Wax ka baro qanjirada jirka.
Wax ka baro qanjirada jirka.
Casharo tixane inoo ahaan doonno Habbeen dhaaf.
Hormada 2aad.
Waa maxay ciriq(hoormoon)? Waa dheecaan waxaana soo daaya ama sameeya qanjirada jirka qaarkood waxay ku darsamaan wareega dhiigga, qaarka kalena waxay iskood ugu faafaan jirka ayagoo kaashanaya qanjirada kale ee jirka waxay ka howl galaan meel ka dheer meesha laga soo daayo. Ciriqada jirka waxay ka sameysan yihiin borotiin, fitamiin D iyo dufan, waxaa jira hoormoonno ka sameysan borotiinno iyo ciriqyo (hoormoonno) ka sameysan dufanta nooca loo yaqaano cholesterol qofka bani’aadanka aad iyo aad ayay muhiim ugu tagay dufanta iyo borotiinka laakin dufanta badan uu keydsado jirka waxay leedahay dhibaato sababtoo ah waxay xireysaa xiddidada dhiigga haddii ay xirmaan xididdada dhiigga waxaa imaan kara cuduro halis ah sida dufanta oo ku badadta dhiigga.
Waa maxaay shaqooyinka uu jirka u qabto ciriqa(hoormoonka)? ( Hoormoonnada jirka waxay ka qeyb qaataan isku dheellitirka dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka waxa ka qeyb qaata ciriq loo yaqaanno Aldesterone wuxuu jirka kusoo celiyaa biyaha iyo macdanta jirka sida sodium. ( Hoormoonnada jirka sidoo kale waxay ka qeyb qaataan korititaanka jirka waxaana ka qeyb qaata hoormoonka loo yaqaano Growth hormones waxaana laga soo daayaa qanjirka loo yaqaano pitutiry glands waxaa kaloo jira hoormoonno badan oo ka qeyb qaata koritaanka jirka. ( Sidoo kale hoormoonnada jirka waxay ka qeyb qaataan isku dheellitirka sokorta jirka ama in la ilaaliyo heerka sokorta ee jirka bani’aadamka waxaana ka qeby qaata labo ciriq( hoormoon) oo laga soo daayo xubinta ku taallaa caloosha hoosteeda ee loo yaqanaa ganac(pancreas). ( Hoormoonnada jirka waxay ka qeyb qaataan taranka ama in ay dhacdo bacrimin, dumarka waxaa loo sameynaa ugxaanta sidoo kale ragga waxaa loo sameynaa shahwada waxaa shaqadaas qabanaayo ciriq (hoormoon). Waxay ka qeyb qaataan isku dheellitirka heer kulka ka jirka. Sidoo kale ciriqada (hoormoonnada)jirka waxay shaqooyin muhiim ah u qabtaan jirka bani’aadamka sida baahida, dharagta, hurdada, farxadda, murugada iyo waxyaabo aad u badan uu jirka u qabto waxaan oo dhan waxaa ka qeyb qaata hoormoon. Waxaan soo sheegnay in hoormoonnada jirka marka lagu soo daayo dhiigga in ay ka howl galaan halka laga soo daayay meel ka dheer sababtoo ah ciriq(hoormoon) kasta waxa uu leeyahay unug gaar ah uu ku dhaggo meelaha ay ku dhaggaan ciriqada( hoormoonada) marka lagu soo daro weareega dhiigga waxaa loo yaqaannaa qaabile( receptors)
Waa maxay qaabile (receptors)? Qaabile: waa koox unugyo ah oo shaqadoodu tahay in ay ogaadaan isbeddelka ku soo siyaada jirka oo isla markiiba fariimo mawjad ah ka bixiya markay arkaan isbeddel ku yimmaada jirka waxaana ka falceliya hab dhiska dareen wadka ee jirka bani’aadamka unug walba oo ku yaalla qaabilaha (receptor)-ka wuxuu leeyahay labo dareen wade oo ka falceliya marka jirka la taabto tusaale ahaan haddii uu qofka dareemo ur yar gaar ahaan waxa laga dareema sanka ama in wax yar la dha-dhamiyo fariintaas il biriqsigiiba waxaa la gaarsiinaa maskaxda waxaana loogu soo falceliyaa si dag dag ah sidaasi darteed ciriqyada( hoormoonnada )laga soo daayo jirka waxay leeyihiin qaabile u gaar ah. Hoormoonnada waxay leeyihiin qaabile ay ku dhaggaan taasoo ka caawinaysa markii ciriqyada lagu soo daro hab_dhiska wareega dhiigga in ay si toos ah ugu dhaggaan unugyada gaarka ah sababtoo ah qanjirada ku yaalla jirka bani’aadamka waxay soo daayaan ciriqyo kala duwan sida ciriqa koritaanka jirka, ciriqa qaabilsan hurdada, ciriqa qaabilsan taranka ragga iyo dumarka iyo ciriqyo badan oo jirka ka qabta shaqooyin badan.
Sidaasi darteed qaabilaha (receptor-ka) waxay ka samaysan yihiin borotiin, dufan iyo fitamiin D iyo A, qaabilaha ciriqa waxa uu ku yaallaa labo meelood oo kala ah qaabile ka sameysan borotiinka waxaa laga hellaa qeybta sare ee unugga laakin qaabilaha( receptor-ka) ka sameysan dufanta waxaa laga hellaa unugga dhexdiisa. Qaabilaha (Receptor-ka) laga helo qeybta sare ee unugga waxaa kamid ah ciriqa(hoormoonka) loo yaqaano insulin. Ciriqa insulin-ka marka lagu soo daro wareega dhiigga wuxuu si toos ah u tagayaa qaabilaha (receptor-ka) ku yaalla qeybta sare ee unugga kaddib waxaa ammar lagu siinayaa insulin-ka si uu dhiigga uga qaado sokorta. Qaabilaha( Receptor-ka) laga helo unugga dhexdiisa waxaa kamid ah hoormoonka laga soo daayo xiniiyaha ragga ee loo yaqaanno testosterone, testosterone-ka marka lagu soo daro qulqulka wareega dhiigga wuxuu si toos ah u tagayaa unugga dhexdiisa kaddib waxaa lagu amaraa in uu shaqadiisa bilaawo si uu uga qeyb qaato hormarinta xubanaha taranka iyo bacriminta.
La soco qeybta xigta.
Buugga: Barashada ciriqa(hoormanada).
W/T/S: Indha_caad
Comments
Post a Comment