DUUMO (MALARIA)
DUUMO (MALARIA)
Waa caabuq raaca wareegga dhiigga dhibaato daran gaarsiiya unugyada dhiigga cascas .
Noolaha sababa cudurka
waxaa cudurkan sababa ilaa 4 farac oo kamida ilma aragtida borotosowaha ee loo yaqaan:
*(plasmodium) oo kala ah
1:plasmodium falciparum
2:plasmodium vivax
3:plasmodium ovale
4:Maleria Plasmodium
Deegaanada iyo dadyowga lagu arko cudurkan.
Waxa uu cudurka duumada ku dhacaa qiyaastii 40% dadka ku nool adduunka.
Dadka khatarta ugu jira cudurka waxaa kamid ah: carruurta ka yar 5 ta sanno, dumarka uurka leh iyo dadka u safraya meelo uu cudurka si caadi ah uga jiro. Kaneecada waxa ay si fiican ugu noolaataa uguna tarantaa meelaha cimiladu ay kulushahay iyo xilliyada uu qoyaanka badan jiro sida xilli roobaadka, waxayn ku badan dhulka uu maro wabiyada.
Qaabka la isku qaadsiiyo cudurka
Waxaa cudurkan aadamaha u soo gudbisa kaneecada dhadiga ah farac kamida oo loo yaqaan (ANOPHELOUS MOSQUITO) oo dhiig ay la socoto ilma aragtidii cudurka sababaysay ka soo nuugta qof cudurka qaba, kaddib iyadoo isku dayaysa inay qof caafimaad qaba dhiig ka nuugto u gudbisa il ma aragtidii inta ay ku guda jirto quudashada.Kaneecada labka ah laguma yaqaan inuu aadamaha dhiiggiisa quuto oo arrintaas waxay gaar u tahay mida dheddiga ah waxaana loo sababeeyaa in
dhiiggu uu muhiim u yahay qaangaarka ugxanta ku koraysa caloosheeda.
Sidoo kale cudurka waxaa la isku qaadsiin karaa dhiigga lagu shubo qof dhiig u baahan haddii aan laga baarin iyo xubnaha lagu beero aadamaha marka ay xubnihiisii uu lahaa hawl gab noqdaan. Waxaa kale oo suuragal ah in hooyada uurka leh ay ilmeheeda uurka ku jira u gudbin karto cudurka.
Muddo huuriska cudurka uu bukaanku gudbin karo cudurka 7-30 maalmood.
Ilaa inta ay kaneecadu heli karto qof cudurkii qaba oo ay dhiig ka nuugto, cudurka way sii gudbin kartaa. Marxaladaha meerto nololeedka il ma aragtida cudurka duumada (PLASMODIUM).
1: Wareegga ilma aragtidu waxay ku bilaabataa marka ay kaneeco dhiig ka nuugaysa qof caafimaad qaba u gudbiso ilma aragtida oo ku sugan marxalad loo yaqaan (SPOROZOITES). .
2:. il ma aragtidii ku sugnayd marxalada loo yaqaan(SPOROZOITES) waxay ay raacaysaa qofka dhiiggiisa, waxa aynna gaareysaa beerka. .
3: marka ay (SPOROZOITES) gaarto beerka waxa ay bilaabaysaa inay dhexgasho unugyada beerka isla markaana ay taranto.
5: unugyadii beerku way bararayaan kaddib ayay dilaacayaan waxaana ka soo baxaysa il ma aragtida oo u gudubtay marxalad kale oo loo yaqaan (MEROZOITES).
6: ilma aragtidii oo hadda isku beddeshay (MEROZOITES) ayaa waxaa unugyadii beerka ee dilaacay ay ku sii deynayaan wareegga dhiigga, waxa aynna markiiba bilaabeysaa inay weerarto oo dhex gasho unugyada cas cas ee dhiigga, waana
marxaladan marka uu bukaanku bilaabayo inay kasoo muuqdaan calaamadaha lagu yaqaano cudurka Labo farac oo kamida faracyada (PLASMODIUM) oo la kala dhaho (PLASMODIUM VIVAX & PLASMODIUM OVAL) waxa ay ku dhuuntaan beerka oo muddo markuu joogo bukaanku haddana ku soo laba kacleeyaan.
7:hadda ilma aragtidii ku jirtay unugyada cascas dhexdooda way ka gudbaysaa marxaladii (MEROZOITES) waxayna u gudbaysaa marxalad kale oo loo yaqaan (TROPHOZOITES).
8: marxaladaan loo yaqaan (TROPHOZOITES) inta ay il ma aragtidu ku suganatahay waxa ay waxyeelo daran u geysataa unugyada cascas ee dhiigga iyadoo quudanaysa dahaarka kore ee unugyada cascas ee dhiigga oo loo yaqaan (HEOMOGLOBIN).
9: ilma aragtidu inta ay ku dhex jirto unugyada cascas ee dhiigga waxay u gudbaysaa marxalad kale oo loo yaqaan (SCHIZONT), waxa aynna dillaacinaysaa oo ka soo dhex baxaysaa dhammaan unugyada cascas ee dhiigga ee ay ku dhex jirtay. Hadaba dhibaatada baaxada leh ee ay u geysatay unugyada cascas ee dhiigga waa mida sababaysa in bukaanka ay ku dhacdo dhiig yaraan.
10: Haddii faraca ilma aragtidu uu yahay (PLASMODIUM FALCIPRUM) waxa ay ilma aragtidu dhex galaysaa unugyada cascas oo waxay gaaraysa ilaa maskaxda iyadoo sababaysa in bukaanka shaqadii maskaxdiisa uu khalkhal ku yimaado, marmarka qaarna uu ekaado qof qaba cudurada dhimirka..
11: ilma aragtidu waxay u gudbeysaa marxalad kale oo ka duwan kuwii hore, waxayna hadda u qeybsamaysaa lab iyo dhaddig loo yaqaan ( FEMALE & MALE GAMETOCYTES). L
12: Haddaba akhristoow waxaa muhiim ah inaad fahantid in marxaladaan loo yaqaan (GAMETOCYTES) ay tahay marxaladda ay kaneeco markay qofka dhiigiisa nuugto soo qaadi karto.
13: marka ay kaneecada dhaddiga ah soo nuugto dhiigga qofka oo ay la socoto il ma aragtidii oo ku sugan marxalada loo yaqan (GAMETOCYTES) waxay gaarayaan caloosha kaneecada halkaasna waxaa kabilaabanaya meerto marxaladeed cusub. 14: waxaa isku dhegaya dheddigii iyo labkii loo yaqaanay (FEMALE AND MALE GAMETOCYTES) waxayna il ma aragtidu caloosha kaneecada gudaheeda ugu gudbeysaa marxalada cusub oo loo yaqaan (ZYGOTES)
15: caloosha kaneecda gudaheeda waxaa ku qaangaaraysa ilma aragtidii oo hadda ku sugan marxaladda loo yaqaan (zygote) waxayna isku beddelaysaa marxalad kale oo loo yaqaan (OOKENETES).
16:marxalada loo yaqaan (OOKENETES) waxay uga sii gudbeysa marxalad kale oo loo yaqaan (oocystes) oo ah ugxaamo kaddib ugxamahaas ayaa sii deynaya ilma aragti dhaqdhaqaaqi karta oo loo yaqaan (SPOROZOITES).
17: Haddaba marxaladaan (SPOROZOITES) waa marxalada ay kaneecadu marka ay qof dhiiga ka nuugayso u gudbineyso.
18: Xusuuso akhristoow oo dib u milicso tirada koowaad oo ahaa meeshii aan ka soo bilawnay meerto nololeedka ayay meertadu dib ugu laabanaysaa mar kale oo (SPOROZOITES) kii ayaa qof kale dhiigiisa ay ku muddeysaa kaneecadu, waxaana sidaas ku bilaabanaya meertadii aan ka soo sheekeynay
Calaamadaha
1: Qandho(xummadk).
2:Qarqaryo.
3:Madax xanuun.
4:Murqo xanuun.
5:Margiyo xanuun.
6:Kala goysyo xanuun.
7: Laballabo iyo hunqaaco
8: Gariir.
9: Daal badan.
10: Shuban gaar ahaan carruurta.
11:Af-kharaar.
Xakameynta Cudurrada Faafa
Baaritaanka cudurka
1:Calaamadaha iyo cabshada bukaanka iyo sida cudurka duumadu uga jiro deegaankaas.
2: Baaritaanka dhiigga ee loo yaqaan (BLOOD FILM): dhiigga bukaanka ayaa lagu fiirinayaa sheybaarka si loo arko hadii uu nooluhii cudurka sababayay ku dhex jiro unugyada cascas ee dhiigga.
Daaweynta cudurka
1. Faracyada (plasmodium vivax, ovale iyo malaria) waxaa la siinayaa bukaanka CHLOROQUINE (600 mg marka ugu horraysa. Haddana 6 saac kaddib ayuu bukaaanku qaadanayaa 300 mg, haddana 24 saac kaddib ayuu bukaanku qaadanayaa 300 mg, haddana 48 saac kaddib ayuu qaadanayaa 300 mg. Haddaba sidii aan soo aragnay faracyada (plasmodium vivax iyo ovale) waxay ku dhuuntaan unugyada beerka si ay hadhaw bukaanka ugu soo laba kacleeyaan si haddaba loo ciribtiro noocyadaas beerka ku dhuumanaya waa in bukaanku uu qaato PRIMAQUINE (15 mg maalin walba hal wakhti muddo 2 todobaad ah).
2. faracyada (plasmodium falciparum) waxaa la siinayaa daawooyinka soo socda midkood: .I.QUININE 600 mg oo afka laga qaadanayo (3 wakhti maalinkii muddo 5-7 maalin ah. Haddii uusan bukaanka afka ka qaadan Karin kiniinka waxaa la siinayaa: QUININE: oo xiddidka laga qaadanayo, waxaana la siiyaa bukaanada aan daawada afka ka qaadan Karin. Qiyaasta daawo ee lagu bilaabayo (loading dose): 20 mg ayaa lagu dhufanayaa halkii kiilo oo kamida culayska jirka bukaanka tusaale: haddii bukaanka culayska jirkiisu uu yahay 50 kiilo waxay qiyaasta daawadu noqonaysaa sidan; 20 mg 50 kiilo 1000 mg. Waxaa loo raacinayaa daawada faleembo sonkor ah (5% DEXTROSE) waxaana la rabaa in daawada iyo faleembada sonkorta ah ay bukaanka xididkiisa ku socdaan muddo 4 saac ah), Qiyaasta daawo ee la joogteynayo (maintainance).
12 saac kaddib qiyaastii daawo ee lagu bilaabay ayaa waxaa loogu dhufanayaa 10 mg 1 kii kilo oo kamida culayska jirka bukaankaba tusaale: 10mg" 50kilo 500mg. Waxaa loo raacinayaa daawada faleembo sonkor ah (5% DEXTROSE) waxaana la rabaa in daawada iyo faleembada sonkorta ah ay bukaanka xiddidkiisa ku socdaan muddo 4 saac ah), waxaana lagu wadayaa bukaanka qiyaastan daawada la siinayo marka uu 8 saac joogaba (muddo 3-4 maalin ah).
II. ARTEMETHER: kiniin, sharoobo ama irbad muruqa laga qaato (waxaa la qaadanayaa hal wakhti maalinkii muddo shan maalmood ah.
Maalinka koowaad (LOADING DOSE) 1kii kiilo waxaa lagu dhufanayaa 3.2 mg oo daawo ah tusaale: haddii bukaanka culayska jirkiisu yahay 70 kiilo qiyaasta daawadu waxay noqonaysaa sidan: 3.2 mg x 70kg = 224 mg. maalinka 2aad ilaa maalinka 5aad (MAINTAINANCE DOSE) 1kii kiilo waxaa lagu dhufanayaa 1.6 mg oo daawo ah tusaale: haddii bukaanka culayska jirkiisu yahay 70 kg qiyaasta daawadu waxay noqonaysaa sidan: 1.6mg x 70kg = 112 mg.
Ka hortagga iyo xakamaynta cudurka
1. in la xakameeyo cayayaanka kaneecada. 2. In la daaweeyo dadka cudurka qaba
3. In dawooyinka ka hortaga ah la siiyo dadka ka safraya meel uusan ka jirin cudurku unna safraya meel uu ka jiro cudurka.
4. In la baaro dhiigga inta aan lagu shubin qof dhiig u baahan iyo sidoo kale in la baaro xubnaha qof lagu beerayo sida:beerka IWM.
W/D:Indha_caad
Comments
Post a Comment