Wax ka baro qanjirada jirka.


Casharo tixane ah.


Hormada 3aad.


Hypothalamus


 Hypothalamus-ka waa xubin aad muhiim uga ah jirka bani’aadamka xubintaan waxay ku taallaa maskaxda qaybta ku taalla horaadka madaxa meesha indhaha ka koreyso, waa qayb aad muhiim u ah waxaana ku yaalla xubno badan oo shaqooyin waaweyn jirka u qabta sida meesha laga xakumo heer kulka jirka, baahida, haraadka, cunidda, isku dheellitirka biyaha iyo dareenka kacsiga, sidoo kale hypothalamus-ka wuxuu isku xiraa labo hab dhis oo kala ah hab dhiska dareen wadka jirka bani'aadanka iyo hab dhiska qanjirada u soo daaya ciriqa (hoormoonnada). Hypothalamus-ka wuxuu aad u caawiyaa qanjirka loo yaqaanno pituitary glands sababtoo ah waa qanjir laga soo daayo hoormoonno badan tusaale hypothalamus-ka waxaa fariin uga imaanaayo hab dhiska dareen wadka ee jirka bani'aadanka kaddib hypothalamus-ka wuxuu soo deynaa hoormoonno fariin wadayaal ah waxaana loo yaqaannaa neurohormones waxay shaqadoodu tahay in ay amraan qanjirka pituitary glands in la soo daayo hoormoon waa markii uu jirka u baahan yahay ama in la joojiyo hoormoon shaqadiisu dhammaatay. Hoormoonnada uu soo daayo hypothalamus-ka waxaa kamid ah:


 ( Thyrotropin releasing hormone: waxaa laga soo daayaa hypothalamus-ka markii lagu soo daro wareega dhiigga hoormoonkaan wuxuu si toos ah u tagayaa qanjirka loo yaqaanno pituitary glands kaddib qanjirkaan waxaa la amraa in uu soo daayo hoormoonka loo yaqaanno thyroid stimulating hormone. ( Growth hormone-releasing hormone: waa hoormmon laga soo daayo maskaxda qeybta hypothalamus-ka waxay shaqadiisu tahay in uu amar siiyo qanjirka pituitary glands si loo soo daayo hoormoonka ka qeyb qaataa koritaanka jirka ee loo yaqaanno growth hormone.

 ( Growth hormone releasing inhibiting: waa hoormoon laga soo daayo hypothalamus-ka waxay shaqadiisu tahay in uu joojiyo in la soo daayo hoormoonka qaabilsan koritaanka jirka.

 ( Corticotrophin releasing hormone: hoormoonkaan wuxuu fariin u dira qeybta hore ee qanjirka pituitary glands kaddib waxaa fariin loo sii diraa qanjirka kale ee ku yaalla kellida korkeeda waxaana loo yaqaanna adrenal glands qanjirkaan wuxuu soo deynaa hoormoon loo yaqaanno corticosteroid hormone waxayna qeyb qaataan isku dheelli-tirka nafaqada jirka sida baruurta, cadiinta, borotiinnada iyo biyaha jirka soo gala.


 ( Gonadotropin releasing hormone: waa hoormoon lagu sameeyo maskaxda qeybta loo yaqaanno hypothalamus-ka kaddib waxaa si toos ah loogu soo daraa hab dhsika wareegga dhiigga ee jirka kaddib wuxuu tagayaa qanjiro u gooni ah oo u qaabilsan isku dheellitirkooda iyo kala saarkooda waxayna aad u caawiyaan xubnaha taranka ee ragga iyo dumarka. ( Prolactin releasing hormone: waa hoormoon laga soo daayo qanjirka ku yaalla maskaxda qeybta hypothalamuska kaddib wuxuu amar siinaya qanjirka kale ee loo yaqaanno pituitary glands si loo sii daayo hoormoonkaan waxayna shaqadiisu tahay in uu sameeyo caanaha jirka ilmaha marka ay dhashaan haddii uu jirka ku bato waxaa kor u kaca caanaha jirka lagu arko oo noqda kuwo xad dhaaf u soo baxa, kaddib waxaa la soo deynaa hoormoon kale oo loo yaqaanno prolactin inhibiting hormone waxayna shaqadiisu tahay inuu amro qanjirka laga soo daayo hoormoonka caanaha si loo joojiyo in la soo daayo caano. Waxaan ka soo hadalnay hoormoonnada uu soo daayo hypothalamus-ka iyo shaqooyinka uu jirka u qabto guud ahaan waxaan mid mid uga hadli doonnaa qanjirada soo daayo hoormoonnada jirka iyo sida ay u shaqeeyaan. 


La soco qeybta xigta.


Buugga: Barashada ciriqa(hoormanada).


W/T/S: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad