Maaytokondariya (mitochondria)
Casharka 5aad.
Waa xuub oorganeel laga helo saaytobalaasmaha dhexdiisa, ku dhowaad dhammaan unugyada yuukaryotika (eukaryotic), shaqada aasaasiga ah ee ay tahay in ay qabato waa soo saarista tamar tiro badan [adenosine triphosphate ) ATP. Caadi ahaan waa wareeg sida beedka, cabir ahaan waa 0.5 ilaa 10m. Marka laga sootago soo saaritsa tamarta, maaytokondariya( mitochondria) waxay keydisaa kalsiyamka unugga si ay uga shaqeysiiso dhaqdhaqaaqyada unugyada, waxay dhalisaa kuleyl, waxay qaybka tahay koritaanka unugga. Maaytokondariya waxay ka koo ban tahay koromsoomyo yaryar. Guud ahaan mitochondria iyo DNA waxa laga dhaxlaa hooyada. Dahaarka waxa ugu shaqeeyaa u jeedo tasoo asal ahaan soo saarta tamar. Tamartaasi waxa lagu soo saaraa, kiimikooyin, unugga dhexdiisa ah, oo ay maraan waddooyin kuwasoo la beddelo. Habka beddelaada, waxay soo saarta tamar [ATP] sababtoo ah fosfoodhka waa isku xiraha ugu wayn ee tamarta waxay xambaarsan tahay tamar fal-galeed, hadafkeeda waa in ay soo saarto tamarta. Unugyada qaarkooda waxay leeyihiin xaddi kala duwan oo maaytokondariya, maxaa yeelay waxay u baahanyihiin xaddi badan oo tamar ah. Tusaale ahaan muruqyada ayaa leh maaytokondariya badan, beerka, kalyaha, iyo maskaxda.
Tirada maaytokondariya aad bay u kala duwan tahay unuggiiba tusaaale ahaan unugyada dhiigga cascas ( erythrocyte ) kuma jiraan wax mitochondria ah halka unugyada beerka, iyo unugyada murqaha ay leeyihiin. Doorka tamar soo saarista. Xuubka dibadda mitochondria si caadi ah ayay uga gudbi karaan jareeraha [molecules] yaryar e' ku jira kuwa qaas ah waxay awooddaan in ay qaadaan jareero waaweyn. Taas beddelkeeda, xuubka gudaha waxa ka gudbaya kuwa aad yaryar jareera ah iyagoo u talaabaya maatrakiska sameeya cufka dhexe organeelka. Maatarakiska waxa ku jira, DNA iyo GENOME MITOCHONDRIA iyo insaamyo triacarboxylic aysiidh ah wareegga, sidoo kale loo yaqaan kirib-saaykal [kreb cycle ] kasoo nafaqeeya wax soo saarka maaytokondariya u isticmaali karo soo saarista tamarta. Habka loo beddelo tamarta kuwa ka soo baxa waxay ka dhacaan xuubka guddaha, kasoo labanlaaban loo yaqaan kiristeeya (cristae) hoy u ah qaybaha borotiinka kasoo ka kooban kuwa ugu waa wayn e' sida tamarta loogu dhalliyo unugga. Waxay isticmaashaa gubitaanka, yareynta iyo falgalida si ay u siiso waxay ugu danbeyn u soo saartaa tamar bilaasha ah tasoo ay ka mid tahay ATP. Habkan oo loo yaqaan isku xidhka chemiosmotic ee fasforileeshan waxa uu awood u leeyahay inuu ka shaqeysiiyo dhaq-dhaaqa muruqa iyo shidaalka shaqooyinka maskaxda.
QAABDHISMEEDKA MAAYTOKONDARIYA.
Waxay leedahay xuub_gudeed iyo mid dibadeed kuwaa soo leh fogaan . Dahaar dibadeedka waxa ku jira borotiinno loo yaqaan booriinis [porins] kuwaasoo ka taageeraya dhaqdhaqaaqa, aayooniska [ions ] kuwa guddaha iyo banaanka maaytokondariyada. Dheecaanada ku lug leh ballaarinta aysiidhiskan dufanka [fatty acids ] gubitaanka adrenaline ayaa sidoo kale laga helayaa xuub dibadeedka. Meesha bannaan xuubka guddaha e’ maaytokondariyada waxaa loo yaqaan maatarakis [matrix], waxa uu ka kooban yahay dheecaano iyo wareegyo aysiidh leh dufan ay wehliyaan DNA IYO RNA, warshada borotiinka [ ribosome] quruurux kaalsiyoom. Xuub-guudeedka waxa iskugu jiraa dheecaanno kala jaad ah. Waxa uu ka kooban yahay ATP soo saara shaxan, waxa kaloo u jira daabulitaanka borotiinnada kasoo isku dheellitira dhaqdhaqaaqa dheef-shiid kiimikaadka, guddaha iyo ka bixitaanka shaxanka maaytokondariyada. Xuub-gudeedka waxa uu u habeysan yahay kiristeeya [ cristae] waa qayb ka mid ah ay leedaahay maytokondariyada, taasoo ku laaban xuub-guddeedka si loo kordhiyo aagga dusha sare laga heli karo tamarta la soo saaro.
Kiristeeya [cristae] .
Xuubka guddaha ee mitochondria waa mid kakan, qaab-dhismeedkiisa. Waxay leedahay laalaabyo badan kasoo sameeya qaabdhismeedka cristae, tani waxay ka caawisaa inay siyaadiso aagga dusha sare organeelka. Kiristeeya iyo borotinnada xuubka guddaha ayaa gacan ka geysta soo saarista ATP. Xuubka guddaha waxa uu si adag uga gudbaa ogsijiinta iyo jareeraha, ATP. Tiro falcelin kiimiko aha ayaa ka dhaca gudaha mitochondria-yada.
Shaqada maaytokondoriya.
Waxay soo saartaa tamar [ATP] iyadoo la marsiinayo habka neefsashada, gaar ahaan neefsahsada hawada [ aerobic respiration] taasoo u baahan ogsigiin. Wareegga sitrik aysiidh ama wareegga keribsaaykalka, ayaa ka dhaca maaytokondiriya, wareeggan waxa ku lug leh gubitaanka bayruufeedka [ oxidation pyruvate] taasoo ka timaada sokorta [glucose] si uu sameeyo jareeraha asetaayl koo A [ MOLECULE ACETYLE-C0A.] Asetaayl koo A waa gubitaan tamar taasoo laga soo saaro ATP.
Wareegga sitrik aysiidh waxa uu yareeryaa nicotinamide adenine dinucleotide [ NAD ]ILAA [NADH].
NADH ayaa loo isticmaalaa habkani fosforileeshan oksaaydhisku, kaas oo ka dhaca guddaha maaytokondariya. Electaroonika waxay ka imanayaan NADH waxay dhex huleelayaan isku dhiska borotiinka, kuwaasoo laga hirgalsho guddaha maaytokondariya. Qaybtan borotiinnada ah waxaa loo yaqaan silsilad xambaarta electaroonika ah. Tamarta waxay ka iman doonta silsilada la soo daabulo ee electaroonka ah ayaa loo isticmaalaa in borotiinnada dib loogu soo celiyo tasoo awood siineysa ATP.
Waxay nidaamisaa hawlaha dheef-shiid kiimikaadka unugga. Waxay sare u qaadaa koritaanka unugyada cusub iyo badintooda. Waxay door muhim ah ka qaadataa isdilitaanka unugga [ programmed cell death]. Waxay masuul ka tahay dhismaha qaybo ka mid dhiigga iyo hormoonnada kala jaadka ah sida testosterone iyo estrogen. Waxay ku lug leedahay hawlo badan shaqeynta gacan unugeedka sida kala soocidda calaamadeynta, unugyada, dareenka unugyada, xakameynta wareegga iyo koritaanka unugga.
Waxaan rejeynayaa in aad wax uun kaaga kordhay.
W/Q: Indha_caad
Comments
Post a Comment