Habdhiska wadnaha. " cardiovascular systems "


➢ Hab wareegga dhiigga ee uur jiifta:


 Hab wareegga dhiigga ee uur jiifka waa hab wareeg kaas oo ka u dhexeeya hooyada iyo cunugeeda caloosha ku jira. Uur jiifka caloosha ku jira wuxuu ku tiirsan yahay oo hawo iyo cunta ka helaa caloosha hooyada iyadoo u soo marsiinaysa mandheerta, mandheerta waa unug ku dhex jira ilma_galeenka, kaas oo ku xiran uur jiifka, shaqadeeda ugu weyn waxay tahay nafaqo siinta uur jiifka iyo hawo u gudbinta (oxygen) sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa isku dheelitirka dheecaannada jirka qaarkood gaar ahaan kuwa caawiya jiritaanka uurka. Mandheerta iyo uur jiifka waxaa isku xira xuub xarigeed dheer ah kaasoo ka kooban labo xiddid oo kala ah mid dhiigga ka soo qaada mandheerta (umbilical artery), midna dhiigga u geeya uur jiifk (umbilical vein).  


Ogsijiinta ama hawada iyo nafaqada ka imaanaya hooyada waxaa loo gudbinayaa uur jiifka iyadoo loo marsiinaayo mandheerta waxaana kasoo qaadaya xariga dheer ee isku xira mandheerta iyo uur jiifka kaasoo loo yaqaano umbilical cord. Xariga dheer ee isku xira mandheerta iyo uur jiifka waxaa mara tubbooyinka dhiigga qaada kuwaas oo kusoo xira qeybta hoose ee arooraha lagu magacaabo (inferior vena cava) wuxuuna u sii gudbinayaa moqorka sare ee middig ee wadnaha, dhiigga ay ogsijiinta ku badan tahay ee ka yimid hooyada wuxuu wadnaha kasoo galaya dhanka midig wuxuuna u sii gubinaya dhanka bidix ee wadnaha. 


Marka uu soo gaaro dhanka dhiigga moqorka bidix ee wadnaha waxaa loo sii gudbinayaa halbowlaha weyn kasoo u sii qeybinaya jirka qeybahiisa kala duwan sida maskaxda, wadnaha iyo qeybaha hoose ee jirka. Dhiigga wasaqeysan ee ogsijiinta ku yar tahay kaasoo ka imaanaya uur jiifka waxaa soo qaadaya umbilical arteries wuxuu wadnaha kasoo galaya dhanka middig wuxuuna ugu sii gudbayaa dhanka bidix ee wadnaha waxaana loo sii gudbinayaa sambabada si loogu soo daro ogsijiin/ hawo. 

 Waxaan hore ugu soo hadalnay in hab-dhiska wareegga dhiigga in uu ka kooban yahay wadno, xiddidado dhiig qaada iyo dhiigg waxaana si kooban uga hadli doonnaa xubin walba iyo qaabka ay u shaqeyso. 


Buugga: Hab-dhiska iyo shaqada.


W/T: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad