Habdhiska dareenwadka jirka (nervous system)
Habdhiska dareenwadka jirka (nervous system)
Casharka 1aad
Habdhiska dareen wadka jirka bani’aadamka waa mid kamid ah habdhisyada ugu qaalisan ee jirka bani’aadamka kuwaas oo shaqooyin farabadan ka qabta jirka bani’aadamka, habdhiskaan wuxuu isku xiraa guud ahaan jirka oo dhan, habdhiska dareen wadka ayaa ogaada jirka oo dhan waxa falcelin ka bixiyaa is beddelada ka dhaca jirka gudahiisa iyo bananaakiisa. Habdhiska dareen wadka waa dareen qaade isku xiran kuwaas oo dareenka u dhaliya jirka, waxay wadaan mowjado farriin ah kuwaas oo ka soo qaada maskaxda iyo taxanaha laf dhabarta isla markiina u gudbiya murqaha iyo qanjirada jirka, sidoo kale waxay maskaxda dib ugu soo celiyaan farriimaha ay ka soo qaadaan guud ahaan jirka oo dhan haseyeeshee dareenwadeyaasha waa weyn waa kuwa u socda kor iyo hoos ayagoo shaqo kala duwan ka qabta jirka. Habdhiskaan waxay si guud iskula shaqeeyaan habdhiska qanjirada jirka waxayna xoojiyaan aynna ilaaliyaan howlaha muhiimka ah ee xubnaha jirka ay qabtaan, waxay kaloo ilaaliyaan jirka in uu isku dheellitirnaado sababtoo ah habdhiska dareenwadeyaasha waxay fal celin deg deg ah ka bixiyaan wax walba oo jirka taabto ama uu dareemo.
Habdhiska dareen wadka jirka ayaa ka shaqo badan marka loo fiiriyo habdhiska qanjirada jirka sababto ah falcelinta ay ka bixiyaan habdhiska dareen wadka waa kuwa si dhaqsi leh ku gaara jirka laakin habdhiska qanijrada waa mid gaaban farriinta uu u gudbiyo jirka sababtoo ah waxay qaadaneysaa waqti dheer. Habdhiskaan wuxuu ka kooban yahay maskaxda (brain) laf dhabarta (spinal cord) iyo qeybaha habdhiska dareen wadka jirka oo idil marka laga reebo kuwa maskaxda iyo laf dhabarta waxayna ka dhax shaqeeyaan meelaha ka fog barta laga xakameeyo dhammaan dareenwadeyaasha jirka (peripheral nerves). Habdhiska dareen wadka waxaa loo qeybiyaa laba qeyb oo waa weyn sida habdhiska dhexe ee dareen wadka jirka (central nervous system )iyo habdhiska dibad ubaxa (peripheral nervous system). Habdhiska dhexe ee dareen wadka jirka (centralnervous system) waa meesha ama halka ay maskaxda iyo laf dhabarta ay ku kulmaan waxayna ka soo hor jeedaan habdhiska dareenwadeyaasha jirka iyo dareen wadaha laf dhabarta dhammaantooda waxay masuul ka yihiin is dhexgalka, habeynta iyo wax qabadka dhammaan dareenwadeyaasha jirka oo idil.
Peripheral nervous system:- waa qeyb kamid ah habdhiska dareen wadka jirka waana habdhis u taagan si gaar ah oo ay ku jiraan dhammaan dareemaha ka dhaca dibada habdhiska dhexe ee dareen wadka shaqadooda ugu horreysa waxay tahay isku xirka habdhiska dhexe ee dareen wadka jirka iyo xubnaha adimada iyo maqaarka, dareenwadeyaashaan waxay ku yaalaan banaanaka hore ee habdhiska dhexe ee dareen wadka jirka. Dibad u baxa( Peripheral nervous system) wuxuu ka kooban yahay dareenwadeyaasha loo yaqaano cranial iyo spinal nerves. Cranial nerves:-waa laba iyo taban dareen wade kuwaas oo si toos ah uga imaada ama uga soo baxa maskaxda, waxayna farriinta ku soo daraan dareenwadeyaalka laf dhabarta kuwaas oo loo yaqaano spinal nerves. cranial nerves waa dareenwadeyaal ka kooban ilaa labo iyo tobbanka dareenwade ee jidhka.
1: Olfactory nerve: waa dareenwade masuul ka ah wax urrinta waxa uu ka sameysan yahay xiidmo xuub ah kaa soo aqbala urta, kunna yaala sanka gadaashiisa, kana sii gudba labada dalool oo ku yaala dhanka basadda, kuwaas oo sameeya dhuunta, dareenta, dareen wadka uu maro sii uu dib ugu soo noqdo maskaxda.
2: Optic nerve: waa dareenwadaha labaad kaasoo masuul ka ah araga indhaha dareenwada kasta waxa uu ka kooban yahay xiidmo milyanis ah oo farriin qaada iyo unugyo xuubka isha ku yaala, inta uusan gaadhin maskaxda waxa uu sii dhex maraa basadda madaxa, waanna wakhtiga uu dhasho araga hasayeshee waxa jira dareenwade kale oo lagu magacaabo “opthlamic nerve” dareen wadahaan waxa uu masuul ka yahay inuu dareen soo garsiiyo isha iyo xubnaha ku agyaala agagaarkeeda sida sanka, sunniyaha iyo maqaarka basadda.
3: Oculomotor nerve : waa dareenwade xiidmo dhaq-dhaqaaqda leh oo ku yaala, murqaha isha iyo agagaarkeeda, waxay masuul ka yihiin, koontoroolka bikaacada isha iyo xuubka daboola, waxay kaloo masuul ka yiihin dhaq-dhaqaaqa isha iyo difaacooda.
4: Trochlear nerve: waa dareen wadaha afaraad kaasoo masuul ka ah dhaq-dhaqaaqa indhaha.
5: Trigeminal nerve: waa dareen wadaha shannaad ee ugu weyn dhammaan dareenwadayaasha jirka waxa uuna u kala baxaa seddex qeyb oo kala ah dareen wadaha indhaha, dareenwadaha wajiga iyo midka ilkaha quudiya, murqihiisa ayaa masuul ka ah in ay ilkaha wax calalliyaan marka ay farriin ka helaan dareen wadaha jir dhaq-dhaqaaqa sameeya, halka kuwa kale ay masuul ka yiihiin in ay jirka dareenka taabashada siiyaan, xanuunka, kuleylka iyo qabowga, gaar ahaan madaxa iyo foolka hore.
6: Abducense nerve: waan dareen wadaha liixaad oo ku yaala qeybta danbe indhaha kaa oo masuul ka ah dhaq-dhaqaaqa iyo wareegga indhaha.
7: Facial nerve : waa dareenwadaha ku yaala wejiga oo masuul ka ah dhaq-dhaqaaqa murqaha iyo dareenka wejiga, sidoo kale waxa uu xidhiidh la leeyahaya dareenwade ahaan sida carrabka, qanjidhada, candhuufta soo daayo ee ku yaala carrabka hoostiisa iyo qeyb yar oo kamid ah bartamaha dhegta.
8: Vestibulocovhlear nerve: waa dareenwadayaal koox ah oo isku jir ah waana midka seddeedaad kaasoo mawjadaha dhawaqa ka qaada bartamaha dhegta waxa uu u’ gudbiyaa maskaxda, waxa uu kooban yahay labo far oo dareenwade ah, mid waxa uu masuul ka yahay mowjadaha maqalka dhegta, midka kalane waxa uu masuul ka yahay isku dheellitirka, dhaq-dhaqaaqa jirka iyo sida madaxa uu u’ janjeedho.
9: Glossopharengeal nerve: waa dareenwadaha sagaalaad waxa uu masuul ka yahay wax laqista ama in uu qofka wax liqo, waxa uu kaloo khaabilsan yahay dhadhanka iyo sidoo kale, waxa uu ka qeyb qaataa, in la soo daayo dheecaanka ama candhuufta.
10: Vagas nerve : waa dareenwadaha tobnaad waxa uu ka kooban yahay murqo jilicsan waanna dareenwadaha u kala gudbiya jirka waxa uu masuul ka yahay koontoroolka dhuunta, wadanaha, sambabbada iyo habdhiska dheefshiidka.
11: Asccessory nerve: waan dareenwadaha kow iyo tobnaad waxa uu ka yimaadaa labo jirid oo kala ah maskaxda iyo laf-dhabarka dusheeda kore kan ka yimaada waxa uu raacaa xiidmo sida dunta oo kale ah isaga xir-xiran waxa uu gaaraa xubnaha dhuunta, isla markaanna caawimaad siiya murqaheeda. Midka ka yimaada laf-dhabarka dusheeda waxa uu raacaa xiidmo sidoo kale ah dun isku xir-xiran oo caawiya lafta u dhaxeysa labada naasood ee xabadka markaanna awood siiya murqaha qoorta hore iyo kuwa danbe.
12: Hypoglassal nerve: waan dareenwadaha labo iyo tobnaad, waxa uu masuul ka yahay dhaq-dhaqaaqa carrabka, wax laqista iyo ilaalinta codka.
Tixraaca, casharka ugu danbeeya ayaan raacin doonnaa...
Mention soo dheh saaxiib aad jeclaan lahayd inuu kulla faa'ideysto.
La wadaag saaxiibbadaada kale...
Lasoco 2aad
W/D: Indha_caad
Comments
Post a Comment