Habdhiska Wadnaha.


Hormada 2aad


 Wadnaha (Heart): 


Wadnaha waa xubinta ugu muhiimsan uguna shaqada badan jirka bani’aadamka waa xubin ka samaysan unugyo muqro ah waxayna ku yaalaan inta u dhaxeysa labada sambabood. Qaabkiisa wuxuu shabahaa shay labada dhinac ka dhuuban afkana u ballaaran, cabarkiisana wuxuu la’egyahay calaacasha iyo faraha oo isku laaban, culayska wadnaha waxaa lagu qiyaasaa 280 ilaa iyo 380 gram dhirirka wadnaha waxaa lagu qiyaasa 1.25cm halka ballaca wadnuhu yahay 8.7cm waxaana dhexdiisa mara seed yar oo lagu magacabo septum. waxa uu kala baraa wadnaha bidix iyo midig taasoo ka ilaalinaysa in ay isku darsamaan labada dhiig ee kala ah dhiigga ay ogsijiinta ku yar tahay iyo dhiigga ay ogsijiinta ku badan tahay sidoo kale wuxuu leeyahay labo halbowle oo waa weyn kaasoo ka furan kor iyo hoos waxayna shaqadoodu tahay in uu dhiig soo galo wadnaha iyo in uu dhiig ka baxo wadnaha. 


Wadnaha waa xubinta ugu firfircoon ee jirka wuxuuna daqiiqad kasta bixiyaa shan meelood meel dhiigga soo gala qofka qiyaas ahaan dhiigga ku jira qofka wuxuu gaaraa 6 ilaa iyo 5.5 liitar. Wadnaha wuxuu sameeyaa garaac boqol kun oo jeer iyo wax ka badan maalintii, wuxuuna ka dhashaa garaaca uu wadnaha sameeyo marka ay isku soo aruuraan ama ay kala baxaan moqoradda uu leeyahay wadnaha kaasoo loo yaqaano (atria and ventricle). Shaqada wadnaha waa isku xirka dhiigga sida tooska ah ugu wareegga dhammaan qeybaha jirka sidaasi darteed wadnuhu wuxuu sameeyaa garaac, garaaca uu sameeyo wadnaha marka loo fiiriyo dadka waa weyn waxaa lagu qiyaasaa 60 ilaa iyo 80 daqiiqadiiba sidoo kale dhallaanka ama ilmaha yar yar garaaca wadnahooda waaka badan yahay marka loo fiiriyo dadka waa wayn ilmaha yar garaaca uu sameyo wadnahooda wuxuu gaaraa 72 ilaa iyo 180 daqiiqadii. 


Garaaca wadnaha waxaa sidoo kale lagu ogaan karaa pulse-aha qofka, pulse-aha waa cadaadis dhaqaaqeedka sida mawjadaha oo kale looga dareemo xiddidka weyn ee biddixda wadnaha ku yaal, kaasoo ku xiran heer garaaca wadnaha uu garaaco daqiiqadii, garaaca wadnaha waxaa laga dareemi karaa meelo badan oo kamid ah jirka. Si sahlan ayaa loogu dareemi karaa xiddidka ku yaalo curcurka, jalaqleyda gacanta iyo xiddidka qoorta ku yaala, qiyaas ahaan garaaca mawjadahaas dadka waa weyn waxaa laga rabaa 60 ilaa 80 inuu ahaado daqiiqadii, laakiin waxaa suurtagal ah jimcisi iyo shil in ay dhaliyaan dhaqaaq xawaarahiisa ka dheer kan qiyaasta laga rabo. 


Garaaca wadnaha waxaa loo qeybiyaa labo hab oo kala ah diastole iyo systole. Diastole:waa daganaashaha wadnaha marka uu caadi u shaqeynaayo, waana marka uu kala baxo moqorada uu leeyahay wadnaha kaasoo loo yaqaano (artria and ventricle), waa mudada u dhexeysa laba garaac ee wadnaha taasoo dhacda marka ay murqaha wadnaha ay dabacsan yihiin isla markaana u ogolaada halbowlaha in uu dhiig kasoo buuxsamo waana xaalad caadi ah oo si joogta ah u dhacda.


 Systole:waa marka shaqada wadnaha ay kor u dhaafto sida caadiga ah waa marka uu isku soo aruuro moqorka (atrium) kaddib wuxuu dhiigga soo gaarayaa wadnaha kasoo sameeya garaac. Waxaa jira waxyaabo badan oo sababa garaaca wadnaha in uu siyaado ama yaraado waxaana kamid ah; Walwalka, cadaadiska dhiigga oo siyaada taasoo sababi karta in uu xirmo xiddidada dhiigga qaada, jimicsiga uu sameyo qofka waxay keeni kartaa in uu siyaado garaaca wadnaha. Garaaca wadnaha oo yaraada waxaa loo yaqaana bradycardia waa garaaca wadnaha oo aad u yaraada in ka yar 45 mar daqiiqadii xaladaan waxaa lagu arki karaa dadka dheecaannada jirka shaqadooda yareeya sidoo kale marka uu siyaado garaaca wadnaha waxaa loo yaqaanaa tachycardia waa garaaca wadnaha oo kor u siyaada si caadi ah ayaa looga arkaa qofka orodka badsada ama shaqo xoog badan qabta, laakin badanaa waxaa ka dambeeya cuduro u baahan in la daaweeyo. 


Buugga: Habdhiska iyo s

Shaqada 


W/T: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad