Fashilanka wadnaha(Heart Failure).
Fashilanka wadnaha(Heart Failure).
Fashilanka wadnaha wuxuu dhacaa marka muruqa wadnuhu aanu u awooddin dhiigga sidii la rabay inuu u tuuro. Haddii ay dhacdo marxaladani dhiigga gadaal ayuu u soo noqdaa, iyo dareere ayaa ku soo ururi kara sambabada waxay keeneysaa in neefsashadu yaraato.
Socodka dhiigga ayaa hoos u dhaca ka dibna dheecaan ayaa ku urura sanbabadaada ama qaybaha kale ee jidhkaaga. Xaaladahaan waxaa ka mid ah xididdada wadnaha oo cidhiidhi ah iyo cadaadiska dhiigga sare oo kacsan. Laakiin wadna fashilanka waxa uu qatarka galin karaa nolosha qofka, haddii uu yahay mid daran calaamadiisa. Qaarkood waxay u bahdaan in wadnaha loo beddelo, qaarka kalana loo galsho aalad ka caawisa in dhiigga la buufiyo.
Sidee ku dhacaa fashilanka wadnaha.
Waa in ay ku timaado awooddo wadnaha muruqiisa iyadoo uu soo gaadhayo dhaawac ama culeys awood leh inuu fuulo. Waxa keeni kara xaalado tira badan oo ay ka midyijiin in muruqada wadnaha dhinto( muruqa wadnaha oo aan helin ogsijiin ku filan sidaasna ku dhinta) caddaadiska dhiigga oo siyaadiya isku soo ururka wadnah si dhiigga u buufiyo iyo borotiinka wadnaha oo qaldama, kana buuxsama murqaha wadnaha taas oo sababta in muruqa adkaato. Haddii shaqada wadnaha ay siyaado waxay keeneysaa isbeddelo ku yimaada wadnaha qudhiisa.Fashilanka wadnaha qofka waxa laga yaabaa inay hoos u dhacdo awooddo isku soo ururka taaso ugu wacan in culeys xoog leh soo fuulo dhag yaraha(ventricle). Wadnaha caafimaadka qaba buuxinta dhag yaraha ayaa korodha, haddii ay korodho waxa siyaadada awoodda isku uururka, haddii ay taasi siyaado waxa kordhaya dhiigga wadnaha uu tuurayo( cardiac output).
Wadna fashilanka hannankani haddii uu fashilmo dhag yaraha dhiig ayaa ka buuxsamaan halka muruqa wadnaha isku ururayo waxa uu noqonayaa mid aan awood lahayn ama wax qabad lahay. Tani waa waxa ugu wacan yaraansho ku timaada awoodda muruqa wadnaha uu ku kala bixi lahaa.Hoos u dhaca mugga istarooga( stroke volume) ayaa keeneysa inuu fashilmo tuujinta(systole) ama hakad wadneed(diastolic). Kordhinta dhammaadka tuujinta badanaa waxay keentaa inuu yaraado isku urursanka( contractility).Hoos u dhaca dhammaadka hakad wadneed natiijada ka imaan karta waa qalqal ku yimaada dhag yaraha dhiigga soo galaya, tani waxay dhacdaa marka carqalad ku timaado dhagyaraha( marka ay adkaadaan darbiyada.) Haddii dhiigga la tuurayo uu bato waxa badanaya ogsijiinta loo baahan yahay. Tusaale ahaan haddii qofka uu sameeyo jimicsi. Uma dulqaadan karo wadnaha jimicsiga badanaa waxay caan ku tahay dadka qaba wadna fashilanka.
Isbeddelka ku imanaya ciriqa dareenka { neurohormonal} .
Marxaladani waxay dhacdaa inta lagu gudda jiro fashilanka wadnaha. Waxa kamid ah: in la kiciyo hannaanka dareenka{ sympathetic} iyo hannaanka loo yaqaan{ renin-angiotensin system} in la kordhiyo lidiga ciriqa kaadi badiyaasha{ vasopressin}. Saameeynta ay ku yeelanayaan ciriqa dareen waa in ceejiyaan halbowlaha{ arterial vasoconistriction} iyo xiddidka inuu xirmo uu siyaado cadaadiska xiddidka, waxa siyaadaya mugga dhiigga,waxa siyaadaya dhagyaraha dhiigga soo galaya. Firfircoonida { neurohormanal activation} waa jawaab celin muhiim ah laakiin sidoo kale waxay xumaansho ku keeni kartaa fashilanka wadnaha waxay siyaadineysaa culeyska dhagyraha[ ventricular afterload}.
Mugga dhiigga.
Wadna fashilanka waxa siyaadaya mugga dhiigga, waxaa kordhaya dhagyaraha rarka kahor sidaa awgeeda waxa sare noqonaya mugga istaroogga{ stroke valume} waxa loo yaqaan { frank-starlin machanesim}. Mugga waxa kordhiya dhowr arrimood . cadaadiska kalyaha hoos u dhaca natiijada ka dhaleysa waa in uu yaraado kaadida saaritaankeeda, iyo in dib loo soo celsho dareeraha. Isku darka yaraanshaha kalyaha cadaadiskooda iyo kicinta hannaanka dareenka{ sympathetic nerve} ee kalyaha waxay kicinayaan in la soo daayo hannaanka{ renin} waxay carineysaa nidaamka kale { renin- angiotensin system} si ay sare ugu qaadaan soo deynta aldesteron . Waxay ka qeyb qaadanayaan in jirka biyaha dib loogu soo celsho. Natiijada ka dhalleynsa kicinta hormoonnada waa in dib u soo nuugaan kalyaha sodium iyo biyaha, waxay siyaadineysaa mugga dhiigga si ay markaa iskugu dheellitirto dhiigga baxaya. Haddii mugga dhiigga siyaado waxa badanaya cadaadiska xiddidka kaasoo keenaya in aroore sambabeedka{ pulmonary} si guud ugu yimaadi barar. Qofka waxa lagu arkayaa neefta oo ku yaraata{ dysnepea} qofkaasi waxa daawo ahaan loo siinayaa dawooyinka kaadi badiyaasha si hoos loogu dhigo mugga dhiigga iyo cadaadis xiddidka. Intaasi waxay ahayd sida uu ku yimaado fashilanka wadnaha. Haddana waxan galeynaa waxa sababa.
Maxaa keenna.?
Wadna fashilanka waxa keeni kara waxyaabo badan.
Haddii wadnaha uu dhaawac soo gaaro ama uu daciifo, haniyaha wadnaha haddii ay kala bixi waayan oo weynaadaan. Haddii wadnaha uu buufin kari waayo dhiigga loo baahnaa. Ama in ay adkaadaan murqaha wadnaha.
Haniyaha wadnaha kuwa waa way ee buufiya wadnaha waxa loo yaqaan dhagyaryaal, adeyg ayay noqonayaan, mana buufin karaan dhiig ku filan inta u dhexeysa garaaca. Waxa jira waxyaabo kale oo keeni kara in muruqa wadnaha dhaawacmo sida: qeybo kamid ah caabuqyada, khamriga badan, dawooyinka la iska cunno.
Waxa jira xaalado kale oo keena.
1: xiddidka quudiya wadnaha xanuun ku dhaca: waa midka ugu caansan keena wadna fashilanka. Natiijada ka dhalaneysaa waxay tahay in dux{ fattay} ka buuxsanto halbowlaha. Ka buuxsamidaasi waxay keeneysaa in ciriiri ka dhigto halbowlaha. Waxay yareeneysaa qulqulka dhiigga, waxay horseedeysaa xaalad wadna qabad ah. Wadna qabadka dagdaga ah waa marka uu xirmo halbowlaha quudiya wadnaha. Dhaawaca soo gaaraya muruqyada wadnaha waxay ka iminayaan wadna qabadka, taasoo macnaheedu yahay in wadnaha wax badan aanu buufin karin si wanaagsan.
2: cadaadiska dhiigga oo sareeya: waxay keeneysaa in wadnaha u shaqeeyo kaddib uu buufiyo dhiigga si uu gaaro jirka. Xaddiga shaqada badan waxay ku keeneysaa in muruqa wadnaha adkaado ama inuu daciifo si qumman uu dhiigga u tuuri waayo.
3: cuddurada ku dhaca haniyaha: haniyaasha wadnaha waxay ilaalshaan ququlka dhiigga sida ugu saxsan, haddii haniyaha uu si wanaagsan u shqeyn waayo waxa adkaaneysa in dhiigga la buufin waayo.
4: ololka ku dhaca wadnaha{ myocarditis} waxa keena ilmaragte sida civid 19 waxay horseedeysaa in ay shaqo gabto dhanka bidix ee wadnaha.
5: cuddurada lagu dhasho: In aysan sifiican u sameysmin haniyaha wadnaha iyo qeybaha kale ee wadnaha waxa adkaanaya in dhiigga la buufiyo. Waxay keeneysaa fashilanka wadnaha.
6: waxa kaloo keeni kara in xinjir isku xirto sambabada.
7: waxa kale oo keeni kara caabuq daran.
Wadne-fashilanka wuxuu caadi ahaan ka bilaabmaa qolka wadnaha ee bidix ee hoose, oo loo yaqaan dhagyaraha bidix( left ventricle). Tani waa qeybta ugu weyn dhiigga laga buufinayo. Laakiin wadna-fashilanka sidoo kale waxa uu saameyn karaa dhinaca midig. Qeybta midig ee hoose wadnaha waxa loo yaqaan dhagyraha midig( right ventricle) wadna-fashilanka waxa uu sameyn karaa labada dhinac ee wadnaha.
Fashilanka wadnaha dhanka middig.
Waxay saameyn ku yeelaneysaa qeybta hoose midig wadnaha. Dheecaanka ayaa dib ugu soo laabanaya caloosha, lugaha iyo cagaha waxay sababeysaa in barar lagu arko. Fashilanka dhanka bidix wadnaha.Waxay saameyn ku yeelaneysaa qeybta hoose ee bidix. Dheecaanka waxa uu sameyn doonaa in dib ugu soo laabto sambabka waxa uu keenayaa in ay yaraato neefsashada.
Calaamadaha.
1:Neef-tuur iyo daal jirka dhan ah
2:Cagaha oo ku bararan.
3:Jaranjarada oo aadan si raaxo leh ku fuuli karin
4:Habeenkii oo naqaska kugu dhago
5: Adigoo meel siman ama barkin la'aan jiifsan karin
6: Qufac wata candhuuf ubur leh
7: Wadna gariir ama wadne garaac
8:Miisaankaaga oo kordhaya biyaha jirka ku aruuray dartiis
9:Cunno xumo iyo caloosha oo fadhiso
10:Caloosha ma qooraha oo bararka laga dareemo.
11: Daal iyo Tabardarro.
Sidee ku ogaan karaa in wadnaha aan ka jiranahay?
1:Qalabka korontada wadnaha ee loo yaqaano "ECG"
2:Qalabka kumbuyuutarka wadnaha ee loo yaqaano "ECHO"
3: Raajada waa lagu ogaan karaa inuu wadnaha bararan yahay iyo in sambabada biyo ku jiraan.
Daaweynta.
angiotensin-converting enzyme (ACE).
Dawooyinka waxay kala bixiyaan xiddidada dhiigga si ay hoos ugu dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay hagaajiyaan isku socodka dhiigga oo aynna yareeyaan cadaadiska wadnaha.
Tusaalooyinka waxaa ka mid ah enalapril (Vasotec, Epaned), lisinopril (Zestril, Qbrelis) iyo captopril.
Angiotensin II receptor blockers (ARBs).
Dawooyinka waxay leeyihiin faa'iido badan oo lamid ah kuwa aynnu kor ku soo xusnay ACE.Waxaa ka mid ah losartan (Cozaar), valsartan (Diovan) iyo candesartan (Atacand).
beta-blockers. Daawooyinkani waxay yareeyaan garaaca wadnaha waxayna hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay yareeyaan calaamadaha wadne-fashilanka waxayna caawiyaan wadnuhu inuu si fiican u shaqeeyo. Tusaale waxaa ka mid ah carvedilol (Coreg), metoprolol (Lopressor, Toprol-XL, Kapspargo Sprinkle) iyo bisoprolol
Diuretics. Badanaa waxaa loo yaqaan daadi badiyaasha, daawooyinkani waxay ka dhigayaan qofka inuu si joogto ah u kaadsho. Waxay ka hortageysaa dareeraha jirka ku ururaya. Tusaale waxa ka mid ah, sida furosemide (Lasix, Furoscix), waxay sidoo kale hoos u dhigtaa dareeraha ku jira sambabada,
Waxa fududaanayo in qofka neefsado.
Digoxin (Lanoxin). dawadan, oo sidoo kale loo yaqaan digitalis, waxay ka caawineysaa qofka in wadnaha dhiigga sifiican u tuujiyo. Waxay hoos u dhigeysaa garaaca wadnaha. Digoxin waxay hoos u dhigeysaa calaamadaha wadna-fashilanka dadka qaba.
Haddii aad isku aragtay calaamadaha aan kor ku soo xusnay, la xidhiidh dhaqtar. Dawooyinka ha isticmaalin adigoo aan la tashan dhaqtar ku taqasusay( cardiologis)
Tixraaca:https://www.mayoclinic.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment