Calool fadhi.
Calool fadhi.
Waxa uu dhacaa marka saxarada ay noqoto mid adag aysan lahayn dhaqaaq soo bixideeduna adkaato. Sababaha ay u dhacdo in saxarada adkaato waa isbeddelka lagu sameeyo cuntada ama qaadasho yarida cuntooyinka qolofta( fibers).Saxaro adayg ama calool-fadhi waxaa loola jeedaa saxaro aad u adag ama in qofku si sahlan u saxaroon karin. Saxaro-adaygga waa cillad da' kasta ku dhacdo, inkastoo lagu kala duwan yahay laakiin qof aysan soo marin waa ay yartahay.Qof kasta wuu ka duwan yahay qofka kale, laakiin dadka badankoodu waxay saxaroodaan inta u dhexeysa 3 goor maalintii ilaa 3 goor toddobaadkii. Ilaa iyo inta saxaradu ay jilicsan tahay aynna fududdahay in ay soo gudubto, markaas saxaradu kuma adka.
Saxaro-adaygga dadka qaar muddo kooban ayay haysaa, dad kalane dhib ayay ku heysaa muddo dheer.Calool istaaga ayaa lagu arki karaa dadka oo dhan da’ kasta oo ay yihiin. Dumarka ayaa kaga badan ragga xaaladan caafimaad iyada oo loo aaneeyoo uurka.
Caadi ahaan cuntada marka ay dhex mareyso marrinka dheef shiidka, xiidmaha waxa uu si tartiib tartiib ah u soo nuugayaa nafaqada. Cuntada qeyb ahaan la dheefshiido( qashinka) ee ka soo gudubta xiidmaha yar una soo gudubta xiidmaha waa wayn ayaa noqoneysa mid la soo riixo si bannaanka loogu soo saaro.Xiidma waynaha waxa uu biyaha ka nuugaa qashinka, taaso ka dhigeysa mid adag. Haddii aad leedahay calool fadhi , cuntada waxay si tartiib tartiib ah ugu soconeysaa marrinka dheefshiidka. Tani waxay ku qaadaneysaa xiidmaha wayn waqti badan si ay biyaha uga nuugaan qashinka. Saxarada waxay noqonaysaa mid qalalan, adag, riixitaankeedu adkaaneyso( soo bixitaanka).
Maxaa keenna?
Waxa keenna waxyaabo badan calool fadhiga waxa kamid ah qaab-nololeedka qofka oo qaldama, daawooyin, xaalad caafimaad darro.
Saamaynta hab-nololeedka.
Waxyaabaha keeni kara.
1:Qofka aan cunin cunta ku filan oo qalfoof ah.
2:Qofka aan cabbin biyo ku filan.
3:Qofka aan sameyn jimicsi ku filan.
4:Isku buuqa(stress)
5: Qofka oo ka wehsada inuu suuliga aado ( saxarada) waqti badan fadhiyo aan dhaqaaqiisa badneyn.
Daawada.
Daawooyinka keenna calool fadhiga.
1:Xanuun baabi'iyaasha xoogga badan:narcotics containing codeine, oxycodone (Oxycontin®) and hydromorphone (Dilaudid®).
2:Daawooyinka nonsteroid anti-inflammatory (NSAIDs), sida ibuprofen (Advil®, Motrin®) iyo naproxen (Aleve®).
3 lidigi dawooyinka isku buuqa( antidepressants)sida fluoxetine [Prozac®]) ama tricyclic antidepressants (sida amitriptyline [Elavil®]).
4:Antacids ka kooban kaalshiyam ama aluminium, sida Tums®.
5:Dawooyinka xasaasiyada:sida antihistamines (sida diphenhydramine [Benadryl®]).
6:Daawooyinka cadaadiska dhiigga qaarkood, oo ay ku jiraan calcium channel blockers (sida verapamil [Calan SR®], diltiazem [Cardizem®] iyo nifedipine [Procardia®]) iyo beta-blockers (sida atenolol [Tenormin®]).
7: Daawooyinka dhimirka(Psychiatric medications)sida clozapine (Clozaril®) iyo olanzapine (Zyprexa®).
8:Daawooyinka qalalka( Antiseizure medications), sida phenytoin iyo gabapentin.
Xanuunada Keenna calool fadhiga.
Xanuunada la xiidhiidha hormoonnada(endocrine), sida qanjidhada tayroodh oo aan si wanaagsan u shaqeyn (hypothyroidism), sonkorowga, uremia iyo kaalsiyamta oo korodha(hypercalcemia)
2:Kaankarada ku dhacda xiidhmaha waa wayn ama malwadka(colorectal cancer).
3:Xanuunada ugu caansan saameyn ku yeesha caloosha ama mindhicirada ama habdhiska dheef shiidka sida Irritable bowel syndrome.
4:Diverticula:waa kiishyo yaryar oo kuusan oo ka samaysma xuubka habdhiska dheefshiidka.
5: Xanuunada ku dhaca habdhiska dareensidaha( neurological disorders) sida in xangulaha dhaawac soo gaaro. multiple sclerosis: waa xaalad saameysa maskaxda iyo xangulaha waxa keenna caalamado badan sida araga oo xumaada, cududa ama dhaqdhaqaaqa lugaha iyo dareenka aan isku dheellitirnaan.
6: uurka.
7: Inuu dhaawacyo soo gaadho habadhiska dheef shiidka iyana waxay keeneyaaa in caloosha istaagto.
Astaamaha saxara adayg ayaa kamid ah, in qofka oo aan riixi karin saxarada uuna dareemo xanuun aad u badan. Waxaa dhici karta in qofka uu dareemo in ay saxaradu ka soo dhammaanin wali oo la socota xanuun, dibbir ama lalabbo.
Dhibaatooyinka ka dhallan kara calool istaaga.
1:Anal Fissure" waa xanuun u'eg Baabasiirta, laakiin waxaa lagu kala soocaa dhawr arrimood. "Anal Fissure" waa dilaac ku dhacay maqaarka marrinka saxarada, kaasoo keenay xanuun aad u daran markii la saxaroodo kaddib iyo dhiig bax.
2:Babaasiirtu waa sida xiddido laamo leh oo ku yaalla marinka saxaramareenka. Marka xiddidada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa timaada babaasiir.
Xiddidka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda, halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah (sphincter), waxana taasi ay keentaa babaasiir gudaha ah.
3- Dhibaadata saddexaad waxay noqonaysaa waxa luuqada caafimaadka lagu yiraahdo (fecal impaction) oo ah in qeyb saxaro ah in ay ku ururto meel ka mid ah xiidmaha ama mirdhiciraha waa wayn kaddib ay ka dhalato in uu xirmo marinka saxarada ama xiidmaha, arrintaasna waxay keeni karta halis caafimaad oo aad u daran.
4- Dhibaatada afaraad waxay noqonaysa waxa loo yaqaano (rectal prolapse) oo ah in qeybta dambe ee xiidmada waa weyn ama malawadka uu banaanka usoo baxo awood loo adeegsaday in saxarada lasoo bixiyo awgeed, arrintaas sidoo kale waxa ka dhalan kara dhibaato caafimaad oo aan la mahdin.
Baadhitaanno.
Baadhitaanno kala duwan ayaa la adeegsadaa si loo ogaado sababta halka mararka qaarna xogta caafimaad ee bukaanku iyadu inna siin karto tilmaan dhammaystiran. Waxa la eegi karaa dhiigga iyada oo la baadhayo qaybo kala duwan oo jidhka ka mid ah. Raajada, CT-SCAN iyo camerada midhicirada lagu arko ( COLONOSCOPY ) ayaa iyagana la adeegsan karaa si loo ogaado halka ay sartu ka qudhuntay.
Sidee looga hortagaa saxaro adayga?
Cab ugu yaraan 8-10 koob oo cabitaanno maalin kasta. Cabitaanno diirran ama kulul ayaa laga yaabaa in ay kaa caawiyaan in saxaradu ay si fudud kaaga timaaddo.
Cun cuntooyin ay buunshuhu ku sarreeyaan sida siiriyaalka buunshaha leh, rootiyada miraha isu dhan ka sameysan, khudradda aan la karin, furutooyin cusub ama kuwo la engejiyey, looska iyo daangada. Buunshuhu wuxuu caawiyaa in saxaradu si fudud jidhkaaga u soo marto.Waxaa laga yaabaa in aad dooneysid in aad xaddiddo farmaajooyinka, shukulaatooyinka iyo ukunta maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in ay sii xumeeyaan saxaro adayga.
Cun tufaaxa si ay kaaga caawiyaan saxaro jilcan.Jir dhis samee si uu kaaga caawiyo in saxaradu si fudud kaaga timaaddo. Socodka si fiican ayuu wax uga taraa.Musqusha aad marka ay saxaro ku qabato si ay kuu dhaafto.
Dhaqtarka kala hadal ka hor inta aadan isticmaalin wax daawooyin caloosha jilciya oo farmashiga laga soo iibsado. Dhaqtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu kuu soo jeediyo saxaro jilciye ama calool jilciye habboon. Haddii aadan ka helin daawada natiijooyinkii aad dooneysay, dhaqtarkaaga la xiriir.
Daawooyinka fuddeydiyo saxarada socoshadeeda.
Lubiprostone (Amitiza®).
Prucalopride (Prudac®, Motegrity®).
Plecanatide (Trulance®).
Lactulose (Cephulac®, Kristalose®).
Linaclotide (Linzess®).
Haddii aad ka faa'iiday la wadaag saaxiibbadaa..
Tixraaca. https://my.clevelandclinic.org/
Somalidoc.com.
W/Q: Indha_caad
Comments
Post a Comment