Casharka 2aad


Noocyada lafaha


Lafuhu waxay u qaybsamaan saddex nooc :-


1. Lafo dhaadheer


2. Lafo balballaaran


3. Lafo qaab ina qumanayaal ah


Lafaha dhaadheer


Lafta dheeri waxay ka kooban tahay ul dhexe oo dheer oo labada madax u buuran, iyo carjow ku taal madaxyada oo ah meelaha kalagowsyada. Lafta dhexdeeda waxa ah moqor dushana waxa kaga daaharan xuub beeriostiyam ah.Usha dheer ee laftu waxay ka dhisan tahay nudo cufan, waxayna tiir u tahay madaxyada, culayska badankiisuna wu- xu ku dhacaa usha dhexe, inkasta oo ay hoosta ka xordan tahay.Madaxyadu waxay ka samaysan yihiin laf ruuganta oo daldaloosha oo uu ku jiro dhuux casi. Dushooda waxa ku dahaaran carjow hayaliin ah si labada lafood ee isku wareega-yaa aanay isu xoqin. Beeriostiyam oo ah xuub cad oo liifan ayaa dusha kaga xeeran lafta, kalagowsyada mooyaane. Seeda- ha isku xira muruqyada iyo lafaha ayaa ku dhegsan xuubkaas. Xuubkaasi wuxu ku dheggan yahay lafta, bogga hoosena wuxu ku leeyaha, ugyo laf dhisayaal ah iyo xiddido dhiig. Sidaa darteed, wuxu kaalmeeyaa dhismaha iyo kabitaanka lafta wu- xuna nafaqeeyaa unugyada lafta.


Moqorka dhuuxa iyo marinada haarfes waxa ku wareegsan xuub unugyada uu ka dhisan yahay isu beddeli karaan unug- yo laf dhisayaal ah, marka ay timaado baahiyo.


Koritaanka lafta dheer


Lafta dheer koristeedu waxay ka bilaabantaa saddex mee- lood, labada madax iyo meel usha ah. Waxa hor bilaabanta meesha usha isla inta ilmuhu ku jiro uurka. (Toddobaadka lixaad ayaa samayska laftu bilaabmaa). Marka ilmuhu dha- sho dabadeed, waxa kora meelaha madaxyada howshooduna waxay bilaabantaa marka ilmuhu afar ama shan bilood jiro. Meesha ushu, waxay kordhisaa dhererka lafta, labada meelood ee madaxyadu, waxay kordhiyaan ballaarka, howshooduna wa- xay socotaa ilaa laba iyo toban jirka. Marka uu dhammaado lafowga madaxyadu, meelahaasi way baaba'aan waxana ka soo harta laba liidimood oo u dhexeeya madaxyada iyo usha. Liidimahaas carjowda ah ayaa keena koridda lafta ee dhererka. Marka fidida baalaha ee laftu (18 ilaa 25 jirka) ay istaagto way baaba'daa carjowdaasi wayna lafowdaa.


 1. Xubinta lafowga ee madaxa sare 2. carjow 3. xu- binta lafowga ee usha 4. Carjow 5. xubinta lafowga ee ma- daxa hoose 6, lbifisi 7. dhayafisis.


Lafaha balballaaran


Lafaha balballaarani waxay ka dhisan yihiin laba lakab oo ah laf ruuganta oo uu u dhexeeyo lakab ah laf cufan. Dusha waxa kaga dahaaran xuub beeriostiyam ah oo ay dhex ma- raan halbowlayaal iyo aroorayaal u keena nudaha cunto kana qaada qashinka. Lafahaasi waxay ku yaaliin madaxa, dhabar- ka, garabka iyo misigta. Lafaha madaxa iyo riciruhu waxay gaashaan u yihiin nudaha jiljilicaan ee maskaxda iyo xangu- lada. Lafaha garabka iyo misigtuna waxay leeyihiin meelo ay ku dhegaan muruqyada dhaqdhaqaaqiya kalagowsyada indhaha ee garabka iyo misigta.


Lafaha qaab-ma-qumanayaasha ah.


Lafaha qaab-ma-qumanayaasha ahi

Waxay ka dhisan yihiin laf weyn oo ruuganta oo ay dusha kaga wareegsan tahay lakab ah laf cufan. Lafta cufan waxa kale oo dusha kaga sii dahaaran xuub beeriostiyam ah oo ay maraan xididdo dhiig oo cunta u keena nudaha kana qaada qashinka. Lafahaasi wa- xay ku yaaliin madaxa, dhabarka, (riciraha), jalaqlayda iyo canqowga (cumaacumha).


Lafaha taxa gucmaha


Lafaha gacmaha ee isku taxani waxay ka kooban yihiin:


1. Kalxanta


2. Garabka


3. Cududa


4. Kalka suulka


5. Kalka fog yarada


6 Cumaacumaha oo ka kooban 8 lafood oo sameeya kala gowska jalaqlayda.


7. Cumaacuma fareed oo ah 5 lafood oo sameeya kalagow- ska jalaqlayda waxayna sameeyaan calaacasha gacanta.


Kalxanta


Kalxantu waa laf dheer oo u qaab eg erayga S. Cidhifka hore waxay kaga dhegan tahay sakaarka, ka dambana waxay kaga wareegtaa garabka. Kalxantu waxay ku taalaa saablay- da xageeda sare waxaana ka sareeya oo qura maqaarka. Waa lafta keli ah ee isku xirta gacmaha iyo duudka. Waayo garab- ku kuma xirna. Feeraha iyo laf dhabarka toona, sidaas dar- teed kalxantu waxay tiirisaa garabka, kuna xejisaa meeshiisa.


Garabka


Garabku wuxu u'eg yahay saddex xagalay ballaaran, wu- xuna ku yaal feeraha dushooda oo saablayda gadaasheeda ah. Waxa ku yaala muruqyo ku xiran feeraha iyo laf dhabarta si ay ugu adkeeyaan meeshiisa. Bogga dusha xiga ee garabku wuu xordan yahay, dhexdana waxa ka marsan laf liidan oo ay ku dhegaan muruqyada garabku. Bogga xiga feeruhu wuxu leeyahay tuur, si feeruhu u helaan meel ku filan. Garabka madaxiisa hore waxa ku yaala moqor (moqor garbeed) uu Ka- ga wareego madaxa goobeysan ee cududa, halkaas oo kala gow- ska indhaha ka sameysmo ee gacantu. Lafta liidan ee dhex marta garabka waxay xagga hore ku leedahay madax ku dul janjeera moqorka garabka, oo ku wareega kalxanta, waxana loo yaqaan moqor kalxaneed. Madaxaas gadaashiisa waxa ka- le oo ku yaala laf qoolaaban. Labada madax ee aynnu kor kaga soo sheekaynay waxa ku dhega muruqyada isku adkeeya mo- qorka garabka iyo madaxa cududa.


Lasoco


W/D:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad