Bu’ (nucleus ) Casharka 3aad. Bu’da unugga waa meel kaasoo ay ku jiraan warbixinta hidda-sidaha unugga, waxa ay maamulaan koritaanka iyo taranka unugga. Waa Meesha laga amro unugga yuukaryootika, oo caadi ahaan ah xubin-yaro (Organelle). Guud ahaan yuukaryootikiga waxa ay leeyihiin hal bu’ (one nucleus ) sikastaba qaar ka mid ah yuukaryootika waa kuwa aan lahayn bu’ tusaale unugyada cascas (RBC) Halka kuwa kale ay yiihiin labo iyo wixii ka badan. Bu’da waxa ka sooca unugyada intooda kale saaytobalaasmaha iyo xuubka bu’da {nuclear membrane}. Siday u nidaamiso hidda-sidaha iyo muujinta hidda-waddaha, sidoo kale waxa lagu magacabaa xarunta laga maamulo unugga.Bu’du aad iyo aad ayaa ay muhiim u tahay oo waxa ay xukuntaa hababka nololeed ee unugga. Bu’du waa xarunta looga taliyo unugga. DNA (dhii-en-ey) da unugga inteeda badani waxa ay ku jirtaa bu’da. Sidaa awgeedna, unugga noociisa iyo hawsha uu qabtaaba waxa ay ku xiran yihiin fa...
Posts
Showing posts from April, 2022