Oof-wareen.

 Oof-wareen.


Oofwareenku waa caabuq  saameeya  kiishka hawada mid kamid ah ama labada sambab.  Kiishka waxa gali kara dheecaan ama malax,  kaasoo keenaya qufac uu la socdo malaq, qandho, jarees, iyo neefsashada oo adkaata.  Waxa keeni kara noolayaal kala duwan sida bakteeriya,  fayrus, fungaay waxay keeni karaan oof-wareen.  Oof-wareenka waxa uu noqon karaa mid dhex dhexaad ah ama mid daran. Waxa uu aad ugu daran yahay carruurta, kuwa da’ dhexaaadka ah dadka duqowda ah 65 sanno jira dadka qaba xaalado kale ama dadka difaacoodu liito.


Waxa loo qeybiyaa dhowr qeybood oof-wareenka.


1--Oof-wareenka bulshadda dhexdeeda laga qaado(Community acquired Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto jeermis sambabada gala meel aan ahayn isbitaalka dhexdiisa .


2--Oof wareenka isbitaalka dhexdiisa laga qaado(Hospital acquired Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto jeermis isbitaalka dhexdiisa hawada uu ka raaco.


3--Oof wareenka qalabka isbitaallada laga qaado(Ventilated associated Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto qalabka isbitaalka sida tuunbada qofka afka loo galiyo marka  hawo(oxygen)la siinayo ama qaliin uu galayo .


4--Oof wareenka shay hungiraga-cad maray  laga qaado(Aspiration Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto cunto ama biyo ama hungaaco kasoo aad ku saxatay kabacdina hunguriga cad martay waxaad qufacdo aan dib u soo noqon sidaana ku fadhiisatay meel ka mid ah sambabadda taasoo xambaarsaneyd jeermis keenaha oof- wareenka .


Maxaa keenna.?


Noocyada iyo waxa sababa oof-wareenka


Bakteeriyada oof-wareen

Waxay saameyn kartaa qof kasta da’duu rabo ha jiro, waxay ka dhalan kartaa hargab daran, bakteeriyaasha ugu caansan ee sababa waxaa la yiraahdaa: “Streptococcus pneumoniae” Chlamydophila pneumonia”  ama Legionella pneumophila, Pneumocystis jiroveci.

Oof-wareen waxaa inta badan lagu arkaa dadka qaba difaaca jirka oo itaal daran, sida dadka qaba Aydhiska, ama Kansarka.


Fungi.  Noocani waxa uu caan ku yahay dadka qaba xanuunada raagga ama dadka dicaafoodu yaryahay,  ama dadka qaata(liqa) xaddi badan noolaha.  Fungi waxa laga helaa badanaa Carada waynna kala duwan tahay iyadoo ay ku xiran tahay   dhul ahaan( geographical). 


Viruses.  Nimooniyada viruska waxaa inta badan keena noocyadaan  syncytial virus (RSV), parainfluenza virus, adenovirus, iyo firaska keena hargabka caadiga ah. civid-19.    Qaar kamid ah fayrusyada keenna hargabka waxay keeni karaan oof-wareen.   Fayruska  waxa caan ku yahay carruurta ku dhacda oofwareenka( 5years).   Xaaladaha qaar waxay noqon karaan kuwa aad u daran.


Calaamadaha 


 Caalamadaha ka soo muuqanayo qofka waxay ku xiran tahay dhexdhexaadnimada iyo darnaanshaha, iyo waxa keenay.  Waxa lagu arkaa.


1:Xabad xanuun qofka marka uu neefsanayo.

2:Isku dhexyaac ama isbeddel ku yimaada maanka{65 age}

3: Qufac uu la socdo xaaqo.

 4:Daal.

5: Qandho, dhidid, iyo jareer.

6:  Qarqaryo.

7: Hunqaaco iyo jarees ayaa lagu arkaa  carruurta. 


Baaritaanka.


Waa in qofka candhuuf laga qaadaa

muddo 24-48 saacadood gudohood ah ayaa la’ogaan karaa in bukaanku Bacteriyada dhalisa cudurkaan qabo iyo in kale, ama in dhiig laga qaado oo markaas lagu arko unugyada dhiigga cad-cad(WBC) oo kor ukaca . Waxaa kaloo lasaaraa Raajo (X-ray) ama Chest CT Scan .


Maxaa lagu daaweeyaa ?

1. PARACETEMOL: si loo qafiifiyo qandhada 


2. AMOXICILLIN / AMPICILLIN 250-500 mg saddex wakhti maalinkii muddo 7 maalmood ah. 


3. CEFTRIAXONE 500 mg -1g hal wakhti maalinkii muddo 7 maalmood ah, haddii uu bukaanku ku caafimaadi waayo daawada lambarka 2aad. 


Ka hortagga.


1. In la daaweeyo bukaanada cudurka qaba.


 2.In laga fogaado meelaha ciriiriga ah oo la isku neefsanyo lana isku dayo in- meelahaas loo ogolaado inay hawo soo gasho


3. In bulshada lagu wacyigaliyo inay daboolaan afkooda marka ay qufacayaan.


Haddii aad  xaaladani isku aragto u tag dhaqtarka  taqasuska u leh( pulmonologist).  Dawo aan dhaqtar kuu qorin  ha cunnin. 


Tixraaca:https://www.mayoclinic. xakameynta cudurada faafa.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad