Waa maxay cuddurka kaduudshaha { chikungunya}?:
Kaduudshaha waa caabuq laga qaado kaneecada waxaana badanaa sababo fayruskaan lagu magacaabo chikungunya virus dadka waxay ka qaadaan markii kaneeco cudurka qabto qofka ay qaniinto, sidaas ayuu qofku saameyn ugu yeelanayaa cuddurkan
Calaamadaha ugu badan ee kaduudshaha ayaa waxaa kamid ah qandho iyo lafo xanuun wadda socdo oo kala goysyada ah.
Calaamadaha kale ee cudurkaan qofka lagu arki karo waxaa kamid ah madax xanuun, murqo xanuun, iyo kala goysada oo bararo, iyo finan.
Cudurkaan markiisii ugu horreysay adduunka qaaradaha uu ka dilaaco ayaa waxaa kamid ahaa, Africa, America, aasiyada, yurub, badwenta hindiya iyo baasiifig.
Laakiin waxaa jirta qatar ah inuu ku faafo meelaha uusan horrey saameynin dadka qabo cudurkaan ee safarka ah inay gaarsiin karaan.
Calaamadaha cudurkaan kaduudshaha:
Inta badan dadka uu kudhaco cudurkaan waxay yeelan doonaan calaamado. Calaamadahuna badanaa waxay bilowdaan 3-maalmood kaddib markii ay kaneecada cudurka qabto qaniinto qofka.
Calaamadaha ugu caansana sidaan horray usoo sheegnay waa:
1: Qandho iyo Lafo xanuun wadda socdo oo kala goysyada ah.
2: Calaamadahada kale waxaa kamid ah madax xanuun, murqo xanuun, barar kala gosyada ah ama nabro.
Dadka halista ugu badan ugu jirto cudurkaan waxaa kamid ah dhallaanka cusub ee qabo cuddur waqtiga dhalmada. Dadka waweyn, ee da'adoodu ka weyn tahay 65 sanno,iyo dadka qabo xaaladaha caafimaad sida dhiig karka, cudurka macaanka, ama dadka qabo cudurada wadnaha.
Dadka cuddurkaan uu ka dhigo bukaan jiif, badkood waxay dareemaan ka soo reyn reyn isbuuc gudahiis.
Si kastaba ha ahaatee xanuunka kala goysyada wuxuu noqon karaa mid daran oo naafo qofka kadhigo waxaana laga yaabaa inuu jiro bilo.
Balse inaad udhimato cudurkaan kaduudshaha waa dhif waayo ma badno dadka udhinto.
Xilli huuriska cuddurkan
Muddada cuddurka soo muuqanayo
2-12 maalmood gudahooda.
Sidee ku ogaan kartaa xanuunkaan kaduudshaha?:
Haddaad ku nooshahay goob lagaha helay xanuunkaan kaduudshaha waa inaad la tashataa bixiyaha daryeelaha caafimaadka ama dhakhtarkaada, ama haddii calaamadaha aan kor kusoo sheegnay isku aragtay...
::Si loo ogaado xaaladada caafimaad usheeg dhakhtarkaada goorta iyo meesha aad ubaxday maalmahii udambeyaya ama usafartay.
:: Dhakhtarkaadu waxaa laga yaabaa inuu kuu diro baaritaano dhiigga ah si loo eego cudurkaan kaduudshaha in dhiigaadu ku jiro ama xanuunkale ay macquul tahay inay dhici karaan sida dengue iyo zika.
Baaritaanka cudurka
1. calaamadaha iyo cabashooyinka bukaanka
2. Jiritaanka cuddurka kaduudiyaha ee deegaankaas 3. LYMPHCYTE COUNT: hoos u dhac laga dareemo unugyada difaaca jirka ee loo yaqaan:LYMPHOCYTES.
4. POLYMARASE CHAIN REACTION (PCR): gudaha
fayraska lagu arko dhiigga bukaanka waa baaritaanka kaliya ee lagu hubin karo
cuddurkan.
Daaweynta cuddurka
1. PARACETEMOL: si loo dajiyo qandhada iyo
xanuunka bukaanka
Ogeysiin: daawada ASPIRIN iyo IBUBROFEN lama siin karo bukaanka maadaama ay jirto cabsi laga qabo dhiig bax, daawooyinkana ay fur furan xinjirta dhiiga.
2. Bukaanada aad ula liita kala goysya xanuunka waxaa la siinayaa: RIBAVIRIN: 30 mg / 1 kii kilo ayaa la siinayaa marka ugu horraysa, kaddib 16 mg/ 1 kii kiilo afar wakhti maalinkii muddo 4 maalmood ah, kaddib 8 mg / 1 kii kilo saddex wakhti maalinkii muddo 6 maalmood ah.
Ka hortagga iyo xakamaynta cudurka.
Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo cudurkan waa in lala dagaalamo cayayaanka kaneecada sida: in laga saaro biyaha meelaha ay fariistaan oo xaafadaha u dhow, in la buufiyo kaneecada iyadoo la isticmaalayo sunta cayayaanka.
W/Q:Dr Cabaas Tuuryare
W/T:Indha_caad
Comments
Post a Comment