Habdhiska qalfoofka
Casharka 1aad.
Laf dhabarlayda oo dhani waxay leeyihiin qalfoof gudeed taas oo ay kaga duwan yihiin xayawaanka hoose oo leh qalfoof dabadeed.Qalfoofku wuxu tiiriyaa jirka, wuxuna suurto ge liyaa dhaqdhaqaaqa jirka.
Hawsha Qalfoofka
1. Wuxu leeyahay jirka u yeelaa.
2. Wuxu leeyahay meelo u gogol xaaran, muruqyada keena dhaqdhaqaaqa organada iyo qaybaha jirka.
3. Wuxu gaashaan u yahay organnada jilicsan ee jirka, tusaale wadnaha iyo organka saablayda oo dhanba, oo feeruhu ay gaashaan u yihiin.
4. Wuxuu kaydshaa jirka, macdanta.
5. Dhuuxa lafaha dhaadheer waxa ka dhasha unugyada cas-cas ee dhiigga iyo kuwa cad-cad.
Habdhiska qalfoofku wuxu ka kooban yahay 206 lafood oo mid kastaa ay dhowr hawlood qabato. Tusaale: Laf dhabar- ta, isku xira (taxa) garabka, isku xira misigta iyo lafaha lu- gaha iyo gacmaha, mid waliba jirka ayay tiir u tahay, isla mar kaana qaab ayay u yeeshaa.
Sidaas oo kale ayaa lafaha gambada madaxa ay gaashaan u yihiin maskaxda, madaxana qaab ayay u yeelaan. Sam- babada, wadnaha iyo beerka waxa gaashaan u ah feeraha, jirkana waxay u yeelaan qaab.
1. Gambada 2. kalxan 3. garab 4. cudud 5. kalka suul-ka. 6. Falka far yaraga.7. Misig(sin) 8.bowdo 9.kuraan 10. Goofka isha. 11 sakaar 13. Feer 14. Laf-dhabar. 14
daba dhilif 15, cumaacumo 16. cumaacumo fareed, gacmeed 17. faro 18. kal far yar adin 19. kal suul adin 20. cumaacum 21. cumaacum fareed adin 22. faro.
Dhiska lafta
Marka koritaankeedu dhammaado ee ay lafawdo waxay u qaybsantaa laftu, laba saddexeed macdan ah, iyo hal sadde- xeed maatar xoolaad ah.Qaybta macdanta ahi waxay u badan tahay kaalsiyam fosfayt iyo saami yar oo cusub magnisam ah. Qaybta macdan- ta ahi waa waxa adkeeya lafta. Qaybta kale oo keenta lafta: liifanta, waxay ka samaysan tahay walax liifan.
Haddii lafaha dhaadheer midkood aynnu dherer u kala jeex- no waxaynu arki karnaa qaybaha ay ka dh'san yihiin lafuhu. Dusha sare waxa kaga dahaaran xuub adag oo beeriostiyam ah, xuubkaas waxa dhex mara xididada dhiigga oo nafaqo u geeya lafta. Waxa uu xuubkaasi taageeraa kabitaanka lafta qoomanta, dushiisuna waxay leedahay meelo muruqyadu ay ku dhegaan. Xuubkaas waxa ka xiga lakab laf ah oo qarariidu kala duduwan tahay, kana samaysan macdan. Dhex- da way ka adag tahay labada madaxna way ka jilicsan tahay Xuubka sare iyo laftuba waxay leeyihiin daldalool dhex mara oo loo yaqaan marinada haarfes. Marinadaas waxa mara xididada dhiigga ee lafta.
Lafta dhexdeeda waxa ah moqor uu ku jiro dhuux, oo ay ku bada yihiin xiddida diiigga iyo dareen- wadayaal. Wuxuu u qeybsamaa dhuuxa laba. Dhuux cas iyo mid woob ah. Dhuuxa casi wuxuu ku jiraa lafaha balballaaran sida lafta sakaarta, feeraha, iyo madaxyada lafaha dhaadheer iyo riciraha. Dhuuxaasi cas waxa ka sameysma unugyada cas-cas ee dhiigga iyo kuwa cad-cad badankooda. Dhuuxa woobka ahi wuxuu ku jiraa daloolada lafaha dhaadheer iyo marinada haarfes. Dhuuxaasi hawl uma qabto lafaha, hase yeeshee waxa ka sameyma unygyada dhiigga, marka qofla dhiig baxo ama dhiiggiisu xumaado( anemia).
Noocyada nudaha lafaha.
Nudaha lafaha waxay ka sameysan yihiin lab.
1: nuda cufan oo adag. 2. Nude ruugma.
Labada noocba waxay ka unkamaan liidmo yaryar oo macdan ah oo la yiraahdo laamella.Nudaha ruugma waxay ka dhisan yihiin liidmo dhereran, dhexdeedaduna ay banaan tahay, oo uu ku jiro dhuux casi. Nudaha cufanise waxay ka sameysan yihiin liidmo fara badan oo goobaaban kuna wareegsan marinada haarfes waxay leedahay moqoro yaryar oo u dhexeeya liidimaha. Moqoradaasi oo la yiraahd laakuna waxa ku xiran marinada haarfes. Moqorkii waliba wuxuu leeyahay unug leef dhexe heehaabaya liidmo oo ku wareegaaleysta marindaas una geeya unugyada lafta, cunto kana qaada qashinka.
Koritaanka Lafta
Laftu waxay ka samaysan tahay isku dhaf ah unugyo nool, waxyaalo ka yimid unugyadaas, iyo macdan. Sida unugyada Jírka kale ee nooli ay ugu baahan yihiin nafaqo ayay iyana ugu baahan yihiin.
Laf dhabarlayda oo dhan qalfoofkoodu wuxu ka samaysan yahay carjow, marba marka ka dambaysa sii adkaata. Sidaas oo kale ilmaha(carruurta) ah qalfoofkoodu waa carjaw la korta oo sii lafowda marka ilmuhu sii koroba.Marka ilmuhu bil jiro ayaa unugyada carjowda waxay u beddelmaan unugyo lafeed. Unugyadaasi waxay dhiigga ka soocaan kaalsiyam, fostayt iyo kaalsiyam kaatboonayt oo ay ku daraan carjowda si ay u lafowda. (Habkaasi ayaa yaqaan lafoobid) waxase jira carjowyo aan lafoobin sida ba- caraarka sanka, dhegta inta debedda, gidaarada hunguriga cad, kurxinta codka iyo garabka carjowdiisa.
Lafaha oo dhani kama soo koraan carjow, tusaale waxa u ah lafaha balballaaran ee gambada madaxa iyo sakaarka oo iyaklgu markood hore ka samaysan lakabyo xuubab an oo kaddib lafooba. Lafaha gambadu iskuma dhegana marka ilmuhu dhasho, markase uu koro, waxa isqabsada ilkaha kala gooysya- da. Kaalsiyamka oo ah waxa lafa adkeeya waxa laga heli karaa caanaha, ukunta iyo khudrada cagaaran. Biyaha qa-raar (adag) waxa ku jira cusbooyin badan, jirkuse ma istic- maali karo ilaa ay timaado baahi. Dumarka uurka leh waa inay ku badan tahay cuntada ay cunaan kaalsiyam, haddii kale kaalsiyamta ilkahooda iyo lafahooda ayaa ku milanta dhiigga kuna biira dhiska ilkaha iyo lafaha ilmaha ku jira uurka, ko- ritaanka ilkaha iyo lafaha waxa kale oo ay u baahan yihiin foosfras oo laga helo, hilibka, ukunta, iyo kalluunka, iyo fiita- miin D oo laga helo baruurta kalluunka, baruurta xoolaha (haddaan qorraxda laga qarin), caanaha, labeenta iyo bur- cadka.Cayaaraha iyo jimicsigu waxay kordhiyaan wareegga dhiigga ee tegaya unugyada muruqyada, taas oo kordhisa nafaqayn- ta unugyada lafaha iyo koritaan kooda.Koritaanku laftu wuxu aad u dheereeyaa meelaha cadaa- dis jiro. Haddii lafi jabto, kabniinyaha lasaaro ama lagu duu- baa waxay kordhisaa dhakhsaha laftu dib u korayso. Haddiise aan la duubin waxa dhacda dhiiggu dib u soo nuugo macdan- ta lagu kabilahaa jabniinka oo uu meel kale geeyo.
Lasoco....
W/D: Indha_caad
Comments
Post a Comment