Habdhiska dheefshiidka (Digestive system). Casharka 52aad Ascites Waxa dheecaan ku urura godadka xubnaha caloosha, waxa uu ka yimadaadaa beerka oo adkaada, xaalado kale sida wadnaha, kelyaha. Sidee ayuu Ku yimadaadaa. Waxa uu ka dhashaa xaalado adag sida in ay xididdada dhib ka jirto, kelyaha, xaalado beerka la xidhiidha. 1:Portal Hypertension: waa kacsanaanta cadaadiska arooraha beerka. Siyaaditaanka cadaadiska qulqulka dhiigga ee beerka waa barta ay ka curaneyso sameysanka dheecanka. Taasi waxay siyaadineysaa cadaadiska habdhiska arooraha beerka, waxa uu sababayaa dheecanka olol ka yimid xiddidada gododka caloosha. Kacsanaanta cadaadiska xiddidada beerka waxay keenayaan in dhiigga dib ugu soo laabto xiddidada quudsha xubnaha caloosha. Cadaadiska ka jirra xiddidada beerka waxay keenayaan in hooraha ku ururo unug hoore u dhexeeyaha (interstitial space), taasina waxay keeneysaa in uu sameyso dheecanka caloosha. 2: Hypoalb...
Comments
Post a Comment