Wax ka baro qanjirada jirka.

 Wax ka baro qanjirada jirka.


Casharo tixane inoo ahaan doonno Habbeen dhaaf.


Hormada 1aad.


 Hab dhiska qanjirada ee jirka: Hab dhiska qanjirada ee jirka bani’aadamka waa hab dhis muhiim u ah guud ahaan jirka bani’aadamka. Marka laga hadallaayo qanjirada jirka waxay u kala baxaan labo nooc oo kala ah exocrine glands iyo endocrine glands. Exocrine glands waa qanjiro soo daaya dheecaanno waxayna leeyihiin tubbooyin soo qaada dheecaannadaas sababtoo ah dheecaannada ay soo daayaan si toos ah looguma soo daro dhiigga ee waxaa soo qaada tubbooyin loogu talagalay laakin endocrine glands waxay soo daayaan ciriq( hoormoonno)waxaana si toos ah loogu soo daraa dhiigga sababtoo ah qanjiradaan malahan wax tubbooyin ah ee soo qaada. Sidoo kale waxaa jira qanjiro badan oo uu ka kooban yahay exocrine glands waxa kamid ah qanjirka dhiddidka(sweat glands), qanjidhka calyada(salivary glands), qanjidh caanood(mammary glands), qanjidhka dhukeyga(ceruminious glands), qanjidhka ilinta(lacrimal glands), sebaceous glands )iyo qanjidh axaleed(mucus glands). Qanjirada soo daaya dheecaannada waxaa kamid ah qanjirka loo yaqaano salivary glands wuxuuna ku yaallaa afka wuxuuna soo daayaa dheecaanka loo yaqaano Amylase oo ka qeyb qaata burburinta cunnada waxaa kale oo laga soo daayaa dheecaankaan gannaca waa xubin yar oo ku taalla caloosha hoosteeda waxaana loo yaqaaana pancreas. Sweat glands waa qanjirada u xilsaaran jir qabowjinta kuwaas oo ku taxan maqaarka hoostiisa waxay si gaar ah ugu badan yihiin kilkisha, calcaasha gacanta, lugaha, foolka wejiga badanaa waxay soo daayaan dhididka jirka kasoo baxa waxaana soo qaada tubbooyin loogu talagalay in ay soo qaadaan. Mammary glands waa qanjiro kamid ah exocrine glands waxay shaqadooda tahay in ay soo saaraan caano wuxuuna gaar u yahay dumarka qanjirkaan wuxuu ku yaallaa naasaha wuxuuna ku badan yahay dumarka. 


Lacrimal glands waa qanjir kamid ah exocrine glands wuxuu ku yaallaa qeybta sare ee wareega isha wuxuuna shaqadiisu yahay in uu soo saaro ilinta ama biyaha ka yimmaada isha. Ceruminous glands waa nooc kamid ah qanjirada ku yaalla qeybta sare ee dhegta waxa uu  ka qeyb qaataa in la soo daayo ama la sameeyo waxa loo yaqaano dhukeyga (earwax) oo ah wasaqda ku sameysanta dhegta. Mucus glands waa qanjir ka tirsan exocrine glands wuxuuna soo daayaa dheecaan muhiim u ah jirka bani'aadamka. Hadda waxaan si kooban ugu soo hadalnay exocrine glands iyo qanjiradda uu ka kooban yahay laakin hadda waxaan xoogga saari doonnaa qanjirada soo daaya ciriqa(hoormoonnada)iyo shaqooyinka ay u qabtaan jirka bani’aadanka sababtoo ah waxaan rabaa in aan si guud uga hadlo endocrine glands. Endocrine glands waa qanjiro sameeya dheecaanno (hormone) waxayna si toos ah ugu soo darsoomaan wareegga dhiigga ayagoo aan meel u soo marin sababtoo ah qanjiradaan ma lahan wax tubbooyin ah ee soo qaada dheecaannada (hormone) waxaa si toos ah loogu soo daraa qulqulka wareega dhiigga. Endocrine glands wuxuu ka kooban yahay qanjiro badan kaasoo ku yaalla meelo kala duwan oo kamid ah jirka bani’aadamka waxayna soo daayaan dheecaanno (hormone). Qanjirada uu ka kooban yahay endocrine glands waxaa kamid ah sida qanjirka ku yaalla kaylyaha korkeedo waxaana loo yaqaana adrenal glands, qanjiradda ku yaalla dhuunta thyroid glands iyo parathyroid glands, qanjirka ku yaalla maskaxda hoosteeda pituitary glands waxaa kale oo kamid ah pineal glands. 


Waxaa jira xubno kale oo soo daaya ciriqa (hoormoonno) sida xubinta ku taalla xiniinyaha ragga (testes), xubinta ku taalla unugga abuura ugxaanta dumarka (ovaries), xubinta ku taalla caloosha hoosteeda (pancreas) iyo xubinta ku taalla qoorta iyo wadnaha inta u dhexeysa waxaana loo yaqaanaa (thymus) sidoo kale waxaa jira xubin kale oo aad muhiim u ah waxayna ku yaalaan maskaxda waxaana loo yaqaano hypothalamus. Dhammaantood waxaan uga hadli doonnaa mid mid si gaar ah ayaan u sharxi doonnaa mid walba waxa uu qabto iyo meesha laga soo daayo cuduradda ku dhaca iyo sida loo baaro.


La soco qeybta xigta.


Buugga: Barashada ciriqa(hoormanada).


W/T/S: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad