Bu’ (nucleus )
Casharka 3aad.
Bu’da unugga waa meel kaasoo ay ku jiraan warbixinta hidda-sidaha unugga, waxa ay maamulaan koritaanka iyo taranka unugga. Waa Meesha laga amro unugga yuukaryootika, oo caadi ahaan ah xubin-yaro (Organelle). Guud ahaan yuukaryootikiga waxa ay leeyihiin hal bu’ (one nucleus ) sikastaba qaar ka mid ah yuukaryootika waa kuwa aan lahayn bu’ tusaale unugyada cascas (RBC) Halka kuwa kale ay yiihiin labo iyo wixii ka badan. Bu’da waxa ka sooca unugyada intooda kale saaytobalaasmaha iyo xuubka bu’da {nuclear membrane}. Siday u nidaamiso hidda-sidaha iyo muujinta hidda-waddaha, sidoo kale waxa lagu magacabaa xarunta laga maamulo unugga.Bu’du aad iyo aad ayaa ay muhiim u tahay oo waxa ay xukuntaa hababka nololeed ee unugga. Bu’du waa xarunta looga taliyo unugga. DNA (dhii-en-ey) da unugga inteeda badani waxa ay ku jirtaa bu’da. Sidaa awgeedna, unugga noociisa iyo hawsha uu qabtaaba waxa ay ku xiran yihiin farriimaha iyo amarrada ka soo fula bu’da. Haddii unugga laba qaybood laga dhigo oo bu’da middood la raacsiiyo, waxaa noolaata oo qur ah qaybta bu’da wadata.
Bu’da waxaa ku dahaadhan xuub laban laaban, qaradiisuna yar tahay, kaas oo ka sooca saytoobalaasamka. Xuubka bu’du,waa soohdin ka celisa wax alla wixii aanay bu’du doonayn. Maadaama ay bu’du u taliso unugga intiisa kale, waa in ay xidhiidh la leedahay oo farriimuhu u kala gudbi karaan. Xuubka bu’du waxa uu leeyahay daldalool yaryar (nuclear pores; nuyuk-li-yar boors) oo suurageliya gelitaanka iyo ka bixidda bu’da. Bu’da unugyada qaarkood waxaa laga helaa jir qaabkiisu kubbad yar oo kale u eg yahay, lana yiraahdo bu’yar (nucleolus; nuyuk-li-yoow-las). Jirkani waa halka samaynta raaybosoomyadu ka bilaabato.
Caadi ahaan DNA-du iyada oo miiqyo ah oo ku dhafan borotiinno ayaa ay ku dhex daadsan tahay bu’da. DNA-du marka ay qaabkan tahay waxaa loo yaqaannaa koromatin (chromatin). Unuggu marka uu qaybsamayo ayaa koromatinku isu beddelaa koromosoomyo.
Qaabdhismeedka bu’da. (nucleus structure )
Waxa ay ka kooban tahay qaab-sameyska bu’da, xuub-bu’eed, nugliyobalaasma (nucleoplasm) koromosoomyo iyo nucleolus.
Xuub-bu’eedka waa qaabdhismeed lakabyo isku lammaanan iskuna xira waxa ku jira bu’da. Oogada sare e xuubka waxa isku xira indho-balaasma ratikulam (endoplasma raticulam). Sida xuubka unugga, darbiga bu’da waxa uu ka kooban yahay fasfolibidhis kasoo sameeya dufan isku sidkan. Bashqada waxay ka qeyb qaadataa ilaalinta muuqaalka bu’da iyo waxay caawisaa nidaaminta socodka jareeraha (molecules)-Ka soo galaya ama ka baxaya bu’da, iyadoo la marayo doldoloolada bu’da. Bu’da waxa la xiriirtaa inta ka soo hartay unugga ama saaytobalaasmaha ayagoo maraya marino dhowr ah lagu magacaabo duleelada bu’da. Duleelada bu’da ayaa isku weydaarsada jareeraha waawayn ( protein iyo RNA) u dhaxeysa bu’da iyo saaytobalaasmaha.
Nukliyobalasma.
Waa walaxda sida hurdiga u’eg ku dhexjirta bashaqada bu’da. Waxa kale loo yaqaan karyoblasma maadadan waxay la mid tahay saaytobalaasamka waxay ka kooban tahay biyo leh milix insaamyo oorgaanig jareeraha ah kuwasoo ku dhex jira gudaha. Bu’da iyo koromsomyada waxa ku wareegsan nukliyobalaasma, taasoo ka qayb qaadata ilaalanta muuqaalka bu’da. Sidoo kale waxa uu taageero siiyaa bu’da isagoo ka caawinaya inuu ilaalsho qaabkiisa, intaas waxa sii dheer , nukliybalaasmaha wuxuu bixiyaa dhexdhexaadnimo tasoo walxaha sida insaamyada iyo isku tidcanka bu’da (nucleotides) DNA IYO RNA qeybaheeda, lagu xambaari karo bu’da oodhan. Walxaha waxay isweydaarsadaan inta u dhexeysa saaytobalaasmaha iyo nuklibalaasmaha iyaga oo u maraya duleelada bu’da.
Nukliyoolas (nucleolus )
Waxay ku jirtaa bu’da dhexdeeda, waa qaab-dhismeed isku cufan, oo aan dahaar lahayn, oo ka kooban RNA iyo borotiinno, loo yaqaan nukliyoolas.
Nukliyoolaska waxa ku jira qaban-qaabiyaal nukliyoolar kuwasoo ah qeyba ka mid koromsoomyada, leh hidda-sidaha, isku xidhka ribosoomiska ee laftooda ku dulyaal. Nukliyoolaska waxa uu caawiyaa, inuu hal-abuuro raaybasoom, isagoo afnaqaya, oo isku daraya qeyba-hooseedka RNA ee raaybasoomka. Qaybahaasi waxay u midoobaan si ay u sameeyaan raaybasoom inta lagu jiro isku dhafka borotiinnada.
Nukliyoolaska waa uu baa’baa marka unugga la kala qeybiyo, dibna loo habeeyo, kaddib marka la idleeyo qeybtinta nugga.
Bu’da waa hoyga xubnaha iyo koromsoomyada.
Koromsoomyada waxay ka kooban yihiin DNA tasoo ay ku jiraan warbixinta hidda—sidaha, iyo tilmaaha koritaanka unugga,Hormarka taranka. Koromsoomyada waxay u yaalaan qaabka xargaha, DNA IYO borotiinka taageera koromsoomka (molecules protein) loona yaqaan koromatiin (chromatin).
Marka uu unugga ku jiro nasiino ma kala qaybsamaan, koromsoomyada waxa loo qaabeeyaa qaab-dhismeedyo isku xidhan oo dhaadheer oo lagu magacaabo koromatiin.
Hawlaha bu’da
Bu’da waxay bixisaa barta hidda-sidaha laga soocaya, barta afnaqida ee saaytobalaasmka, taas oo u oggolaaneysa heerarka xakameynta hidda-sidaha ee aan la heli Karin. Shaqada ugu wayn bu’da unugga waa in la xakameeyo muujinta hidda-sidaha iyo isbadinta DNA-da inta lagu guda jiro wareegga unugga. Waxa uu maamulaa dhaxalka iyo sifooyinka noolaha. Unugga waxa oo kale masuul ka yahay sameynta borotiinnada qaybinta unugga, koritaanka iyo kala-duwanaanshaha. Waxa lagu keydiyaa walxaha hidda-sidaha dhererka DNA-ga iyo kuwa qafiidka ah ( deoxyribonucleic acid) oo lagu magacaabo koromatiin. Keydinta borotiinnada, iyo RNA( ribonucleic acid) ee nukliyoolaska. Bu’da waa udub-dhexaadka laga soo saaro qoraal RNA si loo sameeyo borotiin. Inta lagu guda jiro qeybsanka unugga, koromatiinka ayaa la habeeyaa koromsoomayada bu’da dhexdeeda. Waxa ay qabtaa Soo saarista raaybasoomka ( warshada borotiinka ) e’ nukliyeeska. Xulshada isku gudbinta waxay joogteeyaan arrimaha tamarta jareeraha iyagoo u maraya duleelada, nukliyeerka.
Qore: Liibaan Indhacaad Liibaan Indhcaad
Comments
Post a Comment