HORUDHAC Qeybta 1aad [ Diabetic Retinopathy]:
Waxyeellada cudurka Macaanka ama Sonkorowga uu ku keeno shabakada dambe ee isha (diabetic retinopathy) wuxuu kamid yahay indha la’aanta ugu badan ee lagu maareeyo isbitaallada indhaha ee dalka, waane cudurka afaraad ee keena indha la’aanta aan ku daweyno gudaha dalka Soomaaliya marka lagasoo tago cudurada Caadka (Cataract), Biyaha (Glaucoma), iyo
araga khaldama ee maraayadaha lagu saxo (refractive error). Hadaba maqaalkan waxaan ugu talagalay in aan tooshka ku ifiyo xanuunkan eysan dadka inta badan la soconin, wuxuu aqoon kororsi u noqonayaa cid kasta oo aqrisa, wuxuuna si gaar ah wacyigalin ugu yahay dadka qaba cudurka Macaanka.
WAA MAXAAY DIABETIC RETINOPATHY?
Cudurka Macaanka wuxuu dhaawac gaarsiiyaa xididada jirka si guud ahaaneed sida kuwa Wadnaha, Kilyaha, iyo Indhaha, gaar ahaan shabakada dambe ee loo yaqaano Retina (eeg sawirka 1aad), sidoo kale macaanka waxaa lala xariiriyaa cudurro kale oo ku dhaca indhaha sida Caadka iyo Biyaha, balse maqaalkan waxaan uga hadlidoonaa kaliyah xanuunka loo yaqaano diabetic retinopathy ee ku dhaca shabakada isha.
Hadaba si aan u fahanno waxa uu yahay cudurka, waxaa muhiim marka hore noo ah in aan wax yar ka fahanno halka uu waxyeelleeyo cudurka oo ah shabakada dambe ee isha. Retina waa halka ugu dambeysa isha ee uu ku dhoco iftiinka islamarkaane ku sameysa isbadallo, una dirta maskaxda dambe iyadoo u marineysa neerbaha araga si aan u aragno muuqaallada noo muuqda.
Waxey ka koobantahay xuubab isdul saaran, xidido dhiig, iyo madaxa hore ee neerbaha araga (optic nerve) oo qeebteeda dambe ka baxa. Bartamaha shabakada waxaa ku yaallo qeybta qaabisha araga ugu badan, waxaane loo yaqaanaa Macula (eeg sawirka 2aad).
Cudurka diabetic retinopathy wuxuu keenaa araga oo hoos u dhaca ilaa heer indha la’aan, halista ugu weyn ee cudurkan lala xariiriyo waa kuwan hoose:
1: Mudada uu qofku qabo cudurka Macaanka, waa halis keenaha (risk factor) ugu muhiimsan xanuunkan, boqolkiba konton (50%) dadka qaba cudurka Macaanka waxey qaadaan xanuunkan shabakada isha mudo 10 sanadood kidib markii Macaanka laga helay.Boqolkiba todobaatan (70%) waxey xanuunkan yeeshaan 20 sanadood kidib. Boqolkiba sagaashan (90%) waxey xanuunkan yeeshaan 30 sanadood kidib.
2:Xanuunkan wuxuu ku badanyahay dumarka marki la barbar dhigo raga (4:3)
3:Xanuunkan wuxuu ku badanyahay dadka aanan Macaanka iska maareynin
4: Xanuunkan wuxuu ku badanyahay dadka leh nooca koobaad ee macaanka (type 1 diabetes)
5:Qofku marka uu leeyahay xanuuno kale sida dhiig karka, halistu wey badataa
6:Sidoo kale Sigaarka, buurnaanta, iyo subag-dhiigeedka waxey kor u qaadaan halista
CABASHOOYINKA IYO CALAAMADAHA CUDURKA:
Xanuunkan waxaa suurtagal ah in uu qofka gaarsiiyo dhibaato asagoonan weli dareemin wax cabasho ah. Cabashooyinka uu qofku la imaaanayo gabigoodba waa wax la xariira araga kaliyah, waxaane kamid ah:
1:Mad madow hor yaaca indhaha: calaamadan gaar uma ahan xanuunkan, waxaane dhacda in badan in la arko iyadoo ishu caafimaad qabto.
2: Araga oo shucaac yeesha (blurred vision)
3: Kala sooca madabada oo adkaada (Impaired color vision)
4: Madow ama arag-maqnaansho ku dhex jira muuqaalka uu qofku eegayo (eeg sawirka 3aad)
5: Indha la’aan dam ah
Waxaa jiro calaamado badan oo uu dhakhtarku ka arki karo shabakada isha, waxaane ku xusi doonaa qeybta xigta ee aan uga hadlayo qeybaha cudurka. Si uu dhakhtarku u arko calaamadahan wuxuu eegayaa shabakada dambe asagoo adeegsanaya ophthalmoscope (ama slitlamp with hand-held Volk lens),
ama wuxuu bukaanka ka qaadayaa sawir shabakada dambe (fundus camera), waxaa jiro baaritaano kale sida fluorescein angiography oo qofka lagu mudayo dawo madabeysa xididada si loo helo halka xiran, halka buufsan, halka jilicsan, iyo halka dillaacsan. Sidoo kale waxaa bukaanka la mariyaa baaritaan loo yaqaano OCT (Optical coherence tomography) oo si faahfaahsan loogu ogaado xuubabka ey ka koobantahay shabakada.
W/Q: Dr.Axmed Maxamed Cali (Dr.Xalaal)
Comments
Post a Comment