Cagaarshowga

 Cagaarshowga: 


Waa maxay cagaarshow?


Cagaarshowga nuucyadiisa


Faafidda cagaarshowga


Calaamadaha Cagaarshowga


Ogaanshaha cagaarshowga


Daaweynta cagaarshowga


Ka hortagga cagaarshowga


Dhibaatooyinka cagaarshowga


Waa maxay cagaarshow?


Cagaarshowga waa caabuq ku dhaca beerka. Waxaa cudurkaan loo yaqaannaa ‘Hepatitis’. Caadi ahaan waxaa keeno fayras, laakiin daawooyinka qaar, sunta, iyo cudurrada qaarkood, oo ay ku jiraan cudurrada difaaca jirka, ayaa sidoo kale keeni karo cudurka.


Cagaarshowga wuxuu leeyahay nuucyo badan, shanta nuuc ee ugu waaweyn waa nuucyada A, B, C, D, iyo E. Fayrasyo kala duwan ayaa sababo nuuc kasta oo cagaarshowga ka mid ah.


Saynisyahannada waxa ay dhawaan heleen nuuc cusub oo cagaarshowga ka mid ah oo loo yaqaanno Hepatitis G (HGV) ama nuuca G, illaa iyo hadda wax badan lagama oga nuucaan.


Maqaalkaan, waxaan ku faahfaahin doonnaa nuucyada kala duwan ee cudurka cagaarshowga, calaamadahooda caadiga ah, sida ay ku gudbaan, iyo sida loo daweeyo loogana hortago.


Cagaarshowga nuucyadiisa


Sida aan horay usoo sheegnay waxaa jiro dhowr nuuc oo cudurka cagaarshowga ah, shanta ugu waaweyn nuucyadaas waa A, B, C, D, E. Nuucyadaan waxa ay ku kala duwanyihiin:


Nuuca fayraska sababay


Muddada ay sii jiraan


Siyaabaha ay ku faafaan


Daaweynta


Tallaalka


Nuucyada qaar daawo maleh, balse waxaa jiro tallaal looga hortagi karo, halka kuwa qaarna ay leeyihiin tallaal iyo daawo labadaba.


Labada nuuc ee ugu badan waddankeenna uguna khatarta badan waa nuucyada B iyo C.


Nuuca A


Nuucaan waa nuuca ugu horreeyo ee cudurka cagaarshowga, waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (HAV), nuucaan marka uu qofka ku dhoco waxa uu si daran u qabtaa muddo gaaban gudeheeda, balse masii jiro waqti dheer, muddo kaddibna waa uu baaba’aa.


Nuuca B


Nuucaan waxa uu ka mid yahay nuucyada ugu halista badan cagaarshowga, waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis B Virus), marka uu qofka ku dhoco waxa uu marka hore u qabtaa si daran.


Kaddib dadka qaar ayuu ka baab’aa, balse mararka qaar nuucaan waxa uu sii jiri karaa muddo dheer, waxa uuna dhaawac weyn u geysan karaa beerka, ugu dambeyntiinna waxa uu sababi karaa kansarka beerka.


Nuuca C


Nuucaan wuxuu sidoo kale ku jiraa nuucyada ugu halista badan cagaarshowga, waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis C Virus). Nuucaan waxa uu la mid yahay nuuca B, waxa uu jiri karaa muddo dheer asagoo ugu dambayn sababi karo kansarka beerka.


Nuuca D


Nuucaan waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis D Virus), nuucaan ayaa ka duwan nuucyada kale, sababtoo ah waxa uu ku xiranyahay nuuca B, taas oo macneheeda tahay in nuucaan kaliya uu ku dhici karo dadka uu horray ugu dhacay nuuca B ee cagaarshowga.


Si la mid ah nuucyada B iyo C, nuucaan ayaa sidoo kale sii jiri kara muddo dheer.


Nuuca E


Nuucaan waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis E Virus ), waxaa uu ka ag dhowyahay nuuca A, maadaama labadooda aysan sii jirin muddo dheer ayna ku faafaan si isla mid ah.


Faafidda cagaarshowga


1. Biyaha iyo cuntada


Biyaha iyo cuntada uu ku jiro fayraska ayaa dadka u gudbin karo cudurka cagaarshowga, nuucyada fayrasyada ku gudbi karo habkaan waaa nuucyada A iyo E.


2. Dhiigga


Dhiigga uu ku jiro fayraska ayaa qofka u gudbin karo cudurka, nuucyada fayrasyada ku gudbi karo habkaan waa nuucyada B, C iyo D.


Hababka ay ku gudbi karaan waxaa ka mid ah:


Cirbadaha la isla isticmaalo


In qofka lagu shubo dhiig uu ku jiro fayraska


3. Galmada aan difaaca lahayn


U galmoodka qof qabo nuucyada cagaarshowga ee B, C iyo D ayaa waxa ka dhalan karo inay qofka kale u gudbaan fayrasyada.


Isticmaalka ‘Condoms’ ayaa hoos u dhigi karo halista gudbidda cudurka.


4. Xilliga uurka iyo dhalmada


Hooyada qabto cudurka cagaarshowga nuucyadiisa B, C iyo D ayaa uur-ku-jirta u gudbin karto fayraska, inta ay uurka leedahay ama marka ay dhalayso.


5. Xilliga naas-nuujinta


Hooyada qabto cudurka cagaarshowga nuucyadiisa B iyo D ayaa ilmaha u gudbin karto fayraska xilliga naas-nuujinta lagu guda jiro.


Calaamadaha Cagaarshowga


Dadka qaar ee uu ku dhoco cudurka cagaarshowga iskuma arkaan wax calaamado ah, halka kuwa kale ay isku arkaan calaamado iska fudud. Calaamadaha cudurka waxay soo muuqan karaan 2 isbuuc ilaa 5 bilood ka dib marka qofka uu gudbo caabuqa ama infekshanka.


Cagaarshowga bilowga ah


Inta lagu jiro marxaladda deg degga ama bilowga ah ee caabuqa cagaarshowga, qofka waxaa laga yaabaa inuu la kulmo calaamado ay ka mid yihiin:


Daal


Saxaro caddaad ah


Amateed la’aan iyo miisaan lumis


Qandho


Murqo xanuun ama kalagoysyo xanuun


Lalabbo iyo matag


Calool xanuun


Indhaha oo jaalle noqda


Kor cun-cun


Wajac guud


Marxaladda deg degga ama bilowga ah inta badan ma aha khatar, laakiin marxaladaha dambe ee daba-dheeraada ayaa dhibaatooyin u keeni karo beerka, calaamadahana waxay soo bixi karaan muddo dheer kaddib oo ah illaa iyo 10 sanno. Calaamadahaan waxaa ka mid ah:


Barar dhanka lugaha ah


Wareer


Matag uu dhiig la socdo


Saxaro uu dhiig la socdo


Kaadida oo mugdi noqoto


Saxarada oo caddaad noqoto


Indhaha, maqaarka iyo carabka oo jaalle noqdo


Ogaanshaha cagaarshowga


Waa muhiim in la fahmo waxa keenay cagaarshowga si cudurka loogu daaweeyo sida ugu habboon. Dhakhaatiirtana waxay sameeyaan tijaabooyin taxane ah si ay si sax ah u ogaadaan xaaladdaada.


1. Warbixinta qofka iyo baaritaanka jirka


Si loo ogaado dhammaan nuucyada cagaarshowga, dhakhtarkaaga wuxuu marka hore qaadi doonaa warbixintaada ku saabsan cudurka si uu u go’aamiyo wax kasta oo khatar ah oo aad yeelan karto.


Wuxuu kaloo dhakhtarka kugu sameyn doonnaa baaritaan jirka ah, Inta lagu jiro baaritaanka jirka, dhakhtarkaaga wuxuu si tartiib ah u taaban karaa una cadaadin karaa calooshaada si uu u eego haddii ay jiraan xanuun ama damqasho.


Dhakhtarkaaga waxa kale oo laga yaabaa inuu hubiyo inuu jiro barar dhanka beerka ah iyo is beddel dhanka midabka ah oo ku imaado indhahaaga ama maqaarkaaga.


2. Baaritaannada shaqada beerka


Baaritaannada shaqada beerka ayaa la sameeyaa ayadoo la isticmaalaayo muunado dhiig ah si loo go’aamiyo sida hufan ee uu beerkaagu u shaqeeyo iyo inay jiraan wax is beddel dhanka shaqada beerka ah.


Natiijooyinka aan noormalka ahayn ee baaritaannadaan waxay noqon karaan calaamadda ugu horreysa ee ah in ay jirto dhibaato dhanka beerka ah, gaar ahaan haddii aadan horay u lahayn wax calaamado ah marka dhakhtarka uu sameenaayey baaritaanka jirka.


Beerka waxa uu soo saaraa waxyaabo ka qaybqaata howlaha jirka ka socdo sida dheefshiidka oo kale, waxyaabahaan waxaa loo yaqaanaa enzymes “Inzaaymis”.


Heerarka (enzymes) ka beerka ee sarreeya ayaa laga yaabaa inay muujiyaan in beerkaaga uu cadaadis saaran yahay, dhaawacmay, ama uusan si sax ah u shaqayneynin.


3. Baaritaannada kale ee dhiigga


Haddii baaritaannada shaqada beerka ay yihiin kuwo aan caadi ahayn( abnormal), dhakhtarkaagu waxay u badan tahay inuu amri doono baaritaanno kale oo dhiig ah si loo ogaado meesha ay dhibaatada ka timid.


Baaritaannadaan waxay go’aamin karaan haddii aad qabtid caabuqa cagaarshowga iyadoo la hubinaayo in dhiigga uu ku jiro mid ka mid ah fayrasyada keeno cagaarshowga ama inay dhiigga ku jiraan unugyada difaaca jirkaaga ee la dagaallamo fayrasyada keeno cagaarshowga.


4. Cadka(Biopsy) beerka


Marka la baaro cagaarshowga, dhakhaatiirtu waxay sidoo kale qiimeyn doonaan in beerkaaga ay ku imaan karaan dhaawacyo. Baaritaanka beerka waxaa loola jeedaa in cad aad u yar laga soo qaado beerka kaddibna loo diro baaritaan.


Xirfadle caafimaad ayaa laga yaabaa inuu cadkaan kasoo bixiyo asagoo isticmaalaayo cirbad loogu tala galay oo jirka laga galiyo meel ku aaddan beerka, taasoo la macno ah inaan loo baahnayn qaliin.


Baaritaankaan ayaa sidoo kale waxaa la sameeyaa ayadoo la isticmaalaayo iskaan ama kombiyuutar si loogu hago hawsha. Baaritaankaan wuxuu u oggolaanayaa dhakhtarkaaga inuu go’aamiyo sida caabuqa uu u saameeyay beerkaaga.


5. Iskaan ama kombiyuutar


Iskaanka caloosha ayaa lagu fiiriyaa xubnaha ku jiro gudaha calooshaada. Baaritaankaan wuxuu u ogolaanayaa dhakhtarkaaga inuu si dhow u eego beerkaaga iyo xubnaha u dhow. Iskaanka wuxuu muujin karaa:


In dareere uu ku jiro gudaha


Dhaawaca beerka ama weynaanta beerka


Burooyinka beerka


Cilladaha xameetidaada


Mararka qaarkood ganaca ayaa sidoo kale ka muuqda sawirrada uu iskaanka muujinaayo, waxayna muhiim u tahay in la go’aamiyo sababta keentay cilladaha ka jiro shaqada beerka.


Daaweynta cagaarshowga


Daaweynta waxay ku xirantahay nuuca cagaarshowga ee qofka haayo iyo in caabuqa uu yahay mid biloow ah ama uu waqti dheer soo jiray.


Daaweynta nuuca A


Nuuca A waxa uu ka mid yahay nuucyada aan sii daba dheeraanin, badanaa uma baahno daawo, balse mararka qaar calaamadihiisa markay qofka kasoo muuqdaan waxaa lagu taliyaa in qofka uu nasto.


Daaweynta nuuca B


Ma jirto daawo gaar ah oo loogu talagalay cagaarshowga nuuciisa B ee deg degga ama bilowga ah, si kastaba ha ahaatee, haddii qofka uu qabo nuuca B ee raaga ama sii daba dheeraada, wuxuu u baahan doonaa daawooyin looga hortago fayraska.


Daaweynta nuucaan ah waxa ay noqon kartaa mid kharash badan, waayo waxa laga yaabaa in qofka uu sii isticmaalo dhawr bilood ama sannado.


Daawaynta cagaarshowga nuuciisa B ee dabadheeraada waxay sidoo kale u baahan tahay qiimayn caafimaad oo joogto ah iyo la socod si loo go’aamiyo in fayraska ka falcelinaayo daawaynta.


Daaweynta nuuca C


Dawooyinka ka hortaga fayraska ayaa loo isticmaali karaa in lagula dagaallamo fayraska keeno cagaarshowga nuuciisa C midkiisa deg degga ah iyo midkiisa daba-dheeraada labadaba.


Caadi ahaan, dadka uu ku dhoco cagaarshowga nuuciisa C ee daba-dheeraada waxay isticmaali doonaan daawooyin fara badan oo la isku daray.


Dadka uu ku dhoco cirrhosis ama cudurka beerka ee uu keeno cagaarshowga nuuciisa C ee daba-dheeraada ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in laga beddelo beerka loona galiyo mid cusub.


Daaweynta nuuca D


Nuucaan waxa uu leeyahahy daawo lagula dagaallo fayraska sababo, daawadaan ayaa loo yaqaanaa (pegylated interferon alpha), si kastaba ha ahaatee, dawadaan waxay yeelan kartaa waxyeello daran.


Sidaa darteed, kuma habboona dadka qaba dhaawaca beerka ee cirrhosis, kuwa qaba xaaladaha dhimirka, iyo dadka qaba cudurrada difaaca jirka.


Daaweynta nuuca E


Ilaa iyo hadda ma jiraan daawayn caafimaad oo gaar ah oo lagu daaweeyo cagaarshowga nuuciisa E. Sababtoo ah caabuqa uu keeno nuucaan badanaa waa mid deg deg ah, caadi ahaanna iskii ayuu isaga baxaa.


Dhakhaatiirta waxay caadi ahaan kula talinayaan dadka qaba caabuqaan inay helaan nasasho ku filan, cabaan cabitaanno badan, helaan nafaqo ku filan.

Si kastaba ha ahaatee, haweenka uurka leh ee uu ku dhoco caabuqaan waxay u baahan yihiin dabagal iyo daryeel dhow.


Daaweynta nuuca uu sababo difaaca jirka


Daawooyinka corticosteroids-ka, sida prednisone ama budesonide, ayaa aad muhiim ugu ah daawaynta hore ee cagaarshowga nuuca uu sababo difaaca jirka, waxay wax ku ool u yihiin boqolkiiba 80 dadka xaaladdan qaba.


Azthioprine (Imuran), oo ah daawada xakameysa habka difaaca jirka, ayaa sidoo kale laga yaabaa inay qayb ka noqoto ikhtiyaaraadka daaweynta, dadka qaar waxay daawadaan la isticmaali karaan daawooyinka steroids.


Ka hortagga cagaarshowga


Waxaa jiro tallaalo kaa caawin kara ka hortagga fayrasyada ugu badan ee keeno cagaarshowga. Yaraynta khatarta ah in aad la kulanto waxyaabaha ay ku jiraan fayrasyadaan ayaa sidoo kale noqon karto tallaabo ka hortag oo muhiim ah.


1. Isticmaalka tallaallada


Tallaalka cagaarshowga nuuciisa A ayaa la heli karaa kaasoo kaa caawin kara ka hortagga fayraska keeno nuuca A.


Tallaalka cagaarshowga nuuciisa A waa taxane laba qiyaasood ah, carruurta badankooda waxay bilaabaan qaadashada tallaalkaan markay da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 23 bilood. Dadka waaweyn ayaa sidoo kale qaada karo tallaalkaan. Waxaa sidoo kale jiro tallaal loogu tala galay cagaarshowga nuuciisa B, tallaallada cagaarshowga nuuciisa B ayaa waxaa fiican in la siiyo dhammaan caruurta markay dhashaan.


Tallaalkaan ayaa ah saddex tallaal oo taxane ah, midka 1-aad waxaa la qaataa marka uu qofka dhasho, midka 2-aad waxaa la qaataa 1 bil ka dib kan tallaalka 1-aad, kan 3-aadna waxaa la qaataa 6 bil ka dib tallaalka 1-aad.


Waxaa lagu taliyaa in tallaalka nuuca B ay qaataan dhammaan shaqaalaha ka shaqeeyo daryeelka caafimaadka. Tallaalka cagaarshowga nuuciisa B wuxuu sidoo kale ka hortagi karaa cagaarshowga nuuciisa D, maadaama nuuca D uu ku dhoco kaliya dadka uu horay ugu dhacay nuuca B.


Hadda ma jiraan wax tallaal ah oo loogu talagalay cagaarshowga nuucyadiisa C ama E.


2. Iska ilaalinta fayraska


Fayrasyada keeno cagaarshowga waxay u gudbi karaan qofkasta oo:


Cabo biyo uu ku jiro fayraska


Cunno cunto uu ku jiro fayraska


Sameeyo galmo aan difaac lahayn


Yaraynta khatarta ah inaad la kulanto walxahaan waxay kaa caawin kartaa inaad ka hortagto qaadista fayraska cagaarshowga.Nadaafadda cuntada, biyaha iyo in cuntada si fiican loo kariyo ayaa looga hortagi karaa qaadista fayrasyada A iyo E.Cagaarshowga nuucyadiisa B, C, iyo D ayaa fayrasyada sababo waxaa lagu kala qaadaa taabashada dareeraha jirka ee ay ku jiraan fayrasyada.


Waxaad hoos u dhigi kartaa halista ah in aad la kulanto fayrasyadaan adigoo:


Aan la wadaagin cirbadaha qof


Aan la wadaagin sakiinta qof


Isticmaalin burushka cadayga ee qof kale


Aan taaban dhiig daatay


Cagaarshowga nuuciisa B iyo C waxaa sidoo kale lagu kala qaadi karaa xiriirka galmada. Isticmaalka waxyaabaha loo isticmaalo difaac ahaan xilliga galmada la sameeyo sida condoms-ka ayaa yarayn karo halista cagaarshowga.


Dhibaatooyinka cagaarshowga


Cagaarshowga nuucyadiisa B ama C ee daba-dheeraada waxay horseedi karaan dhibaatooyin caafimaad oo aad u daran. Sababtoo ah fayraska wuxuu saameeyaa beerka, dadka qaba cagaarshowga nuuca B ama C ee daba-dheeraada waxay halis ugu jiraan:


Cudurka beerka ee raaga


Cirrhosis (dhaawac daran ee beerka)


Kansarka beerka


Cagaarshowga ayaa keeni karo in shaqada beerka ay joogsato, dhibaatooyinka ka dhalan karo marka shaqada beerka uu u haayey jirka ay joogsato waxaa ka mid ah:


Dhiig bax


Dareere ku uruura calooshaada, oo loo yaqaan ascites (barar)


Cadaadiska dhiigga oo kordha


Kilyaha oo istaaga


Daal, xasuus la’aan, iyo awooddaha maskaxda oo yaraada


kansarka beerka


Dhimasho


Dheegasho: Healthter mstafe terso

 References


Healthline Media


WHO (World Health Organization)


CDC (Center for Disease Control)


NIH (National Institutes of Health)


MayoClinic


WebMD


Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad