Warshada borotiinka (ribosomes).


Casharka 4aad.


Waxkasta waxa sal u ah in ay leeyihiin qeexitaan. Qeexitaanka raaybsoomka waa unugga ugu mihiimsan kasoo ka kooban RNA iyo borotiinno kuwasoo u beddela  koodhka hidda-sidayaasha silsiladaha amiino aysidhiska.

Raaybasoomka waa warshadda isku dhafan oo laga helo guddaha unugga nool =, taasoo soo saarta borotiinno ka imaaday amiino aysidhis, inta lagu gudda jiro hanaanka loo yaqaan  saymeynta borotiinka  ama afnaqida{ synthesis protein and translation}. Habka diyaarinnta borotiinka  waa shaqada ugu horreysa  kasoo ay qabtaan dhammaan unugyada noolaha. Raaybasoomka waa unugyo gaar ah oo laga helo borokaryootiga iyo yuukaryootiga labadaba.  Unug waliba oo nool waxa uu u baahan yahay warshad borotiin  si loo sameeyo borotiinnada.  Unuganni waxa uu kale u shaqeeyaa isagoo ku xidha  faariintii la siday raaybonuklig aaysiidh, (mRNA)   kasoo qaadaya xogta uu xambaarsan yahay taxanaha nukliyotaaydhka,  ee mRNA  .  


Waxay u gudbineysaa  RNA-yada (tRNAs)  oo ka kooban amiino aysiidh  iyo waxay galayaan raaybasoomka  halka aqbalitaanka.  Mar haddii ay isku dhegaan, waxa ku darsoomi doona amiino aysiidh  ay ku kordhyaan borotiinada, ee tRNA.  Waxay ka kooban yihiin mishiin molikal ah oo laga helo unugyada oo dhan. Tarjumaadda lagama maarmaanka u ah muujinta hidda-wadaha. Si kale haddii loo dhigo: Ribosomes ayaa mas'uul ka ah isku-darka borotiinka iyada oo loo marayo macluumaadka ku jira DNA. Tani waxay timaaddaa oo loo qoro ribosome qaab mRNA (messenger RNA).


Sida shaqada ribosome-ka, waa tarjumaadda ama isku-darka borotiinnada. Si loo fuliyo hawshan, ribosomes waxay ka helaan macluumaadka lagama maarmaanka ah mRNA, tan iyo taxanaheeda nucleotide wuxuu aakhirka go'aamin doonaa isku xigxiga amino acid ee borotiinka. Ku saabsan taxanaha RNA, waxay ka timaaddaa soo gudbinta hiddo-wadaha DNA. Wareejinta RNA waxay mas'uul ka tahay u qaadista amino acids.


Muuqaalka raaybasoomka. (Structure of ribosome)

.

Raaybasoomka  waa RNA iyo borotiin isku dhafan, sidaa daraadeed,  waxa loo yaqaanaa ribonucleo_protein.  Waxay ka kooban tahay  labo qaybood  kuwa yaryar iyo kuwa waa-wayn.  Qaybta yar  halka ay ku xidho   fariinta la sido  si loo kala saaro,  iyo qaybta wayn  amiino aysiidh ayaa lagu daraa. Labada  qaybood  waxay ka kooban yihiin  qaybaha borotiinka iyo raaybonukli aysiid.  Labada qaybood ayaa midka midka la sameeya xidhiidh si ay iskula falgalaan  inta u dhaxeysa RNA_n   hal qayb  iyo borotiinno ku jira  qaybta kale. Raaybosoomka waxa ay ku yaalaan gudaha  saaytosoolka   kuwaasoo laga helo unugga bani’aadamka iyo dhirtaba.  Qaab-dhismeedka raaybosoomka waxa ka mid ah. Waxa uu ku yalaa labo qaybood saaytobalaasmaha, waxa uu ku baahsan yahay saaytobalaasmaha, borokoryootiga  waxa ay leeyihiin 70s raaybasoom, halka yuukaryootiga ay leeyihiin 80s raaybasoom,  qiyaastii 62% raaybasoomka  waxa ay ka kooban yihiin  RNA inta soo hartay waa borotiinno,  hanaanka-raybasoomka  bilaashka ah iyo kuwa isku lammaanan waxay la xiriiraan isku-darka borotiinada.


  Raybasoomka waxay leeyihiin  qaab-dhismeed  ashqaraar leh  oo isku mid ah  dhammaan noocyada nolosha.  Saynisyahanada tanni waxay u sababeeyaan  raaybasoomka  inuu yahay mid ku jira kaalin wax ku ool ah oo  sameeya borotiinno.


Shaqada raaybasoomka.


Shaqooyinkan ugu muhiimsan waxa ka mid ah.Waxay isku uruurisaa amiino aysiidhyo si ay u sameyso borotiinno, lagama maarmaan u ah fulinta   shaqooyinka unugga. DNA waxa ay soo saartaa  mRNA iyadoo loo marayo habka diyaaarinta ama loo qoro. mRNA  waxay ku dhex_sameysan tahay nukliyaaska   loonna qaadaa saaytobaalasamka si loo qaabeeyo isku-xidhka borotiinada.  Qaybaha raaybasoomka  ee ku jira saaytobalaasamka  waxay ku xidhan yihiin  taran_banaha )polymers mRNA. ) TRNA-GU  waxay diyaarisaa  borotiinnada.

Borotiinnada lagu sameeyo saaytobalaasamka  waa laga faa’ideystaa  saaytobaalaasmaha isla qudhiisa, borotiinnada,  sameynta bortiinka ku dabran raaybasomka waxa loo daabulaa meel ka baxsan unugga. Raaybasoomka waa organeel ka caawiya isku dhafka borotiinnada. Borotiinka ayaa qabta shaqooyin badan  sida hagaajinta kiimikaadka.  Shaqada raybasoomka  ee unug waliba waxa u soo saaraa borotiin.  Borotiinada waxa loo isticmalaa  ku dhawaad dhammaan hawlaha unugga, sida kicinta waxay karaariyaan waqtiga falcelinta,  sida fiilooyinka (fibers)  waxay inna siiyaan  taageerid, iyo  borotiino badan, borotiinno ayaa ka shaqeeya hawla gaar ah sida  isku isku soo  uruurida unugga muruqaha.  Dhammaan borotiinnada,  waxay ku bilaabmaan deoxyribonucleic  aysiidh ama DNA.  Borotiinno gaar ah, RNA  taran_badanaha (polymerase)  waa insaamyo,  aqoonsanaya  taxanaha  DNA-DA  ku xira iyaga,  iyagoo kaashanaya borotiinno kale, si ay u abuuraan warbixinno cusub tasoo loo gudbiyo,  iaygoo ka iman doonna,  nukliyaasta,  una sii gudbi donna saaytosoolka ee unugga. Xarkaha raaybo-nuklig aysiidh (RNA)  ee ay soo saarto RNA POLYMERASE  ayaa lagu farsameeyaa marka uu ka huleelayo bu’ada, waxa laga saaryaa meelaha aan lahayn sirta  (code) borotiinnada.  Jareeraha waxa looyaqaan fariin RNA AMA mRNA.


 mRNA waxa uu ka sameysan yahay afar kala duwan  saldhigyada nukliga ah  oo loo yaqaan  nuklig aasiidh.    Lammanaha aasaasiga ah waa ‘’akhrin’’ tixina ah  oo saddex ah oo ka sameysan siro (codones) . Sirkastaa  waxa uu qeexayaa aamiino ayshiidh gaarah.  Dhammaan  waxa adduunka ku nool waxa ay isticmaalaan  20 amiino aysiidh  isku mid ah iyo dhambaal loo isticmaalayo in loogu yeero amiimo aysiidhyada. Dhambaalada [codes] bilaabaya waa ‘’AUG’’.  Tanni waxay u taagan tahay isku xigga asaaska nukliyeerka; adenine, uracil iyo guanine, siday u kala horeeyaan.  RNA gaar ah  oo isku xidhi kara  amiino ayshiidhka, oo loo yaqaan gudbinta  RNA AMA TRNA ayaa aqoonsaneysa  silsiladahan isku xidhan,.  Tan  gaarka ah TRNA   waxay sidaa  methionine amiino aysiidh. Iyadoo ay ku xiran tahay borotiinada,  la isku dhisayo,  amiino aysiidhka xigga waxa uu noqon  mid ka mid  ah 20 amiino aysiidh. Tanni wa Meesha uu ka soo galo raybasoomka.  Aqoonsiga qaab-dhsimeedka , mRNA-ga  ee ku xiran, TRNA  labada qaybood,  ee raybasoomka-ka  ayaa isku geyn-kara si loo bilaabo sameynta  borotiinka, ka iman donna  xargaha mRNA . Raaybasoomka waxa u shaqeyaa mid markaa siyaadiya oo sameya xidhiidhka  isku xirka u dhexeeya,  amiino aysiidhka. TRNA  la isticmaalay ayaa dib loogu siidayaa,  saaytosoolka si ugu xirto aaysiidh  amiino ah. 


 Ugu danbeyn mRN_a  waxay soo muujin doontaa,   dhambaalada (codes) raybasoomka,  oo uu macnaheeda yahay,  ‘’joojin’’.  Borotiinno gaar ah ayaa  dabarada amiino aysiidhka ka goyn doonno,  tRNA ugu dambeeya,  borotiinada waa la sii deyn doonaa. Habkan  soosaarista ama sameynta,  borotiin cusub.


Borotiinno kala duwan waxay u baahan yihiin isbeddelo kala duwan,  in la geeyo meelo kala duwan unugga ka hor inta aysan shaqeyn. Raaybasoomka ku dhagan endoplasma reticulum  tusaale ahaan  waxa uu keydin doonaa borotiinno cusub lagu sameeyo gudaha,  halkaas si dheeraad wax looga beddelo.  Borotiinnada kale waxay si toos ugu sameystaan saaytosoolka   meeshaas ka bilabaan kicinta  iyo falcelino kala duwan. Raaybasoomka waxa ay sameeyaan dhammaan borotiinnada ay u baahan yihiin unugyada. Miisaanka unugkasta borotiinnada waxay xisaabiyaan 20%.  Celcelis ahaan  unugga waxa yeelan karaa 10,000 oo borotiino kala duwan ah iyadoo celcelis ahaan midkiiba  uu yahay hal milyan oo koobi. Taasina waa borotiin badan  oo ay tahay in la farsameeyo waana sababta ugu lugleeyahay raaybasoomka  si ay u noqoto mishiin waxter leh. Celcelis ahaan raaybasoomka waxay ku dari karaan  3-5 amiino aysiidh   ilbiriqsigii, silsilad borotiin ah . Borotiika ugu wayn  waa ‘’titin’’ uu ku dhowyahay 30,000  amino acid  waxay qaadaneysaa  kaliya 2-3 saacadood  in la sameeyo.  Borotiinada gaagaban oo ka kooban  boqol amino  aysiidh  ayaa lagu soo saari karaa daqiiqado gudahooda.  Shaqooyinka ugu waa wayni uu qabto raaybasoomka waxa ka mid ah.


Turjumaada  habka isku dheellitirka ama dejinta  macluumaadka ku jira messenger RNA  iyo sameynta  silsilado joogta ah  amino aysiidh  si ay u sameeyaan borotiinno.

Raybasoonka waxa uu ka kooban yahay  labo qaybood. Hal qayb ( 30s ee bacteeriyada  iyo archaea, 40s ee yuukaryootika)  waxay dejiyaan mRNA  akhrinta  seddexleyda  nucleotide  ee u dhigma aamino aysiidh kasta.

Qaybta labaad (50s ee bakteeriyada iyo archaea iyo 60s ee yuukaryootika)  waxay  sameeyaan  dabaro isku sidkan.Qayb kasta oo ka mid ah waxay ka kooban tahay RNAs raaybasoomal (rRNAs)  iyo borotiinnada  waxay yihiin kuwa masuul ka ah  hawlaha enzymatic, halka r- borotiinyada inay yeeshaan  doorar dhismeed badan.Shaqada ribosome-ka ayaa aasaas u ah nidaamka hidda-wadaha. Sidaan horay u sheegnay, waxay mas'uul ka tahay isku-darka borotiinka, oo ah geedi socod sidoo kale loo yaqaan tarjumaadda hiddo-wadaha. Si tan loo sameeyo, ribosome-ku wuxuu akhriyaa macluumaadka mRNA wuxuuna ku daraa asiidhyada amino ee wareejinta RNA borotiinka hadda koraya. Sidaa darteed, ribosome-ku wuxuu soo saaraa borotiinno.


Waxaan rejeynayaa in wax badan aad ka faa'iiday.


W/Q: Indha_caad


Sii share gareey.

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad