NUDE.
Casharka 3aad.
Waxa jira saddex nooc oo nuddo muruqeed ah :-
1. Nudo muruq lafare
Nu to muruq malafare
3. iyo Nudo muruq wadneed.
Nudo muruq lafare
Muruqakani wuxuu sameeyaa hilibka ku yaal addimaha (afarta addin), Kuwaas oo qolfoofka dhaqdhaqaajiya. Wuxuuna muruqaasi ka kooban yahay liifyo dhaadheer oo dunta u eg. Inta badan nudahaasi waxay leeyihiin liidimo gudban oo madow iyo caddaan talantaali ah leh halkaas oo magacooda looga soo qaaday. Nud kastana waxa dusha ka gelaysaa nud isku xire oo la yiraahdo misarkooliyam. Liifyada deriska waxa isku xira oo xirmo ka dhiga mid nud isku-xire ah.Xir mooyinka ayaa isku sii xirma, gal baana dusha kaga sii wareegsan, si ay ugu dambeystii muruq u sameeyaan, kaas oo isla markaas nud isku-xira ahi dusha kaga wareegsan tahay. Muuqakani liidimaha lehi waa la adeegsan karaa lana amri karaa ama la fari karaa. Saa darteed baana loo yiri muruq lafare.
2. Muruq malafare
Wuxu sameyaa ama ka samaysmaa xubnaha gudaha, sida caloosha, kaadihaysta, ilmagaleenka iyo xididdada dhiigga. Wuxuuna ka kooban yahay nudo leh qaabka musbaarka oo ay mid kastana ku jirto bu'i
Muruqan waxaa kale oo la yirashda muruq sulban. Liifya-da muruqan kama muuqdaan liidimo, mana laha dahaar, wa xase isku ururiya nudo isku-xirayaal ah si ay u sameeyaan gi- daarada xubnaha kala duwan ee jirka. Muruqakani waa mid aan qofku u adeegsan sida uu doonayo, wuxuna adeegaa isaga oo aan qofku dareemin ama la dhaadin.
3. Nudaha muruqa wadnaha
Muruqakani waxa laga heelaa wadnaha oo qur ah. Waana ka geddisan yahay nudaha muruq kasta oo kale. Muruqaka- ni wuxuu ka kooban yahay liifyo gaagaaban oo farcama. Ku- waas oo leh liidimo aan qumanayn. Isla markaas muruqaka- ni ma laha dahaar, waxase isku ururiya nudo isku-xirayaal ah. Muruqakan lama faro waana mid iskiis isu wada. Wuxuna sameeyaa soo urur rismaatig ah isla inta uu nool yahay inkas- ta oo ay jiraan dareenwadayaal xukuma soo ururka rismaati- ga ah.
Nud dareen wade
Nudaha dareen wadku hawsha gaarka ah ee ay qabtaan waxay tahay, in ay qaadaan dhambaalka iyo farriimaha jirka gudahiisa. Nuda dareen wadkuna waxay ka kooban tahay dareen wad iyo liifyo dareen wad. Liif kastana waxa ka baxa unug. Unug kastaana wuxu leeyahay liif kale oo ka baxa.Unuggu wuxu kale oo bixiyaa dhawr laamood oo gaagaaban oo isku maran oo la yiraahdo geedyarooyin.Unugga geedyarooyin ayaa siiya awood uu ku dareemo cariska; kaas oo uu liifku u sii gudbiyo unug dareen wada oo ka le ama nud kale halkaas oo uu liifku ku dhammaado laamo ku- wa geedka oo kale ah.Liifyada iyo unugyada waxa isku haya nudo isku-xirayaal ah oo la yiraahdo nirogiliya. Unugga dareen wade kasta iyo liifkiisa waxa la isku yiraahdaa niyuuroon, waxana jira laba nooc oo niyuuroona ah:-
Niyuuroon ogaade ah ama ku dareeme, kuwa nooĉaası waxay nudaha ka qaadaan dhambaallada, geeyaana halka loogu tala galay.Nudaha dareen wadku hawsha gaarka ah ee ay qabtaan waxay tahay, in ay qaadaan dhambaalka iyo farriimaha jirka gudahiisa. Nuda dareen wadkuna waxay ka kooban tahay dareen wad iyo liifyo dareen wad. Liif kastana waxa ka baxa unug. Unug kastaana wuxu leeyahay liif kale oo ka baxa.
Unuggu wuxu kale oo bixiyaa dhawr laamood oo gaagaaban oo isku maran oo la yiraahdo geedyarooyin.
Unugga geedyarooyin ayaa siiya awood uu ku dareemo cariska; kaas oo uu liifku u sii gudbiyo unug dareen wada oo kale ama nud kale halkaas oo uu liifku ku dhammaado laamo kuwa geedka oo kale ah.
Liifyada iyo unugyada waxa isku haya nudo isku-xirayaal ah oo la yiraahdo nirogliya. Unugga dareen wade kasta iyo liifkiisa waxa la isku yiraahdaa niyuuroon, waxana jira laba nooc oo niyuuroona ah:-
1. Niyuuroon ogaade ah ama ku dareeme, kuwa nooĉaası waxay nudaha ka qaadaan dhambaallada, geeyaana mas-
Moqorrada iyo xubnaha daloola ee jirka waxa dahaara xuub. Xubkaasi waxay ka kooban yihiin ibitiiliyam waxayna dhiiji. yaan dheecaan dufna xubnaha si ay u qoyaan dulohooda wirwiraya ee sulban. Waxayna is hirtaagaan isxoqa. Jirka wa xa laga helaa saddex xuub oo kala nooc ah:-
1. Xuub saynoofiyal ah, 2. Xuub axal ah, 3. Xuub siirows ah
Xuubka saynoofiyaalka ah
Wuxu dhiijiyaa ama uu siidaayaa dheecaan aad u adag oo u eg xabka cad ee ukunta (ama beedka). Inta badanna wa- xa laga helaa moqorada kalagoysyada si uu u dufno lafaha oo uu u kala ilaaliyo si aanay isku xoqin. Waana xuub liifan oo ay ku dahaaran yihiin unugyo ibitiiliyam ah.
Xuub axal ah (Xuub axaleed)
Xuubkani wuxu dhiiqaa ama siidaayaa dheecaan xabbag ah oo khafiif ah, lana yiraahdo axal. Xuubkani wuxu dahaara.
1. Cunto mareenka laga bilaabo afka ilaa futada.
2. Hawo mareenka laga bilaabo sanka iyo waxa ka hoo- seeya oo dhan.
Kaadihaysta iyo kaadi mareenka. Moqorada uu xuub- kani dahaaro waxay dhammaan ku xiran yihiin maqaarka kore.
Xuub siirows ah
Xuubkani wuxu ka kooban yahay unugyo balballaaran ku waas oo uu ka soo baxo dheecaan biyood oo khafiif ahi oo ka dusa marka dhiiggu guntamayo ee la yiraahdo seeram, waxana laga helaa isaga oo ku dahaaran, moqorada gudaha, sida ubucda iyo saablayda, wuxuna sameeyaa dulo sulban, qoyan oo dhalaa. ya si ay u kala sibadaan marka laba dulood isku wareegaan.
Dhammaad.
W/D: Indha_caad
Comments
Post a Comment