Naas nuujinta ilmaha.




Naas nuujintu waa in ilmaha ayar lasiiyo naaska hooyada marka uu dhasho, wax yaabaha aynnu ku soo qaadan doono maqaalkan naasnuujinta waxa kamida:-


Maxay ka koobanyihiin caanuhu


Samaysanka caanaha


Goormaa loo bilaabayaa ilmaha yar inuu naaska jaqo;


Maxaa joogteeya caanaha naaska;-


Side loo wadayaa naas nuujinta?


Imisa jeer/goor baala siinayaa naaska ilmaha


Baahidiisa waa in lagu nuujiyaa ilmaha;


Sidee loo qiimeeyaa naasnuujinta fiican;


Qiimee ilmuhu intuu jaqay naaska;


Daryeelka Naaska xiliga naas nuujinta;


Waa maxay faa’iidada naas nuujintu;


Markasta miyaa lasiinayaa naaska ilmo kasta?




Ubilaabida cuntada ee ilmaha;


Astaamaha inatusa inuu ilmuhu diyaar u yahay cunto


.


Maxay ka koobanyihiin caanuhu


Caanaha hooyadu waxay ka kooban yihiin walxo kiimikaad iyo unugyo isku dhafan;

Waxaa ka mida  nafaqo ama cunto kaladuwan sida guluukos, dux, barootiin, macdano kaladuwan iyo fiitamin, waxa iyana kamida unugyo loogutalogalay difaaca jidhka.Caanaha hooyada waxa sameeya unugyada qanjidhada naasaha hooyada.Qanjidhada soo daaya caanuhu waxay aad u koraan una diyaar garoobaan inay caano sameeyaan xiliga uurka taasoo ay sababaan dheecaano kor ukaca xiliga uurka, koriinka ugu badan ee unugyada caanaha sameeyaa wuxuu dhacaa shanta bilood ee dambe ee uurka. Marka uu ilmuhu dhasho waxa sijoogta ah loo sii daya caanaha ku waaso sijoogto ah looga saaro naaska hadii canaha laga sariwaayo naaska soosaaridoodu hoos bay u dhacdaa mudo ilaa afartan cisho ah hadii laga saariwaayana waxa lagayaabaa inay joogsadaan.


Goormaa loo bilaabayaa ilmaha yar inuu naaska jaqo;


Waa in ilmaha yar uu bilaabaa inuu naaska jaqo sida ugu dhakhsaha badan marka uu dhasho, marka ugu horaysa ee ay maacquultahay inuu ilmaha yari naaska jaqo waa in lasiiyaa, hadii hooyadu aanay awood oo ay xanuunsanayso sida hooyada oo miyir beeshay hooyada oo laqalay oo suxsan iyo wixii lamida mooyaane waa inaan dib loodhigin naas nuujinta, waxa aad loo dhiiri galiyaa in ilmaha yar uu naaska jaqo markudhasho saacad gudeheed ugu badnaan.


Maxaa joogteeya caanaha naaska;-


In sijoogto ah uu ilmahayaari ujaqo ama looliso naasku waxay keentaa in caanuhu ay si joogto ah usoo baxaan, hadii caanuhu ay ku ururaaan naaska oo cadaadiska caanaha ee qanjidhada dhexdoodu uu kordho waxay hoos u dhigaan dhiiga imanaha qanjidhada soo daya canaha taasina waxay keenta in cuntadii, naafaqadii iyo dhecaanadii soosaarayay aanay ka samaysmayeen caanuhu uu hoos u dhaco taasoo keenta in caanihii lasoo saarayey ay  hoos u dhacaan.Dhanka kale ilmaha yare e naaska jaqayaa ama ibta naaska ee la nuugayaa waxay keentaa  in la siidaayo dheecaanka caaneye (prolactin) oo ah dheecaan si wayn ugaa qayb qaata samaysanka caanaha, hadii jiqida la joojiyo waxa hoos udhaca dheecaankaa kaasoo hoos udhiga soosaaridii caanaha.


 


 


Side loo wadayaa naas nuujinta?


Caanaha hooyadu waa cunto dheelitiran kuna filan ilmaha.Waa in ilmaha yar uu jaqaa naaska marku dhasho isla markaaba ee aan dib loo dhigin hadii aanay jirin wax khaasbaya in dib loodhigo, ilmaha yar oo si dagdaga naaska u jaqa iyo labada jidh ee hooyada iyo ilmaha oo istaabtaa waxay kur u qaadaa naas nuujinta iyo jacaylka ka dhexeeya hooyada iyo ilmaha.Naas nuujinta waa in la wadaa mudo laba sanno ah.Lixda bilood ee u horeeya waa in ilmahayar uu kaliya jaqaa naaska aan waxkale oo cunto ama cabitaana lasiin.


 


Imisa jeer/goor baala siinayaa naaska ilmaha?


Isbuuca 1aad ilaa 2aad waa in ilmahayar la nuujiyaa 8 ilaa 12 jeer maalintii waxa hoos loogu dhigi karaa 7 ilaa 9 jeer wiiga afraad.  Waa in hooyadu ay naaska siisaa ilmaha maalintii iyo habeenkiiba oo hooyadu ay u toostaa ilmaha yar si ay naaska u siiso gaar ahaan hadii 4 saacadood ay ka badato xiliga hurdadu,

Ilmaha yari waa inuu markasta jaqaa labada naasba 10 ilaa 15 minit midkiiba.


 


Baahidiisa waa in lagu nuujiyaa ilmaha;


Ilmahayar waa in naaska la siiya marka uu baahi ama gaajo muujiyo.Astaamaha baahida ee ilmaha; waa astaamo uu muujiyo ilmaha yari marka uu naaska inuu jaqo doonayo, waxa kamida astaamahan, ilmaha o gacmaha afka saara ama afka taataabta, ilmaha oo faraha jaqa, ilmaha oo aad u dhaqdhaqaaqa hadii la taabtana iska ooya, imaha yar oo cagaca soo laaba aadna u dhaqdhaqaajiya, marka u dambaysa waxay gaadhikartaa in ilmaha yari ooyo si cod dheerna u ooya intaasoo astaamood waxa la arki karaa 45- mint

Astaamaha inuu ilmuhu dhargay: ilmaha yar  oo naaska iska siidaaaya, gacmaha na kala bixiya, wajigiisana ay ka muuqato inuu furmay ama farxay, caruurta ka yaryar 2 ilaa 3 bilood marka ay dhargaan wuu seexdaa.


Sidee loo qiimeeyaa naasnuujinta fiican;


Waxa la eegi karaa jiqida naaska dhawr dhinac sida; qaabka ilmaha loo hayo, qaabku ilmuhu u haysto naaska, qaabku u jaqayo,


Qaabka ilmaha loo hayo;


Waa in hooyadu ay u fadhido ama u jiifto si nafisa oo aanay cidhiidhi ama diiqad ku jirin.Ilmaha madixiisa iyo jidhkiisuba waa inayy siman yihiin oo aanu madaaxu dhinac u qaloocin.Ilmaha jidhkiisa iyo madixiisaba waa iin la taageero ama kor loo wada hayo.Waa in ilmaha jidhkiisa iyo jidhka hooyadu ay istaabtaan.


Qaabku ilmuhu u haysto naaska; ( Haysasshada fiican)


Ilmaha afkiisu waa inuu aad u kala furanyahay.Ilmaha gadhkiisku waa inuu ku dhagsanyahay naaska.Dibinta hoose waa inay dib u rogantaa.Caarada(ibta) madaw eenaaska in badan oo kamidi waa inay xaga sare ka muuqato


Jiqida fiican; waxa lagu garankaraa ilmaha yari inuu sifiican u jaqayo naaska.Ilmaha yar oo naaska nuugaa ama jaqa marmarna yara joojiya.Ilmaha oo marka uu joojiyo si fiicann u liqa caanaha oo lamaqli karo inuu liqayo.


.


Qiimee ilmuhu intuu jaqay naaska;


Walidku ama hooyadu waa inay aqood u leedahay inay qiimayso intuu jaqay ilmuhu inay ku filantahay in kale; Imisajeer buu jaqayaa naaska ilmuhu; caadiyan waa inuu jaqaa 8 ilaa 12 jeer 24 kii saacadood

Eeg kaadida ilmaha; inkastoon la ogaan Karin inta ay le’egtahay laakiin waxa laga qiyaasi karaa inta jeer uu marada qooyay ilmuhu, caadiyan ilmuhu waa inuu ilaa 6 jeer qooyaa marada ama diaper ka, waana ina ay kaadidu biyaha u egtahay ama inyar oo hurdiya ama huruudi ay ku jirtaa.Sidoo kale waa in la’eegaa saxarada ilmaha yar; ilmaha yar waa inuu saxaroodaa saxaro biyo badan leh in aan ka yarayn sadex jeer maalintii.Culayska ama miisaanka ilmaha; caadiyan ilmaha yar marka uu dhasho waxa hoos u dhaca miisaankiisa 5 ilaa 7 boqonkiiba miisanka uu ku dhashay, wixii ka dambeeya wiiga hore inlmaha miisaankiisu waa inuu kordhaa isagoo kordhaya 15 ilaa 40 giram maalintii.


 


Daryeelka Naaska xiliga naas nuujinta;


Inta lagu gudajiro naas nuujinta ee uu ilmaha yari jaqayo naaska waa in naaskana la daryeelaa lana ilaaliyaa, waxa kamida waxyaabaha lagu ilaalinayo naaska.In hooyadu ay ilmaha markasta oo ay naaska siinayso ay ku sugnaato xaalad dagan oo cidhiidhi iyo aday ku ahayn naaska..Waa in hooyadu ay markasta ilmaha siiso labada naasba ee aanay marba mid kaliya siinin,


Waa in hooyadu ay hurdo ku filan seexataa ay iskana nasataa.Waa in ay hooyadu cuntaa cunto fiican iyo cabitaan badan, waa in ay hooyadu xiliyo dheerada wax cuntaa ay markasta oo ay ilmaha naaska siinaysana ay cabtaa koob cabitaana.waa in ay hooyadu iska ilaalisaa in caanuhu ay ku raagaan naaska oo naasku dararo ama buuxsamo si taa ay u samaysana waa in ilmaha ay jaqsiisaa 2 ilaa 3 saacadoodba mar.


Waa in ay hooyadu xidhato keeshali ay ku taageerto naasaha lakiin aan aad ugu dhagsanayn ama cidhiidhi ku ahayn.

Ibta naasku waa inay ay nadiif ahaato lagana ilaaliyaa qalaaylka baadan kaasoo qarqarax iyo nabaro ku keeni kara naaska.

Waa in ay hooyadu ibta naaska ku maydhaa biyo maalintiiba markaliya oo aanay maydhista ku badan, waana inaanay ku maydhin saabuun iwaxlamida.

Marka uu ilmuhu jaqo naaska waa inaan naaska la qalajin ee la iska daayo isagu ha iska qalalee.


 



Markasta miyaa lasiinayaa naaska ilmo kasta? Ilmoyar oo kasta lasiin maayo naaska waxa jira caruurta qaar aan la siin Karin caanaha naaska waxaana kamida

Haddii hooyadu ay xanuun qabto aanu ilmuhu qabin oo la ogyahay inay caanuhu ugudbin karaan ilmahayar.Hooyada oo dhiigeeda infection raacay ( septicemisa).


Hooyada oo qaaxo (TB) ay hayso.

Hooyada oo cancer kaga dhacay naaska

Ilmaha yar oo xasaasiyad ku yeesha caanaha hooyada


Naaska oo malaxi ku jirto.


Intaas ayaan ku soo koobi karnaa xaaladaha aan naaska lasiinayn ilmaha.


Ubilaabida cuntada ee ilmaha;


Waa goorma xiliga loobilaabayo ilmaha cunto dheeraada sida caanaha dasadaha ama caanaha xolaha iyo cuntada kale ee adkaha ah.Lagabilaabo marka uu ulmuhu ufadhiisan karo isagaan wax lagutiirin ama lataageerin ama marka uu gurguuradka bilaabo oo ah bisha lixaad badanaa waa xiliga loo bilaabi karo ilmaha cunto ama cabitaan aan ahayn naaska hooyada.Waxa loogu bilaabi karaa sidan;Midhaha loo yaqaano cereals ka oo uu ilmuhu ka helo macdanta Ironta oo dhiiga ilmaha kor u qaada.Waxa ku xiga oo loo bilaabi karaa khudaarta kaladuwan sida baradhada iyo kaaradhka


Makra u dambaysana hilibka iyo beedka.


In sidaa sare la iskugu xigsiiyaa cuntada qasab maaha laakiin waxa muhiima in marba cunto loobilaabo ee aan markaliya cuntooyinkala duwan lasiin, taasoo kadhigan marka cunto loobilaabo waa in cuntadaasoo kaliya lasiiyaa 3 ilaa 4 cisho kadibna cuntokale loo bilaabaa, taasoo looga danleeyahay in cuntooyinka kaladuwani aanay caloosha ilmaha cilad ku keenin.Tusaale ahaan; ilmaha hadii manta loobilaabo baradho waa in baradhadaa oo kaliya lasiiyaa 3 ilaa 4 cisho, kadibna loo bilaabaa karot isna sadex cidho la siiyaa kadibna loo bilaabaa roodhi/furin isna sadexcisho intaa kadib waa la iskugu wada darikaraa, lakiin hadii midkamida markii uu qaadanayay aad ku aragtay cilad waa inaad cunadaa kayaraysaa ama aad kalatashataa hawl wadeen caafmaad.

Cuntada u horaysa ee ilmaha loo bilaabayaana waa inay ahaataa mid aan adke ahayn ee u dhaxaysa adke iyo dareere.Waa in la sika ilaaliyaa in ilmuhu uu ku seexdo ama lagu seexiyo masaasada oo afka ugu jirta taasoo keeni karta in ilmuhu uu yeesho suus ama ilkuhu jajabaan.


 

Astaamaha inatusa inuu ilmuhu diyaar u yahay cunto:


in ilmuhu wuxuu diyaar u yahay in lobilaabo cuntada, ilmaha oo fadhiisan kara bilaataageero ama gurguuran kaara, ilmaha oo walxaaha afka galiya, waxkasta oo uu gacanta ku dhigo afka galiya, xiligaasi badanaa waa markuu ilmuhu jiro lixbilood xiligaasoo uu firfircooni badan yeesho una baahdo energy badan.


 


 


CARRUURTA MAXAY FAA'IIDO U LEEYIHIIN CAANAHA NAASKA?


1= Caanaha Naaska Waxay u Sameeyaan Nafaqo Wanaagsan Carruurta.


Maalmaha ugu horeeya ee dhalashada ka dib, naasuhu waxay keenaan dheecaan dheer oo huruud ah oo loo yaqaano dambarka. Waxaa ku badan caanahas borotiinka waxaana ku yar sonkorta taasoo faaido badan uleh iilmaha una fududeysa in dheefshiidka ilmaha uu si wanaagsan u shaqeeyo,


Caanaha naasku waxay ka kooban yihiin wax kasta oo uu ilmuhu u baahan yahay lixda bilood ee ugu horreeya noloshiisa, umana baahna wax kale in aad siiso xitaa biyo.


Kaliya naaskaada u joogtee ilmahaaga.


2= Caanaha Naaska Talaal ayey u yihiin ilmaha uu uga hortago xanuunada 6da bil ee ugu horeysa.


Caanaha naaska waxay ku dhagayaan unugyada difaaca jirka oo ka caawinaya ilmahaaga inuu la dagaalamo fayruusyada iyo bakteeriyada.


Talaalka ugu badan waxa uu ka helayaa ilmaha caanaha danbarka la yiraahdo


Danbarku wuxuu bixiyaa xaddi badan oo immunoglobulin A (IgA),oo difaaca jirka kamid ah iyo sidoo kale dhowr difaac oo kale


3= Naasnuujintu waxay yareyn kartaa Khatarta Cudurada.


Naas-nuujintu waxay yareyn kartaa khatarta infekshanka ilmahaaga iyo cuduro badan,sokorowga., wadna xanuunka,infectionada mindhicirada ku dhaca, kansarka dhiiga,xanuunada dhagaha ku dhaca iyo dhamaan xanuunada neef mareenka ku dhaca.


Cunigaada hadii aad naaska si toos ah i siiso hosbitaalada in aad la aado waad ka reysan doontaa.


4= Caanaha Naaska waxay Horumariyaan Miisaanka Caafimaadka leh.


Naas-nuujintu waxay kor u qaadaa miisaanka caafimaadka leh waxayna ka caawisaa ka hortagga cayilka caruurnimada.


5= Naas-nuujinta waxay ilmaha ka dhigtaa mid caqli badan.


Waa qodobka ugu muhiimsan ilmagaaga hadii aad waqti badan naas nuujiso wuxuu nqonayaa midka ugu caqliga badan caruurta maskaxdoodu si deg-deg ah ayey ukiri doontaa waxbarashada waxa uu ku noqon doono mid ka wanaagsan caruurta kale,dabeecad fiican ayuu yeelan doonaa.


“Ilmaba ilmaha kale inta uu ka naas-nuujin badanyahay ayuu ka caqli badanyahay”


HOOYADA MAXAY FAAIIDO ULEEDAHAY IN AY NUUJISO ILMAHEEDA.


1= Naasnuujintu waxay kaa caawineysaa hooyada buuran ineymiisaanka iska dhinto.


Laga bilaabo qiyaastii 3-6 bilood ka dib dhalmada, hooyooyinka naas-nuujiya ilmahooda ayaa la ogaadey in ay lumiyaam miisaan ka badan marka loo eego hooyooyinka aan naas-nuujin usameen ilmahooda


2= Naas-nuujintu ilmo galeenka dhalmada ka dib ayey ka caawiyaan in uu isku aruuro dhiig baxna uu san sameyn.


Naas-nuujintu waxay kordhisaa soo saarida oxytocin, hormoon taasoo keenta in muruqyada ilmo-galeenka isku aruuraan. Waxay hoos u dhigtaa dhiig-luminta ka dib dhalmada waxaana ay ka caawisaa ilmo-galeenka in uu ku soo celiyo qiyaasta yar ee hore.


3= in ay hoooyada nuujisa ilmaheeda ayaa ka hortag u ah niyad-jabka.


Niyad jabka dhalmada kadib waa nooca niyad-jabka kamid ah oo soo soobaxa wax yar ka dib dhalmada. Waxayna ku dhacdaa ilaa 15% hooyooyinka waxaana ka hortag u ah naas nuujinta.


4= Naas-nuujita ayaa yareysa in ay kugu dhacaan Kansarka naasaha, kansarka ugxan-sidayaasha iyo xanuuno kale.


Hooyada nuujisa ilmaheeda 1sano ilaa 2 sano inta udhaxaysa ayaa yareysay 50% xanuunada kansarka, dhiikarka,sonkorta,roomaatiisimada iyo xanuunada wadnaha.


5= Naas-nuujintu waxay ka hortag u tahay caadada.


Naas-nuujinta joogtada ah ayaa sidoo kale joojisa ugxanta iyo caadada.


Xayiraadda dhiigga caadada ayaa dhab ahaantii noqon karta qaabka dabiiciga ah ee ugu wanaagsan oo aad ilamaha ku kala dheereysan karto adoo isticmaalin daawooyinka uurka ka hortaga ee dhibaatada badan keeni kara.


6=Naas nuujintu Waxay kuu baajinaysaa lacag badan iyo waqti kaa bixi lahaa.


Koow waxaa kuu baaqanaysa


A=lacagtii aad masaasadaha kusoo gadan lahayd.


B=waxaa kuu baaqanaya waqti badan oo aad ku dhaqi lahayd masaasadaha.


MEEQA SANO AYAA U FIICAN IN AAD NUUJISO ILMAHAAGA?


Allaaah subxanuhu watacaala ayaa nagu booriyey in aan ilmaheena nuujino mudo 2 sano ah


Aaayada 233aad suuradda Al-baqra qaybteeda hore ayuu allah ku leeyahay


” وَالْوَالِدَاتُ يُرْضِعْنَ أَوْلَادَهُنَّ حَوْلَيْنِ كَامِلَيْنِ ۖ لِمَنْ أَرَادَ أَن يُتِمَّ الرَّضَاعَةَ”


“waalidaadka (Hooyooyinku) waxay nunjin Caruurtooda Labo Sano oo dhamaystiran Cidii doonta inay taamyeesho nuugidda,”


TALLO


Haddii dhakhtar kuu diidey xaalad caafimaad owgeed in aad ilmahaaga nuujiso ama dhibaato kale aad qabto oo aan kuu ogalaaneen in aad nuujiso ilmahaaga dhib malahan markaas hadaad musaasad wax ku siiso xaaladaas owgeed cunugaadana haka wal-walin si fiican ayuu kuugu kori doonaa illaaahay idinkiis.



 




Sidee u Nuujisaa Ilmahaaga?!




Waxyaabaha lagu garto in cunugaaga naaska uu ka dhargay


Cunuga oo aamusa markuu naaska afka ka qaado.


Cunuga oo hurda 3 - 4 saac markii la nuujiyo


Cunuga oo wax isbadal ah lagu arkin saxaradiisa kalar ahaan iyo ur ahaanba


Cunuga oo kaadidiisa is dhimin, wax isbadalne aan lagu arkin


Cunuga oo caadi miisaankiisa u kora, markii lala barbardhigo miisaankiisii hore



Waxyaabaha lagu garto in cunugaaga naaska uusan ka dhargin


Cunuga oo ooya markii la nuujinayo iyo markii la nuujiyaba, ama dhuuqa gacmahiisa iyo farihiisa.


Cunuga oo naaska ku daaha ilaa 30 daqiiqo in ka badan.


Cunuga oo hurdo la'aan ku dhacda.


Cunuga oo saxarada ku adkaato, ama isku badasho mid urbadan oo cagaaran, xunburne leh.


Cunuga oo kaadidiisii yaraato


Cunuga oo Miisaankiisa is dhima (FG: cunuga waa in miisaankiisa isbadal laga dareemaa afarta bilood oo ugu horeysa, afartii maalinba mar.)



Sidee lagu xalin karaa?


Hooyada oo cunto nafaqo leh cunto, hadii ay jirantahayne la daaweeyo.


Hadii ay jirto mushkilad ka jirto qaabka cunuga naaska loo siiyay in la saxo


Hadii ay caano ku filan cunuga hooyada aysan laheen in caano kale loogu siyaadiyo (Formula Feeding)


Hooyada oo la siiyo daawada loo yaqaano "Chlopromazine", taasoo siyaadiso caanaha hooyada, walwalka iyo diiqadane yareyso.




Waxyaabaha lagu garto in cunugaaga naaska laga badiyay

Horta maxaa keeni kara in ilmaha naaska inta ay u baahanyihiin ka badan la siiyo?


Waqtiyada kuleelaha, kaasoo ilmaha oonka haayo, hooyadu ay u fasirato inay gaajo heyso cunugeeda.


Hooyada oo caano badan soo saarto


Cunuga oo waxqaadashadiisa siyaado ah



In laga badiyey maxaa lagu fahmaa?


Cunuga oo diliqiisa bato amaba ku sixdo caanaha la siiyay


Cunuga oo mataga amaba caloosha xanuunsato


Cunuga oo saxaro badan dhiga, taasoo qaar wixii uu qaatay oo aan shiidneen ka muuqato


Kaadi badan iyo dhidid badan


Miisaankiisa oo aad u siyaada.



Sidee looga hortagi karaa?


In waqtiga u dhaxeeya nuujinta lakala dheereeyo tusaale ahaan 4 saac oo kale.


In hadii naasaha ay ku soo haraan caano badan oo uusan u baahneen cunuga laga miiro


Waxyaabaha keeni kara in cunuga caanaha hooyada aan la siinin

Hadii mushkilo ka jirto dhinaca hooyada sida:


Hooyada oo qalal qabto amaba waalan


Haddii ay qabto infekshan laga cabsanayo inuu caanaha ugu gudbo ilmaha


Hadii ay qabto cudur halis ah oo naas nuujinto uga sii dari karo sida wadnaha, iyo kilyaha oo hawsha yareeya, Sokorow aan la kontrooli karin, Kansar iyo hadii naasahaba mushkilo ay ka jiraan



Hadii ay mushkilad ka jirto dhinaca ilmaha sida:


Cunuga oo ku dhasho cuduro caanaha uga sii daraan sida: Glactosemia, Phenylketonuria


Cunuga oo xasaasiyad ku qaba caanaha


Cunuga oo ku dhasho mushkilad afka uu ka qabo sida sanka uu ku furan amaba faruurta ka dilaacsan markaasoo caanaha inta loo liso tubo lagu siiyo.



Tixraac. 



http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0

https://drkhalidbeergeel.wordpress.com/2017/10/04/naas-nuujinta-ilmaha/


https://www.aayaha.net/2018/10/16/11-faaido-oo-naas-nuujinta-ay-u-leedahay-ilmaha-iyo-hooyada/

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad