Qallal
Waxa muhiim in aynnu fahanno labo erey
1= Seizure (suuxdin) waxa la isticmalaa marka ay timaado xaalad suuxdin taas oo aan qofka hore logu ogeyn laguna tilmaami karin inuu leyahay qalal.
2= Epilepsy (suuxdin) waxa loo isticmala xaalada uu qofkani labo iyo wixii ka badan horre u sameeyay suuxdin taas oo lagu tilmami karo qofkasi inuu leyahay qalal.
Xanuunka suuxdimuhu waa xaalad ku keenta qofka gariir soo noqnoqda kiddib dhaawac soo gaadhasiiya maskaxda kasoo keenay khalkhal ku yimid habkii ay maskaxdu u diraysay ama ay u helaysay farriimaha. Waxa jira noocya badan oo qalal ah. Dadka qaarkiisa waa la aqoonsan karaa sababta keentay qalalka. Kuwa qaarna lama yaqaanno sababta ku keenta qalalka. Waa cuddar caan ah qalalka, 26kii qofba waxa qaba 1 qof, sida ay xaqiijisay cilbaarsisyo ay sameysay ururka{ epilepsy foundation}. Qalalka waxa uu sameeyaa dhammaan dadka haddii ay ahaan lahayd carruurta, da,dhexaadka, iyo duqowda.
Sarcad{ seizure} calaamadaha ay leedahay aad ayay u kala duwanaan karaan. Dadka qaar waxay lumiyaan miyarqabka inta lagu jiro qalalka. Dadka waxay yeelanayaan dhaqdhaqaaq gacmaha ama lugaha, iyo in lagu arko gariir ama in murqaha isku soo ururaan si awood leh aynna dabci waayaan. Qofka haddii uu suuxo taasi macnaheeda ma aha inuu qabo qalal. Mararka qaar waxa u baahan karaa qofka dawooyin in la siiyo, mararka qaar waxa u baahanayaa qaliin si loo xaddido sarcada. Kuwa qaar daweyntooda waxay u baahanayaan noloshooda oodhan. Qaarkoodna marka ay dawooyin qaataan waa ay ka bogsadaan. Marka meesha laga saaro wixii keenay ama sababayay loona ya qaan (seizure.) sida
1.Sonkorta jidhka oo yaraata.
2.macdanaha jidhka oo yaraada ama koradha.
3.caabuq in ladaweeyo kahor intaanu dhaaca sababin
iyo waxyaba maandooriyaha
balse mararka qaar waxa uu noqon kara joogto (epilepsy) waanu soo noqnoqdaa badanaana lagama bogsado.
Carruurta maxaa ku keenna sarcada.
Dhawac soo gaadha xilliga uurka uu ku jiro ilmuhu, ama uu dhalanayo, ama ilaa 2 sanno ee horre ee ay maskaxdu korreyso.
Caabuqa maskaxda ku dhaca,xanuun uu ku dhasho oo dhaca marka uu ilmuhu samaysamayo ama hiddo ah iyo xumad aad u daran.
Dadka waa wayn maxaa ku keenna sarcada.
*Caabuuq maskaxada ku dhaca.
*Kansarka ku dhaca maskaxda.
*Dhan qalal ama faalig.
*Jugta soo gaadha madaxa taasoo maskaxda wax yeelo ku keenta.
*Waxyaabo aan wali la ogaan ( idiophatic).
Qalalku wuxuu socdaa muddo yar oo daqiiqado ah, dadka qabana ma xukumi karaan jirkooda marka qalalku jiro. Haddii cunnugu hal mar oo kaliya uu qalalay ama suuxay lama oran karo waa qalalaa ilmahaasi, laakiin haddii ilmahu mar ka badan qalalay waa lagu tilmaami karaa qalal.
Waxa dhacda dadka qaba qalalka inuu isbeddel ku yimaado hab-dhaqankooda.
Waxa laga yaabaa inay yeshaan calaamado la xidhiidha dhimirka.
Sarcada waxaa loo qeybiyaa labo qeybood.
1: qeyb gaar inuu saameeyo isagoo aan ogaalka ka tageyn. Sarcada noocan ma keento ogaal la’aan, waxa laga yaabaa inuu isbeddel ku yimaado dareenka qofka, qaabka qofkaasi wax ugu muuqdaan, urta, dareenka, dhadhanka, ama ay dhawaaqo(qeyliyo). Sarcada noocani waxa laga yabaa inay keento xakameyn la’aan gariir kaasoo lagu arko qeybo kamid ah jirka, sida cudduda ama lugaha, calaamadaha kale lagu arko wax aka mid ah jiriiricyo, dawaqaad.
2: inuu hawl gabiyo ogaalka qofka. Qalalkani waxa uu saameyn ku leeyahay inuu isbeddelo ogaalka qofka uu miirdaboolmo, inta lagu gudda jiro xaaladani waxa dhacdaa in qofka sameeyo dhaqdhaqaaq, inuu gacmaha isku xoqo, in aad moodo inuu wax calalinayo, inuu u socdo si wareeg ah.
Sarcada gaarka saameysa waxa lagu qaldi karaa xanuuno badan, sida goonjabka, xanuunnada dhimirka. Si loo aqoonsada xanuunkani waxa loo baahan in la sameeyo baaritaan, looga saaro xanuunada kale qalalka.
Waxaa loo qeybiyaa sarcada seddex.
1: frontal lobe seizures; waxay ka bilaamataa aaga hore maskaxda, waana qeybta maskaxda kamid ah taasoo xakameysa dhaqdhaqaaqa, sarcadani waxay keentaa in qofka madaxiisa iyo indhihiisa dhinac u dhaqaaqaan hal dhinac. Marka lala hadlo wax jawaab ah ma bixinayo, xitaa waxa suuragal inay qeyliyaan ama qoslaan. Waxyaabaha kale lagu arki karo waxa kamid ah in qofka sameeyo dhaqdhaqaaq soo noqnoqda, ama dhaqaaq sida baasikiilka oo kale.
2: temporal lobe: qeybtani waxay isku habeysaa dareenka iyo waxay door muhim ka qaadataa xusuusta gaaban. Dadka xaaladan leh waxay la kulmaan suuxdin ka horeysa qalalka loo yaqaano {aura}. Aura waxa ka mid ah in si dagdag dareenkiisa isku beddelo, sida cabsi ama farxad. Inta lagu gudda jiro marxaladani qofka waxa uu luminayaa dareenka ogaalka halka uu joogo qofka, in lagu arko dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn ay ku sameeyaan farahooda.
3: occipital lobe: qeybtani waxay saameyn ku yeelaneysaa araga, sida dadka wax u arkaan. Dadka qaba sarcada noocan ah waxay leeyihiin dhallanteed{ mala’awaal}, waxa laga yaabaa inay lumiyaan dhammaan araga ama qeybo kamid araga.Tani qofka waxa ay kuuneysaa inuu libiqsado ama inuu sameeyo dhaqdhaqaaq xagga indhaha.
Sarcadda guud.
Sarcada waxay ka soo muuqaneysaa dhammaan goobaha maskaxda taasi waxa lagu magacaabaa sarcadda guud.
1: maqnaasho sarcadeed; qofka waxa lagu arkayaa inuu ku dheygago meel bannaan iyo dhaqdhaqaaq gaaban, dhaqdhaqaaqani waxa la socda in qofka il libirsado, ama inuu dherbaaxo bishimaha waxa aynna socotaa 5 ilaa 10 daqiiqa oo kaliya. Sarcaddani waxay keentaa inuu qofka ogaalkiisa uu lumo.
2: tonic seizure: sarcadani waxay keentaa in murqaha adkaadaan, waxa laga yaabaa inay saameyso miyirka. Sarcaddani badanaa waxay saameyn xooggan ku leedahay murqaha dhabarka, cuddaha, iyo lugaha, waxaana keenna in qofka ku dhaco dhulka.
3: atonic seizure: waxa ay keentaa in uu qofka lumiyo xakameynta muruqa, maadaama ay tani inta badan saameyso lugaha, waxay keentaa xaalad dag dag oo lama-filaan ah ama inuu qofka ku dhaco dhulka.
4:clonic seizure: waxay la xiriirtaa dhaqdhaaqyada soo noqnoqda ee murqaha. Badanaa waxa uu saameyaa qoorta , wajiga, gacmaha.
5: myoclonic seizure: waxay badanaa u muuqaneysaa gariiryo gaagaaban oo dagdag ah, waxay saameysaa qeybaha saree e jirka, gacmaha iyo lugaha.
6: tonic-clonic seizure: waa nooca ugu darran, waxay sababtaa miyirbeel lama filaan ah, qallafsanaan xagga jirka, gariir. Mararka qaar waxay lumiyaan xakameynta kaadida ama inuu qofku qaniino carrabka.
Waxa sababa sarcadda.
1: inay dhaxal ku timaado
2: madaxa jug soo gaadha.
3: inuu saameeyo hambaabuq{infection}.
4: waxyaabaha qaar ee keenna aan la qoon.
Calaamadaha.
1: jahwarer.
2: murqaha oo adkaada.
3: xakameyn la’aan dhaqdhaaqeed gacmaha iyo lugaha.
4: qofka inuu ogaalka uu ka tago.
5: in lagu arko calaamadaha dhimirka, isku buuq, iyo cabsi.
Waxyaabaha kiciya.
Waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo si caam ah u kiciya hawlgabyada maskaxda.
Tusaalooyinku waa ciriiri nafsadeed, caajis fara badan, hurdada oo la iska arbusho, aalkolo xad dhaaf ah, cunto seegid, iyo qaadasho la’aanta daawada qallalka loo qoray. Hawlgabyada maskaxda ee uu kiciyey nal biligleynaya, (ee loo yaqaaanno u nuglaanta ileyska), ayaa ah kuwo dhif ah, iyagoo saameynaya oo keliya boqolkiiba 5 ee dadka qallalka qaba.
Sidee baaritaanka loogu sameeyaa.
Ma jiro hal baaritaan oo wax looga ogaan kara qallalka inkastoo ay jiraan qaar caawinaad ka geysan kara.Waxa ugu muhiimsan ee la isticmaalo go’aan ka gaaridda haddii uu qof qallal qabo waa astaamaha waxa ay la kulmi jireen. Baaritaannada ee sidoo kale inta badan la isticmaalo waa
baaridda dhiigga, EEG (electroencephalogram), a CT (computer tomography) ama sawirka MRI (magnetic resonance imaging).
Daaweynta qallalka
Habka ugu weyn ee qallalku waa daaweynta daawada qallalka lidka ku ah( Anticonvulsants?.
Iyadoo ay la dooranayo daawada la helayo, ay suuragal u tahay dad badan in hawlgabkooda maskaxda si buuxda loo xakameeyo, marka ay helaan daawada ugu wanaagsan iyo qaadashada saxda ah.
Qalliin maskaxeed iyo dareen gelin xiddid .
Sidee ugu sameyneysaa qof qaba qallalka gargaar dagdag ah..
1: Ka fogeyn waxyaabaha dhaawaca u keeni kara.
2: Madaxa wax u gali sida barkin.
3:Xasuusnow wakhtiga haddii uu gariirku kabato 5 min uqaad goob caafimad.
4:Ha isku dayin inad joojiso gariirka.
5:Waxba afka hakasiin, sida biyo , sharaab , daawo iyo iwm ilaa uu miyirsanayo.
6:U seexi dhinaca bidix si uu neef u helo.
7:Ka dabci ama ka khafiifi dharka uu xidhan yahay sida suunka.
Tixraaca:Mayo clinic iyo ila kale.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment