Habdhiska dareenwadka jirka (nervous system)


Casharka 3aad


 Dareenwadeyaasha mara xubnaha ku jira isgalka miskaha iyo mindhicir yaraha waxay farriintooda u soo gudbiyaan dareen wadaha loo yaqaano lumbar vertebrae L1. Sacral nerves:-waa koox dareenwadeyaal ah waxay dareemaha ka soo qaadaan maqaarka iyo muqraha miskaha (pelvic) iyo adimada hoose ee jirka waxayna ka kooban yihiin 5 dareenwadeyaal waxayna kala yihiin L4 L5 S1 S2 S4, qaar kamid ah dareenwade yaalkaan waa kuwa farriimo kasoo qaada xubnaha jirka waxayna geeyaan habdhiska dhexe dareen wadka jirka.


 Dareenwade yaasha waxaa loo qeybiyaa ilaa iyo seddex qeybood oo kala ah dareeme (afferent), dhaqaajiye motor (efferent) iyo relay. Dareemaha (afferent):- waa dareenwade farriin qaade ah oo maskaxda geeya fariimaha uu ka soo aruuriyo dhammaan xubnaha jirka waxayna geeyaan maskaxda iyo laf dhabarta xarigeeda dareemayaasha ku xiran gaar ahaan habdhiska dhexe ee dareen wadka jirka (CNS) sababtoo ah maskaxda waxaa ku taala qeyb loo yaqaano  dareeme diir hoose(sensory cortex )waa qeyb aqbasha farriimaha ay soo gaarsiiyaan dareenwadeyaasha ayagoo ka soo aruurinayo dhammaan qeybaha jirka uu ka kooban yahay. 


Dhaqaajiye (efferent):-waa dareenwade farriin ka qaada bartamaha habdhiska dareenwadeyaasha jirka, fariintaas oo sababta shaqooyin badan oo ka dhaca murqaha iyo qanjirada jirka sababtoo ah maskaxda waxay leedahay qeyb loo yaqaano dhaqaajiye diir hoose( motor cortex )waa qeyb masuul ka ah bilaabida mowjadaha dareen wadka is dhaaf dhaafa taasoo sababta dhaqdhaqaaqa murqaha jirka, sidaasi darteed maskaxda qeybteeda bidix waxay masuul ka tahay dhaqdhaqaaqa dhanka midig ee jirka sidoo kale waxaa jira dareenwade loo yaqaano motor neurone waa mid ka mid ah habdhiska dareenwadeyaasha jirka, waxayna u dhexeeyaan maskaxda iyo farriin sugaha sida murqaha iyo qalfoofta jirka. Dareenwade ahaan wuxuu ku yaalaa maskaxda qeybta hoose iyo kore, midka kore wuxuu leeyahay jir unug ah iyo gacan u dheeraata xagga laf dhabarta, sidaasi daraadeed dhammaantiisa wuxuu galaa bartamaha ah dhiska dareenwadeyaasha jirka. 


Midka hoosena wuxuu heystaa jir unug ah iyo gacan ka soo dheeraata maskaxda ama laf dhabarta taasoo gaarta murqaha iyo qalfoofta jirka. Isku xire (Relay nerve:)- waa dareeme isku xira laba dareenwade oo midna farriinta kasoo qaada maskaxda iyo laf dhabarta wuxuuna u soo gudbiyaa qeybaha jirka midna wuxuu farriinta ka qaadaa qeybaha jirka wuxuuna u gudbiyaa maskaxda labadaan dareenwade waxaa isku xira dareenwade loo yaqaano isku xire dareen(relay nerve). Inta badan waxaa muhiim ah labada shaqo ee ay qabtaan PNS-ka sida shaqada uu qabto qeybsanka dareenka (sensory division)-ka iyo qeybsanka dhaqaajiyaha (motor division).Qeybta loo yaqaano motor division waxay ka kooban tahay laba qeybood oo kala ah habdhis dareen jireed (somatic nervous system ) iyo  

habdhiska dareen wadka isu filan.

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad