Graves’ disease

 





Graves’ disease 


Waxa keenna khalkhal ku yimaada habdhiska diifaaca jirka,  isagoo weeraraya unugyada qanjirka tayroodhka, sababta lama yaqaanno.  Waxa  ugu badan uu sababaa waa kororka shaqada tayroodhka (hyperthyroidism) qanjirka waxa uu soo saarayaa   hormoon ka badan intii loo baahnaa.  Xanuunka waxa uu kaga duwan yahay xanuunka hyperthyroidism qofka waxa uu yeelanayaa in indhaha banaanka u soo baxaan,  qanjirka uu yeesho fiix ( diffuse goiter)



Sidee jirka saameyn ugu yeeshaa Graves’ disease.


Waxa uu saameyn ku yeelanayaa qeybo badan ee jirka iyo shaqadiisa.  Maxaa yeelay xaddiga hormoonka la soo saaraya ayaa ka badan intii loo baahnaa.  Meela badan uu saameyn ku yeelan karaa waxa ka mid ah.


 1: Wadnaha

2: Qolfoof muruqeedka(Skeletal muscle)

3: Indhaha

4: Maqaarka.

5:Lafaha.

6: Beerka.


Tusaale ahaan, hoormoonka tayroodhka ee xad-dhaafka ah wuxuu sababi karaa garaaca wadnaha oo degdeg ah wuxuuna u horseedi karaa xaalado wadnaha oo aad khatar u ah wuxuuna keenaa jilcanka lafaha(osteoporosis).Sababtoo ah cudurka Graves' wuxuu saameeyaa dhinacyo badan oo caafimaadka qofka.  Waa muuhim in la daaweeyo.



Maxaa sababa cudurka Graves disease?


Cilmi-baarayaasha caafimaadka wali ma aysan ogaan waxa keenna xanuunka isweerarka difaaca jirka. Mararka qaar waxa jira waxyaabo  kiciyaal ah oo kicinaya habadhiska difaaca jirka  kaasoo  si xad-dhaaf u soo saaraya difaaca jirka waxa loo yaqanaa thyroid-stimulating immunoglobulin waxa uu qabsanayaa  tayroodhka oo fiican kaddib waxa ku sababayaa inuu soo saaro hormoon badan.


Caadi ahaan difaaca jirka ayaa soo saaraya difaaca jirka kaasoo u nidaamsan inuu la dagaalamo fayruska ama bakteriya iyo waxyaabaha qalaad ee jirka soo gala. Graves disease  inta badan sidaan horray u soo sheegnay sababta saxda lama yaqaan ee keenta.Caadiyan shaqada tayroodhka  waxa maamula hormoon uu soo daayo qanjidhka    ku yaala maskaxda(pituitary gland).


 Difaaca jirka waxa markaa u dhaqmayaa sida qanjirka kaasoo ku dhagaya qaabilaha(thyrotropin receptor antibody) taasi waxay ka dhigan tahay qaabilaha inuu ka talaabo habkii caadiga ahaa uu u shaqeynayay qanjirka tayroodhka, waxay keeneysaa in la soo saaro xaddi badan hormoon ah( hyperthyroidism). Waxyaabaha ee keeni kara waxa ka mid ah:  fayrus,  walaac ku dhaca qofka,  uurka.


Calaamadaha.


Calamadaha qofka waxay uga soo muuqanayaa si tartiib tartiib ah waxay qaadaneysaa muddo dhowr toddobaad ama bilo si ay u soo muuqdaan calaamadaha cuddurkan 


1: Garaaca wadnaha oo kordha.

2: Miisaanka qofka hoos u dhaca.

3: Wax cuniska qofka korodha.

4. Shuban.

5: Gariir lagu arko.

6:Caadada haweenka khalkhal ku timaado.

7: Dhiddid badan.

8: Qofka aan u dulqaan karin kulka.

9: Hurdo yari.

10:Qanjirka fiix yeesha(thyroid gland).

11: Indhahoo banaanka u soo baxa (exophthalmos).

12: Tabbar-darri.

13: Timaha oo daata.




Sidee loo baadhaa.


Xaddiga caadiga hormoonka(normal).

1:TSH: 0.4-5.5ml(thyroid stimulating hormone.)

2:T4: 5-11nm/dl.

3:FT4: 0.9-1.7nm/dl

4:T3: 100-200nm/dl

5:Ft3: 2'3-4'1nm/dl


*Waxa hoos u dhacaya nashaadiyaha hormoonka tayroodhka(thyroid stimulating hormone).

*Waxa kordhaya shaqada tayroodhka (FT4/Ft3).


1:In la saaro humaag muujiye(ultrasound).

2:In baadhiitaan lagu sameeyo unugga(cytology).

3:Iskaan (c scan) iyo MRI.

4:Difaaca jirka in baadhitaan lagu sameeyo(Thyroglobulin Antibodies TEST)

5: In la baadho qaabilaha tayroodhka (thyrotropin receptor autoantibodies)



Daweeynta.


1:Daawada ugu horreysa la siinayo qofka qaba Graves disease  waa dawooyinka la isku yiraahdo Beta-blockers: Beta-blockers waxa kamid ah:propranolol,metoprolol,  badanaa waa dawooyinka ugu horeeyo lagu daweeyo Graves disease.   Dawooyinka waxay hoos u dhigaan  garaaca wadnaha, waxay difaac u yihiin wadnaha.


2: Dawooyinka liddiga tayroodhka (Antithyroid medications) waxa ka mid ah:methimazole,propylthiouracil.  Dawooyinka waxay xidhayaan soo saaritaanka hormoonka.  Dadka xaddi yar ayay daawooyinka ku keenaan maqaarka oo fiixax yar yar ka soo muuqdaa iyo unugyada cad ee dhiigga hoos noqda, taasi waxay siyaadineysaa in qofka halis u galo caabuq inuu ku dhaco.


3:Waxa la adeegsadaa radioactive iodine therapy.


4:In qaliin lagu sameeyo qofka laga saaro qanjirka. Waxa ka dhallan kara dhibaato kale  ama in qofka uu baahdo inuu hormoonnada ay soo daayaan qanjirka tayroodhka uu waligiisa qaato dawooyinkiisa(sida levothyroxin).



Tixraaca:https://my.clevelandclinic.org/



W/Q:Indha_caad 




Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad