Isku-furanka haweenka(Obstetric fistula)
Isku-furanka haweenka(Obstetric fistula).
Isu-furanku waa dhaawac soo gaadha xubnaha taranka ee hooyada xilliga ay umulayso, dhaawacaas oo keena inuu isku furma xubnaha taranka ee marka hore kala xidhna.Waa dhibaato ka dhalata dhalmada taas ay ugu wacan tahay foosha oo dheeraata. Marxaladani waxay abuureysaa in ay cadaadis saarto saxaha, kaadi heysa, malawadka. Cadaadiska waxa uu keeni karaa inuu jarmo xiddidka dhiigga siiya ilmaha iyo cadka jilicsan hooyada, taas oo keeneysa in ilmahu dhinto. Xaaladani waxay xumeynysaa isku xirka u dhexeeya saxaha, kaadi heysta, iyo malawadka. Waxa ka dhallankara in hooyadu ay kaadida ceshan weyso, iyo saxarada. Iskufuranka waa laga hortagi karaa sidoo kale waa la daweyn karaa. Sannadkasta waxaa lagu qiiyasaa sida ay sheegtay hay’ada u qaabilsan adduunka cafimaadka WHO, in dumar u dhaxeeya 50,000_100,000 ay ku dhaco isu-furanka la xidhiidha xubnaha taranka waqtiga ay hooyadu ku jirto foosha.
Waxa loo kala saaraa isku-furanka labo.
1: isku furanka malawadka: iskufuranka waxa isku xiraa maroorka iyo saxaha.
2:isku furanka saxaha.: iskufuranka waxa isku xira kaadi heysta iyo saxaha.
Maxaa sababa isku-furanka.?
Isku-furanka waa xaalad ay halis ugu jirto uureyda ku nool waddamada soo koraya. Waxa keena foosha oo ku dheerata hooyada xiliga dhalmada, kadibna madaxa ilmuhu uu cadaadis saaro xubnaha taranka ee hooyada, cadaadiska oo u diida in xubnaha mihiimka ee hooyada uu soo gaadho dhiig ku filan taas oo keenaysa in meeshaas uu cadaadisku keenay in ay dalooshanto una dalooshanto xubin kale oo aan loogu talo gelin in ay isu-furnadaan.
Sababaha kale ee keeni kara inay dhacdo isku furanka waxa kamid ah.
1: ilmaha oo si aan habbooneyn looga soo xaaqay hooyada.
2: jabniin miskaha waxa ka dhallan kara inay adkaato foosha.
3: Daweynta kaankarada{kansarka} ilma-galeenka uu wehliyo shucaaca{ radiation}
4: Xad-gudub galmo ama kufsi.
5: Jug gaadha inta lagu gudda jiro xilligga qaliinka saxaha, marinka ama maroorka.
Waxa yaabaha u nugleyn kara hooyada isku furanka.
1:Faqriga. Taasoo keeneysa in aanay hooyada helin daryeelkii ay u baahneyd.
2: Nafaqo daro. In aysan helin hooyada cunnooyinka u wanaagsan xilliga uurka.
3: Aqoon-la’aan. Dhibaatada ku dhaceysa uureyda waxay ku salleysan tahay aqoon la’aanta ka dhex jirta bulshadeenna, qoysaska waxba iskuma hawlaan waxa uu hadalkooda salka ku hayaa dhaqan guun ah.
Calaamadaha.
1: Kaadida iyo saxarada iska socda.
2: Qoyaan ka yimaada saxaha oo beddelan(nooc kale).
3: Kaadida oo ur leh.
4: Calool xanuun.
5: Malwadka ama saxaha dhiig ka yimaada.
6: Xanuun daran xilliga galmada.
7: Caabuq ku soo laalaabta habdhiska kaadi-mareenka.
8: Matag iyo lalabo ama shubban.
Go'aan gaarid( diagnosis).
1:In dhiigga laga baaro haddii uu jiro caabuq{CBC}
2:Fistulgram x-ray: waxay go’aamineysaa cabirka iyo lambarka isku-furanka.
3:Urogram iyadoo la istcimaalayo CT SCAN si loo eego xubbinta taranka iyo kaadi mareenka.
4:Misko{pelvic} MRI si loo eego saxaha iyo maroorka.
5:Cystoscopy si loo eego guddaha kaadi heysta iyo kaadi mareenka.
6:Flexible sigmoidoscopy: si loo eego maroorka iyo qeybta hoose xiidmaha waa wayn.
Daaweynta.
Daaweynta waxay ku xidhan tahay nooca isku furanka.
Antibiotitic si loo daaweeyo caabuqa.
In la galiyo kaadi qaade{ cathaterilization} ku meel gaar ah si looga soo qaado kaadida kaadi heysta.
Badanaa isku furanka waxa u baahan yahay in lagu xalliyo qaliin.
Maxa lagaga hor tagi karaa isu-furanka?
1:Hooyada oo xannaanada la socota inta uurka ay leedahay.
2:Foosha iyo umusha oo ay fuliso umuliso tababaran oo garan garta marka ay fooshu ku dheerato hooyada una gudbin karta meesha iyo cidda wax u qaban karta hooyada iyo ilmaha.
3:Da’da yar ee ay habluhu ku guursanayaan sababtoo ah miskaha ayaan gadhin heer uu ilmo soo dhafi karo.
Yuu ku dhici kara isu-furanku?
Hooyo kasta oo fooshu ku dheerato wuu ku dhici karaa, laakiin wuxuu u badan yahay ugubka.Wax ma laga qaban kara marka uu dhaco isu-furanka ?
Marka ugu horaysa ee la ogaado isku-furanka umusha kaddib (nooca ku dhaca kaadi mareenka iyo xubnaha taranka), waxa la geliya cinjirka kaadida (catheter) oo kaadida kasoo qaata mudo 4 usbuuc ah iyado ka dib la eegayo in daloolkii soo yaraaday ama xidhmay. Haddii weli ay kaadidu socoto waxa loo sameeya qaliin.Nooca isku furanka ee ku dhaca malawadka iyo xubnaha taranka waxa lagu xaliya qaliin uun.
Farriinta aan idin sheegayaa waxay tahay gabadh walba iyo hooya walba oo uurey ah ha raadsato goob caafimaad, halkii ay ka aadi lahayd umuliso dhaqameed si caafimaadkeeda u wanaagsanaado.
Tixraaca:https://www.who.int/news-room/facts-in-pictures/detail/10-facts-on-obstetric-fistula. Myo clinic. Dhaqtarka iyo dadkiisa.
Sii share gareeya... ma jiraa cudur aad jeclaan lahayd in aad wax ka ogaato.?
https://vm.tiktok.com/ZM2Gt2hPg/ Follow dheh
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment