Laab_jeex{ Gastroesophageal  reflux diseas}.


Xaladdani waxa ay dhacdaa marka ay aashitada caloosha ay si joogta ugu soo rogaal celiso tubada isku xidha afka iyo caloosha {hunguriga}. Dib u nadiifinta waxay xoqi kartaa aashitada  dahaarka hunguriga. Dad badan ayaa la kulma laabjeexa, laabjeexa waa aashito  fudud oo dhacda,  ugu yaraan labo jeer toddobaadkii ama  waxay dhacdaa toddobaadkii mar, soo celinta aashitada waxay noqotaa mid dhexdhexad ah.  Dadka inta badan waxay ku maareyn karaan iyagoo saxaya hab-noleedkooda. Laakiin dadka qaar ayaa u baahan doonna daweyn xoogan ama qaliin.


Calaamadaha.


Qofka oo laabta gubata. 


Xabad xanuun.


Wax laqida oo adkaata.


Dib soo celinta cuntada uu qofka cunnay.


Neefta oo xumaata.


Caabuqa ciridka.


Badanaa waxay dhacdaa  cunta cunnista kaddib


Maxaa keenna laabjeexa.?


Waxa keenna aashitada oo soo noqnoqota. Marka aad wax liqdo waxa dabcaya muruqyada ku meegaaran huguri-mareenka,  taasoo u oggolaaneyso in ay maraan cunnada iyo dareeraha, si ay u gaadho caloosha. Kaddib waxa is xidha albaabka{ sphincter} . 


Haddii albaabka uu u kala baxo sixad ka bax ama uu daciifo aysiidka ku jira ayaa dib ugu soo noqon kara hurguriga.  Aashitada waxay xoqi doontaa hunguri-mareenka waxa ay keeneysaa in ay bararto.


Yaa halis ugu jira cuddurkan.


Qofka cayilan.


Hooyada uurka leh.


Dadka qaba xanuunka scleroderma.


Qofka aan waqti badan wax cunin.


***


Waxyabaha kale sii kordhin kara waxa ka mid ah.


Sigaar cabista.


Cunista habbeenkii waqti danbe uu cunno qofka casho ahaan.


Cabitaanada qaarkooda sida khamriga iyo kafeyga.


Cunista dawooyinka qaar sida aspriin-ka.


**


Dhibaatooyinka ka dhallan kara.


Inuu ciriiri noqdo qaab-dhismeedka hunguri-mareenka waxay dhaawac gaarsiineysaa hunguri-mareenka hoose,  kaasoo ka imanaya aashitada caloosha ay sababi karto boog ama nabar.  Boogtaasi waxay carqalad ku noqoneysaa marrinka cuntada ay marto taasoo keeneysa in ay adkaato liqitaanka cuntada. 


Inuu hunguriga yeesho nabar furan.

 Aysiidhka caloosha  waxa ay  dhaawac gaarsiineysaa nudaha hunguri-mareenka  kaasoo sababaya dhiig bax iyo xanuun, wax laqida oo adkaata. Aysiidhka  waxa uu keeni karaa kansarka ku dhaca hunguriga { esophageal cancer}.  


**


Daweynta.


Buukaanka in loo sameeyo endoscopy.  Waa tubo dhuubban oo la galinayo dhuunta taasoo ah mid dabacsan, waxay leedahay iftiin  iyo kaamirad, waxa hoos loo galinayaa hunguri-mareenka ilaa caloosha, endoscpy waxa kaloo loo isticmaali karaa in lagu ogaado inuu jiro wax caabuq ah,  sidoo kale waxa lagu soo qaadaa cad {biopsy} si loo baaro.  


X-ray in laga saaro qaybta sarre habdhiska dheefshiidka.


In qofka la siiyo dawooyinka anti-acids iyo h-2 receptor blockers.


La xiriir dhaqtarka Uur_kujirta. (gastroenterologists ).


Talo:


Isku day inaad joojisid cunnada oo biyo lagula cabo.Cab biyaha 30 daqiiqo kahor inta aadan cunteyn ama marka aad cunteysid kaddib, iska ilaali dharagta saa’idka ah sababtoo ah dharagta saa’idka ah waxay culeys saaraysaa dheefshiidka, waxa badanaya xaddiga aashitada ay caloosha ku gubeyso cunnada, kana fogow waxyaabaha kicinaya laabjeexa sida basbaaska badan, digirta, kafeyga, shaaha cagaaran.


Qore:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad