Wax ka baro qanjirada jirka.


Casharo tixane inoo ahaan doonno Habbeen dhaaf.


Hormada 4aad.


Qanjirka ku yaalla maskaxda (pituitary glands) Waa qanjir ku yaalla maskaxda meesha basada ku aaddan oo masuul ka ah dhammaan ciriqa(hoormoonnada )jirka iyo isku dheellitirkooda, qanjirkaan waa qanjir aad muhiim uga ah guud ahaan jirka oo dhan sababtoo ah wuxuu soo daayaa qanjirkaan ilaa iyo sagaal ciriq( hoormoon). Qanjirkaan wuxuu si toos ah uga xiran yahay hypothalamus-ka sababtoo ah hypothalamus-ka waxaa ka yimmaado farriimo, farriimaha ka yimaado hypothalamus-ka waxay si toos ah u tagaan qanjirka loo yaqaanno pituitary glands si uu uga jawaabab celiyo farriinta uga timid hypothalamus-ka shaqadaan waxaa inta badan ka qeyb qaata hab dhiska loo yaqaanno neuroendocrine system. Neuro-endocrine system waa hab dhis isku jir ah oo maamulka shaqooyinka ka dhex socda gudaha jirka taasoo ah dareen wadayaasha fariinta kala geeya iyo hoormoonnada jirka  ku dhex qulqula sababtoo ah hab dhiska dareen wadka waxay si wadajir ah ula shaqeeyaan labo qanjir oo ku kala yaalla maskaxda iyo kellida korkeeda. 


Qanjirkaan waxaa loo yaqaannaa ama lagu magacaawaa hypophysis waxaana loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah qeyb hore iyo qeyb dambe waxaana loo yaqaannaa (anterior iyo posterior lobe). Qeybta hore waxaa laga soo daayaa ilaa iyo toddoba hoormoon halka qeybta gadaalle lagu keydiyo lagana soo daayo oo kaliya labo hoormoon. Qeybta hore ee loo yaqaanno anterior pituitary glands wuxuu soo daayaa ilaa iyo toddoba hoormoon oo kala duwan mid walba wuxuu qabtaa shaqo gaar ah hoormoonnadaas uu soo daayo qanjirkaan waxaa kamid ah.


 ( Adrenocorticotropic hormone (ACTH) waa hoormoon ka samaysan borotiin adag wuxuuna ka howlgalaa qanjirka ku yaalla kellida korkeeda ee lagu magacaawo adrenal glands si loo soo daayo hoormoonno kale sida glucocorticoid, mineralocorticoids, iyo sex corticoids. ( Thyroid-stimulating hormone (TSH) waa hoormoon ka samaysan sokor iyo borotiin wuxuuna ka howlgalaa qanjirka loo yaqanno thyroid glands si loo soo daayo labo hoormoon oo kala ah T3 iyo T4.  ( Follicle stimulating hormone (FSH) waa hoormoon ka samaysan sokor iyo borotiin wuxuuna ka howlgalaa xubnaha taranka ragga iyo dumarka sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa koritaanka jirka. ( Luteinizing hormone (LH) waa hoormoon ka samaysan sokor iyo borotiin wuxuuna ka howlgalaa ama ay shaqadiisu tahay xubnaha taranka ragga iyo dumarka.


Maxaa kaaga baxay.?


La soco qeybta xigta.


Buugga: Barashada ciriqa(hoormanada).


W/T/S: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad