuubka. Derbiga unuggu (cell wall) waxa uu ka kooban yahay unugyo sida cellulose. Waxay siisaa taageero dheeraad ah unugga, waana sababta unugyada dhirtu aysan u dillaacin sida unugyada xayawaanku sameeyaan haddii biyo badan ay ku dhex faafaan.
Xulashada gudbitaanka.
Xuubabka Plasma ayaa si door ah loo dallaa (ama semi-permeable), taasoo la macno ah in unugyo gaar ah oo keliya ay dhex mari karaan. Biyaha, ogsijiinta, iyo kaarboon laba ogsaydh ayaa si fudud u dhex mari kara xuubka. Guud ahaan, ions (sida sodium, potassium) iyo molecules polar ma dhex mari karaan xuubka; waa in ay maraan kanaalo gaar ah ama daldaloolo xuubka ah intii ay si xor ah u dhex faafi lahaayeen. wuxuu xakameyn karaa heerka ay unugyadu qaarkood geli karaan kana soo bixi karaan unugga.
Endocytosis iyo Exocytosis
Endocytosis waa marka unuggu galo waxyaabo ka sii weyn kuwa ka kooban ayoonnada ama molecules-ka soo mara kanaalada. Iyada oo loo marayo endocytosis, unuggu waxa uu ka qaadan karaa tiro badan oo unugyo ah ama xitaa bakteeriyada dhan ee dareeraha unugyada.
Exocytosis waa marka unugu sii daayo walxahan. Xuubka unugga ayaa door muhiim ah ka ciyaara labadan habraac. Qaabka xuubka laftiisa ayaa is beddela si ay unugyadu u oggolaadaan inay galaan ama ka baxaan unugga. Waxa kale oo ay samaysaa moqor (vacuole)s, xumbo yaryar oo xuubka ka mid ah oo qaadi kara unugyo badan hal mar, si ay agabka u geyso meelo kala duwan oo unugga ah.
Calaamadaynta unugga
Shaqada kale ee muhiimka ah ee xuubka ayaa ah in la fududeeyo isgaarsiinta iyo calaamadeynta unugyada. Waxay sidaas ku sameysaa iyadoo la adeegsanayo borotiinno iyo karbohaydraytyo kala duwan oo ku jira xuubka. Barootiinnada ku jira unugga “calaamad” unuggaas si ay unugyadu u aqoonsadaan. Xuubku waxa kale oo uu leeyahay lakulme( reseptors) kuwaas oo u oggolaanaya in ay qabtaan hawlo gaar ah marka molecules sida hormoonnada ku xidha kuwa lakulmaha (reseptors.)
Qore:Liibaan Indhacaad Liibaan Indhcaad
Comments
Post a Comment