NUDE(Tissue).
Casharka 1aad.
Jirku wuxu ka kooban yahay unugyo aan tiro lagu koobi karin oo u go'doomay ama caanbaxay si ay u sameeyaan nuda- ha jirka ee kala geddisan. Jirku wuxu ka soo asaasmay ama ka soo alkumay unug qur ah. Unuggaasina waa unug ugxaneed bacrimiyay ama oofam. Unug ugxaneedkaas la bacrimiyay, wuxuu ka kooban yahay borotoobalaasim iyo bu' ku jirta. Bacriminta kaddib unugaasi waa bataa wuxuuna samee- yaa kubad unugya ah. Taasbaana hab kala soocis ah ku sa- maysa nudaha kala nooc ah.
Nudahaas oo loo baahan yahay in ay sameeyaan xubnaha kala geddisan ee jirka iyo qaybaha jirka oo dhan. Wejiyada ugu horreeya ayaa kubbadda unugyada ah loo qaybiyaa saddex lakab :-
1. Lakab kore. La-kabkaas kore waxa ka sameysma dub- ka sare iyo waxa uu dahaaro, faracyadiisa iyo habdhiska da- reenwadka.
2. Lakab dhexe. La-kabkaas dhexe waxa ka samaysma dhuuxa iyo xubnaha gudaha ee kala nooc.
3. Lakab gudeed. Waxaana la-kabkan ka samaysma da- haarka hoose ee marinka dheefmareenka wixii aan ahayn afka, dalqada iyo malawadka xaggiisa dambe ee hoose; kuwaas oo iyagu ah laabab lakabka kore ka samaysmay. Waxaana laga yaabaa oo suurta gal ah in uu lakabka dhexe sameeyo dahaarka hoos ee wadnaha, xiddidada dhiigga iyo unugyada dhiigga.
QEEXID Nudde waxay ka kooban tahay unugyo iyo wax isu tegay oo shaqo gaar ah qabta. Marka jirku korayo, wuxuu ka kooban yahay ama ku jira afar nooc oo nudo ah. Waana ku waa hoos ku qoran :-
1. Nud ibtiiliyam ah:
2. Nud muruq ah
3. Nud isku-xire;
4. Iyo nud dareenwade.
Nuud ibtiiliyam ah:
Ibtiiliyamku waxay dabooshaa nudaha bannaan ee debed- da iyo guudaha jirka. Nudahaas iyaga ahi, waxay ka kooban yihiin unugyo isku sibirsan sida lebenka daaraha. Unugya- daasi waxay sameeyaan nudaha badankooda, waxaana jira la- ba nooc oo ibtiiliyam ah-
1. Ibtilliyam sahlan;
2. Ibtiiliyam lakabaysan.
Ibitiiliyam sablan
Ibitiiliyamkani waxay ka kooban tahay lakab unugya ah oo qur ah oo ku dhegsan xuub salaxeed. Ibitilliyamkani aad bay u jilicsan tahay, isla markaasna waxay dahaar hoose ay tahay xubnaha gudaha ee ay ka mid yihiin caloosha, midhicirada, hunguri cadka iyo moqorada sida moqorka ubucda iyo saablayda. Qaabka unugyada ibitiiliyamku aad bay u kala geddisan yihiin, taas oo ku xiran hawsha looga baahan yahay in ay jirka u qabtaan gudaha unugyadaasna daboolaan. Unugyadu way balballaaran yihiin meelaha ay dusha ka sameeyaan dahaar sulban, sida dahaarka hoose ee laabta iyo ubucda. Ibi- tiiliyamka noocaas ahna waxa lagu tilmaamaa ibitiiliyam isku siman. Meelaha ay dushu qabato hawlo firfircoon, unugyadu waxay u qaybsan yihiin saddex jibaarane ama gudub u taxane sida ay u kala horreeyaan. Ibitilliyamka saddex jibaaranaha ah waxa ku badan unugyada marka laga eego inta ku jirta 2.54sm ee laba jibaaran. Unugyada noocaas ahna waxa laga helaa qanjirada, halkaas oo aanay unugyadu daboolin dulaha oo qur ah ee islamarkaasna sameeyaan dhiiqiska qanjirada. Ibitilliyamka saddex jibbaaranaha ah, unugyadu way dhaadheer yihiin waana khafiif, sidaa darteedna unugyo badan baa isku cabaysan, waxaana laga helaa unugyada noocaas ah meelaha Jirka hawsha culusi ka socoto oo qura. Waxayna unugyadaasi
dahaar hoose u yihiin cunto mareenka, marka laga bilaa- bo hunguriga xaggiisa hoose kuna dhammaada futada. Da- haarkaas ibitiiliyamka ah ee ku jira dheefmareenka jirku wuxu u nuugaa cuntada la soo shiiday si jirku u adeegsado.
Ibtiiliyamka lakabaysan :
Ibitiiliyamkani waxay ka sa- maysan tahay maqaarka sare ee jirka. Tirada lakabyada unugyada ahi aad bay u kala duwan tahay qaybaha jirka ee kala geddisan. Taasina waxay ku xiran tahay cadaadiska iyo xoqidda maqaarku la kulmo.Unugyada dubka sare waxay noqdaan qolof kana kooban unugyo jilicsan oo borotoobalaasim ah waxayna dhimaan biyo lunka jirka. Waxay kale oo unugyadaasi jirka ka celiyaan jeermiyada.
Waxa kale oo ibitiiliyamka dabaqadaysan laga helaa afka, dalqada iyo huguriga halkaas oo haddii kale ibitiiliyamka
sahlan ay cuntada adag ee aynnu cunaa dhaawici lahayd. Xubnaha qaarkood, unugyada ibitiiliyamku waxay dushoo- da bannaan ku leeyihiin gas(timo) dhaadheer oo u eg timo. Gas- kaasina wuxuu filqaa, wax allaale wixii fuula xuubaha dushooda.
Ibitiiliyamka noocaas leh waxa la yiraahdaa ibitiiliyam gas leh. Ibitiiliyamka noocaas ahna waxa laga helaa marinada hawada si ay u fiiqaan jeermiyada iyo boorka fuula.
Lacoso qeybta xigta.
W/D: Indha_caad
Comments
Post a Comment