Habdhiskawareegga dhiigga (cardiovascular system)
Habdhiskawareegga dhiigga
(cardiovascular system)
Hormada 1aad.
Habdhiska wareegga dhiigga waa habdhiska ugu mihiimsan ee jirka bani’aadamka waa habdhis ka qeyb qaata habsami u socodka qulqulka dhiigga wadnaha sidoo kale waxaa jira laba qeyb oo xididdada dhiigga kamid ah kuwaas oo masuul ka ah dhiigga in uu dhammaan ku wareegto qeybaha kala duwan ee jirka isla markaana kala qeybiya ogsijiinta iyo nafaqada jirka u baahan yahay sidoo kale wuxuu jirka ka saaraa waxyaabaha ka dhasha ogsijiinta sida neefta wasaqeysan ee loo yaqaan carbon-dioxide. Marka laga hadlaayo habdhiskaan waa midka ugu shaqada badan jirka bani’aadamka noole kastana wuxuu leeyahay habdhiska ka shaqeeya wareegga dhiigga. Habdhiska wareegga dhiigga wuxuu ka kooban yahay wadno, xiddidado dhiig qaada iyo dhiig kuwaas oo si habsami leh ugu qeyb qaata hab wareegga dhiigga. Habdhiska wareegga dhiigga wuxuu jirka u qabtaa shaqooyin kala duwan marka loo fiiriyo habdhisyada kale ee uu kooban yahay jirka bani’aadamka waxaana kamid ah shaqooyinka uu qabto habdhiskaan:
• Habdhiska wareegga dhiigga wuxuu qaadaa ogsijiinta neefta wuxuuna kasoo qaadaa qeybaha kala duwan ee jirka sidoo kale wuxuu qaadaa dheecaannada (hormone) wuxuuna jirka ka saaraa waxyaabaha wasaqda ah sida neefta wasaqada ah ee loo yaqaan karboon labo ogsaydh (carbon dioxide)
• Habdhiska wareegga dhiigga wuxuu kaloo ka qeyb qaataa difaaca jirka sababtoo ah dhiigga waxaa ku jira unugyada difaaca sida unugyada cad cad ee dhiigga iyo borotiino ka qeyb qaata difaaca jirka kuwaaso ku wareegga dhammaan xubnaha jirka waxayna la dagaalmaaan waxyaabaha soo weerera jirka sida bakteeriyada, fayruska iyo wixii lamid ah.
• Sidoo kale hab-dhiska wareegga dhiigga wuxuu ka qeyb qaata xinjireynta dhiigga taasoo ka hortageysa in ay dhacdo dhiigg bax .
• Habdhiska wareegga dhiigga wuxuu ka qeyb qaataa isku dheellitirka macdanta jirka iyo heer kulka jirka. Habdhiska wareegga dhiigga waxaa loo qeybiyaa labo hab ama laba qeyb oo kala ah systemic circulation iyo pulmonary circulation. Systemic circulation-ka:waa habdhiska dhiigga wada gaarsiiya dhammaan jirka oo idil, marka laga reebo sambabada wuxuuna ka kooban yahay halbowlaha iyo faraciisa oo idil wuxuuna wadaa dhiigga ay ogsijinta ku badan tahay taasoo wada gaarsiiya xubnaha jirka oo idil.
Pulmonary circulation-ka:waa habdhis quseeya dhiig wareegga, kala qaadka iyo kala qeybinta u dhaxeeya wadnaha iyo sambabada, dhiig aan hawo lahayn ayaa ka soo qulqula halbowlaha midig ee wadnaha, waxayna si toos ah u tagaan sambabada inta ay u sii socdaan ayey gaas kala qaadasho ka dhex dhacdaa isla markaasna waxaa kasii baxa neefta wasaqeysan ayadoo dhexmareysa sambabada kaddib ku noqota halbowlaha bidix ee wadanaha si ay dhiiggii ogsijiinta lagu soo daray u gayso wadnaha si loogu qeybiyo unugyada jirka. Hab wareegga dhiigga ee sambabada wuxuu ka dhacaa inta u dhaxeeysa moqorka hoose ee midig iyo moqorka sare ee bidix ee wadnaha sababtoo ah moqorka hoose ee midig wuxuu dhiigga ugu imaadaa wadnaha, wadnaha wuxuu u sii gudbinaa sambabada, sambabada ayaa dib ugu soo celiya qeybta moqorka sare ee bidix ee wadnaha. Sambabada waxay iska soo saaraan wasaqda ka dhalata jirka waxayna qaataan ogsijiin ama hawo. Halbowle sambabeedka wuxuu sidaa dhiig ay ogsijiinta ku yar tahay wuxuuna kasoo qaadaa qeybaha sare ee moqorka midig ee wadnaha (right ventricle), marka uu soo qaado dhiigga ay ogsijiinta ku yar tahay halbowlaha wuxuu u qeybsamaa labo dhinnac oo kala ah dhanka midig iyo dhanka bixid ee sambabka. Halbowlaha sida dhiigga ay ogsijiinta ku yar tahay marka uu soo gaaro sambabka wuxuu noqdaa mid aad u yar yaraada (arterioles) kaasoo dhiigga u sii gudbinaya xiddidada tiftaafyada, xiddidada tiftaafyada dhiigga iyo xuubabka yar yar ee uu leeyahay sambabka ayaa masuul ka ah in ay ballaartaan si loogu soo daro ogsijiin dhiiggii laga soo qaaday wadnaha.
Marka ay sambabka ku soo daraan dhiigga ogsijiin cusub waxaa kasoo qaadaya halbowle arooreedka sambabka (pulmonary vein) kaddib wuxuu dhigga kusoo shubayaa moqorka sare ee bidix (left atrium) ee wadnaha. Moqorka sare ee wadnaha wuxuu dhiigga u sii gudbinayaa moqorka hoose ee bidix, moqorka hoose ee bidix asigane wuxuu dhiigga u sii gudbinaa halbowlaha ugu weyn jirka (aorta) kaasoo dhiigga u qeybiya dhammaan jirka oo dhan.
Buugga hab-dhiska iyo shaqada jirka.
W/T: Indha_caad
Comments
Post a Comment